Home » WARARKA MAANTA » FIIRSO: Ra’iisul-wasaare Kheyrre oo saaka wacdarro dhigay

FIIRSO: Ra’iisul-wasaare Kheyrre oo saaka wacdarro dhigay

Warar hordhac ah oo aan helayno ayaa sheegaya in ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyrre uu saaka aroortii tegay xarumaha hoos tega wasaaradda Maaliyadda, halkaas oo uu shaqooyinka ka socda kormeeray.

Xilliga uu ra’iisul-wasaaruhu tegayay wasaaradda ayaa ahaa xilli hore oo aanay shaqadu si toos ah u billaaban, waxaana shaqaalaha wasaaradda kedis iyo lama-filaan ku noqday kormeerka ra’iisul-wasaaraha.

In kasta oo aanay weli warar faah-faahsan ka soo bixin kormeerka ra’iisul-wasaaraha, haddana waxaa la soo sheegayaa in uu mudane Xasan Cali Kheyrre indha-indheeyay shaqada socota, isla markaana dhegeystay warbixinno ay howlwadeennada wasaaraddu ka siiyeen howsha.

Ra’iisul-wasaaraha ayaa maalmahan waxa uu samaynayay kormeero kedis ah oo uu kaga dultegayo shaqaalaha wasaaradaha xilli aanay filanayn, isaga oo sababta kormeeradiisa ku sheegay in la isla-xisaabtamo oo la dardargeliyo shaqooyinka socda.

Wixii ku soo kordha arrintan dib ayaa aad kala socon doontaan, idam alle.

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super