Home » WARARKA MAANTA » Wasiir Yariisow oo mahadcelin gaar ah u jeediyay Imaaraadka

Wasiir Yariisow oo mahadcelin gaar ah u jeediyay Imaaraadka

Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka taageerada ay siiso dadka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo si gaar ahna u xusay gurmadka abaaraha.

Wasiirka ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la qaatay danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Alcusmaani, waxaana ay ka wada-hadleen arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dal.

Wasiir Yariisow ayaa dowladda Imaaraadka ku amaanay olole cusub oo si xoog leh uga billowday warbaahinta dalkaas, kaas oo lagu aruurinayo gurmad ay dadka Imaaraadku ugu talogaleen Soomaalida ku dhibaataysan abaaraha ka jira Soomaaliya.

Wasiirka ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin garabistaagga ay ka helaan walaalahooda Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka Carbeed ee dhaqdhaqaaqyada samafalka u badan ka sameeya Soomaaliya, waxaana jira dad badan oo ku tiirsan adeegyada caafimaad iyo gurmadka bani’aadamnimo ee uu dalkaas bixiyo.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super