Home » WARARKA MAANTA » Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo maanta Guddoon cusub dooranaya..

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo maanta Guddoon cusub dooranaya..

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah 10 January 2016 waxaa lagu wadaa iney doortaan guddoomiyahooda.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorahada guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo wareysi siiyey Goobjoog Newla hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka ay si habsami leh u socdaan.

Waxa uu sheegay Bayle in maanta ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, islamarkaana sidoo kale maalinta berri ah la dooran doono ku xigeennada guddoomiyaha golaha shacabka.

Waxaa xilka guddoomiyaha golaha shacabka maanta u tartami doono Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar.

 

x

Check Also

FIIRSO: Wariyeyaal Caan ah oo ka badbaaday qaraxii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacay

Sawirro: Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Saldhigga Degmada Waabari

Ugu yaraan 8 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxii lagu Weeraray Saldhigga ...

Watch Dragon ball super