Home » WARARKA MAANTA » Xubin ka tirsanaa guddiga abaaraha Hirshabelle oo iscasilay (sababta ogow)

Xubin ka tirsanaa guddiga abaaraha Hirshabelle oo iscasilay (sababta ogow)

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf uu ka dhex jiro maamulka Hirshabeelle iyo guddiga abaaraha ee deegaannadaas, iyada oo uu xilkii iska casilay xubin ka tirsan guddiga.

Ilo xog-ogaal ah ayaa warfidiyeenka u sheegay in khilaafkan uu ka dhashay muran ku saabsan halka la marsiiyay lacag loogu talogalay gurmadka abaaraha, oo guddiga abaaraha ee heer qaran uu dhawaan ku soo wareejiyay maamulka Hirshabeelle.

Khilaafka jira ayaa waxa uu xoogeystay ka gadaal markii la isla fahmi waayay qaabka loo bixinayo lacagta gurmadka ah ee maamulka Hirshabeelle loo dhiibay. Waxaana si gaar ah la isugu qabsaday tirada lacagta iyo sida deegaannada loogu kala qeybinayo.

Lacag gaaraysa 75 kun oo doollar, oo ka mid ah lacagta gurmadka ah, ayaa la sheegay in qoonddo ahaan loo siiyay gobalka Hiiraan, arrintaas oo ay xubnaha guddiga abaaraha ee Hirshabeelle qaarkood u arkeen qorsheyn aan aad looga baaraandegin.

Sheekh Garaad Axmed Caddow, oo xubin ka ahaa guddiga abaaraha ee Hirshabeelle, ayaa shalay ku dhawaaqay in uu iscasilay, isaga oo arrintaas u sababeeyay khilaafka ka dhashay sida loo maareynayo lacagaha gurmadka.

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super