Home » WARARKA MAANTA » War degdeg ah- Abwaan caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo goor dhaw dhintay

War degdeg ah- Abwaan caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo goor dhaw dhintay

Waxaa daqiiqado ka hor dalka geeriyooday Abwaan Xasan Qowdhan Yuusuf oo ka mid ahaa halabuurradii caanka ahaa ee soo maray fanka iyo suugaanta Soomaalida.

Xasan Qowdhan ayaa in muddo ah xannuunsanayay, waxaana uu ku dhintay dalka Sweden oo uu dhawaan ku galay qalliin xagga wadnaha ah.

Marxuumka ayaa geeridiisa waxaa xaqiijiyay dad ehelkiisa ah, waxaana aad u murugooday bulshada xiiseysa fanka Soomaalida oo abwaanka aad u jeclaa.

Sida ku cad sooyaalkiisa, waxa uu Xasan Qowdhan dhashay khiyaastii 1944-kii, waxaana uu kaalin laxaad leh ka soo qaatay horumarka fanka Soomaalida, gaar ahaan halabuurka heesaha iyo riwaayadaha oo uu qeyb weyn ka soo qaatay.

Heeso iyo masraxyado badan ayaa uu abwaanku sameeyay intii uu qeybta ka ahaa howlaha fanka. Kuwooda ugu caansanna waxaa ka mid ahaa: heesaha Qalam-jalam, Dardaaran, Shacbaan, Miidaamo dhego ma leh, iyo riwaayada laga xusi karo Annagoo waalan waagu noo bari, Ninna waal ninna waani, iyo kuwa kale.

Riwaayadaha iyo heesaha uu curiyay Xasan Qowdhan waxaa ku soo baxay, oo masraxyada fanka Soomaalida la soo koray fannaaniin badan oo caan noqday, kuwaas oo laga tilmaami karo Muuse Ismaaciil Qalinle, Saada Cali Warsame, iyo qaar kale.

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super