Home » WARARKA MAANTA » Xog muhiima: Soomaalilan oo rejo cusub ay u muuqatay

Xog muhiima: Soomaalilan oo rejo cusub ay u muuqatay

Dowladda Itoobiya oo markii horeba lagu dhaliili jiray in ay ka shaqayso carqaladaynta nabad iyo dowladnimo ka hanaqaadda Soomaaliya, ayaa waxa ay maalmahaan samaynaysay tallaabooyin walwal gelinaya dowladda cusub ee Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan iyada oo ra’iisul-wasaaraha Itoobiya uu marar badan shaaciyay in ay dowladdiisu garab-taagan tahay dadaal kasta oo lagu soo celinayo xasiloonida Soomaaliya.

Waxaa beryahan warbaahinta gudaha lagu faafinayay warar ku saabsan xiriirro aan hore loo arag oo dhex maraya Itoobiya iyo maamulka Soomaalilan ee sheegta in uu yahay dal ka go’ay Soomaaliya.

Xiriirradan ay Itoobiya la samaynayso Soomaalilan ayaa waxa ay dhaliyeen hadal-hayn badan, waxaana la isweyddiiyay sababta ay dowladda Addis Ababa ugu labawajiileynayso dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxa ayaa sheegaya in Itoobiya ay warqad u dirtay Soomaalilan, iyada oo ugu hambalyaysay munaasabadda 18-ka May oo ah maalintii uu maamulkaasi dhismay.

Waxaa warqaddu ay qireysay dowladnimada Soomaalilan, iyo sida ay Itoobiya raalli uga tahay la-shaqaynta dowladdaas Soomaaliya inteeda kale goonida isaga taagtay.

Mar sii horreysayna, waxaa soo baxay warar sheegaya in Itoobiya ay dhismo cusub siisay safaarad ay Soomaalilan ku leedahay magaalada Addis Ababa.

Arrimahan oo dhan ayaa waxa ay dadka siyaasadda gobalka la socda u aaneynayaan damac ay Itoobiya ka leedahay in ay ka faa’ideysato dekedda magaalada Berbera ee Soomaalilan, taas oo heshiis dhawaan la saxiixay lagu caddeeyay in ay Itoobiya ku yeelan doonto saami 19% ah.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super