Home » WARARKA MAANTA » Wasiirkii Hore Amniga oo Si Adag Ugu Hadlay Heshiisyada Maamul Goboleedyadda La Galaan Dowladdaha Shisheeye

Wasiirkii Hore Amniga oo Si Adag Ugu Hadlay Heshiisyada Maamul Goboleedyadda La Galaan Dowladdaha Shisheeye

Xildhibaan C/Risaaq Cumar Maxamed wasiirkii hore ee Wasaaradda amniga xukuumadii Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke , ayaa mar uu ka hadlaayey heshiisyada Maamul Goboleedyada ay la galaan Wadamada Caalamka ayaa waxa uu ku tilmaamay in heshiisyadaas qaarkood ay yahiin kuwa bilaa sharci ah.

Heshiisyada Maamul Gobaleedyada aysan geli karin ayuu wasiirku ku sheegay in ay yahiin heshiisyada Dowladaha Caalamka ay ku doonayaan in ay geyiga soomaaliya kaga dhistaan saldhigyo milateri, waxuuna sheegay in heshiisyadaasi ay geli karto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxuu sheegay hadii ay Maamul Gobaleedyada ay galaan heshiisyadaasi ay jebinaayaan qodobka 54 ee dastuurka qabyada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliaya u yaala.

Hadalka wasiirkii hore ee amniga ayaa imaanaayo iyadoo dhawaan Dowladda Imaaraadka Carabta ee Dubai ay heshiis la gashay Maamulka Puntland.

 

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super