Home » WARARKA MAANTA » Xildhibaannadii isbahaysiga samaystay oo danta ay leeyihiin caddeeyay

Xildhibaannadii isbahaysiga samaystay oo danta ay leeyihiin caddeeyay

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan samaystay isbahaysi ayaa waxa ay caddeeyeen ujeeddada rasmiga ah ee ay isku bahaysteen.

Xildhibaannadan, oo shir-jaraa’id maanta ku qabtay Muqdisho, ayaa waxa ay meesha ka saareen eedeymo iyaga loo soo jeediyay oo ku saabsan in ay mucaarad ku yihiin dowladda, waxaana ay taas beddelkeeda hoosta ka xarriiqeen in ay ka shaqayn doonaan dhismaha iyo sixidda dowladda.

Xildhibaannadan ayaa waxa ay tilmaameen in ujeeddooyinka ay beegsanayaan ay ka mid tahay sidii looga gudbi lahaa nidaamka awoodqeybsiga beelaha ee 4.5, oo loo heli lahaa hab caddaalad ah oo dalka lagu maamulo.

Xildhibaannadan ayaa waxa ay maalma ka hor magaalada Nairobi kaga dhawaaqeen isbahaysi la magac-baxay Horusocod, kaa soo ay dad badan u arkeen mid lagu carqaladeynayo dowladda cusub ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super