Home » WARARKA MAANTA » XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo ka carooday booqashadii Uhuru Kenyatta ee Dhoobley

XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo ka carooday booqashadii Uhuru Kenyatta ee Dhoobley

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay booqashadii sharci darada aheyd ee madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu ku tagay magaaladda Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Kenya ayaa isagoo aan soo wargelin dowlada Soomaaliya tagay Dhooble, waxaana uu booqday xarumaha ciidamada Kenya ka joogaan magaaladaas.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in talaabada sharci darada ah ee madaxweynaha KENYA sameeyay ay aad uga caresiisay madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maamulka Jubbaland ka dalbaday iney sharaxaad dheeraad ah kasoo bixiyaan sababta keentay in Uhuru Kenyatta uu yimaado gudaha Soomaaliya iyadoo aan lasoo wargelin dowlada dhexe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in arinta uu sameeyay madaxweynaha Kenya ay baajin karto socdaalkii uu madaxweyne Farmaajo ku tagi lahaa magaaladda Nairobi halkaas oo uu kaga qeyb gali lahaa shir caalami ah.

Xariirka labada dal ayaa ah mid aanan ku taagneyn cago badan, madaxweynaha DF Soomaaliya ayaana xili hore ugu baaqay wadamada gobolka iney ilaaliyaan qaranimadda Soomaaliya, hase ahaatee arinta uu sameeyay Uhuru Kenyatta ayaa ah mid shaki galineysa qaranimada Soomaaliya.

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super