Home » WARARKA MAANTA » XOG CULUS: Xildhibaannada beelaha qaar oo la-kulankooda uu qaali noqday

XOG CULUS: Xildhibaannada beelaha qaar oo la-kulankooda uu qaali noqday

iyada oo dhawaan lagu wado in lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa waxaa la arkayaa ciriiri iyo mashquul ka jira qaar ka mid ah hotelada Muqdisho, halkas oo ay buux-dhaafiyeen dadka u xusul-duubaya qabashada xilalka xukuumadda.

Wararka xiisaha leh ee la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in hotellada ugu mashquulka iyo dadka badan ay noqdeen kuwa ay deggan yihiin, ama ay isugu yimaadaan xildhibaannada ka soo jeeda beesha Mareexaan oo uu madaxweynuhu ka dhashay.

Dadka ka ag dhaw goobaha siyaasadda lagu falanqeeyo ee Muqdisho ayaa waxa ay ku warrramayaan in la-kulanka xildhibaannada Mareexaan ay noqotay arrin aad u adag, isla markaana la arkayo dad lacago badan ku bixinaya sidii ay ula kulmi lahaayeen xildhibaannadaas.

Sababta xildhibaannadan aragtidooda iyo la-kulankooda loo danaynayo ayaa waxaa lagu micneeyay in ay iyaga u sahlantahay tegitaanka xafiiska madaxweynaha, maadaama madaxweynuhu uusan beryahan dadka oo dhan wada qaabilayn, mashquulka ka jira xafiiskiisa darteed.

Xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo xafiiska ra’isul-wasaaraha ayaa waxaa dhooban dad xil-doon ah, kuwaas -oo qaarkood- tegitaanka xafiisyadaas u soo maraya xildhibaannada ku beesha ah madaxada ama dad kale oo si uun ugu dhaw.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa waxa ay isbarbar-dhig ku sameeyeen hab-dhaqanka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo madaxweynayaashii labada ahaa ee isaga ka horreeyay, gaar ahaanna marka la eegayo xiriirka ay saddexdooduba la lahaayeen beelahooda. Waxaana soo baxday in Farmaajo uu labadii madaxweyne ee ka horreysay kaga duwan yahay u-dhawaashaha, iyo fursad-siinta gaarka ah ee xildhibaannada iyo dadka ka soo jeeda beeshiisa.

Tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay, waxaa magaalada Muqdisho ku soo qulqulayay dad u dhashay beesha Mareexaan, kuwaas oo marka aad la sheekaysato kuu sheegaya in ay xilal iyo fursado kale ka raadinayaan dowladda.

Abwaan  Axmed  Caalim oo si weyn loogu  yaqaan  gayiga Soomaaliya  ayaa 1980  yiri:

Hintiflaha Waraabe hadow micida Hiigaayo

Libaaxina Hagoogtay ana hadalki waa Daayay

Si kastaba ha ahaatee, hadal-heynta ugu badan ee bulshada ayaa waxa ay ku saabsantahay sida ay xildhibaannada Mareexaan uga qiima badnaadeen kuwa beelaha kale, iyo fursadaha gaarka ah ee ay maanta ka helayaan madaxweynaha. Waxaana mid ka mida adeegsadayaasha baraha bulshada uu boggiisa ku soo qoray hadal sarbeeb ah, kaas oo la macne ah in beelaha Muqdisho dega ay maanta marti ka yihiin magaalada, oo ay been noqotay maah-maahdii dhahaysay “mukulaal minankeeda Joogta, miciyo libaax ayay leedahay!”

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super