Home » WARARKA MAANTA » Warqado digniin ah oo suuqa Bakaaraha lagu soo daadiyay (akhriso waxa ku qoran)

Warqado digniin ah oo suuqa Bakaaraha lagu soo daadiyay (akhriso waxa ku qoran)

Warqado digniin ah ayaa lagu daadiyay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaas oo ay dadka ku sugani cabsi badan dareemeen.

Warqadahan ayaa waxaa ku qoran digniinno loo jeedinayo ganacsatada suuqa Bakaaraha, gaar ahaanna suuq-yare lagu magacaabo Khaliifa oo halkas ku yaalla.

Sida ka muuqata nuqul ka mid ah warqadahan oo aan helnay, waxaa ganacsatada suuqaas yar ee Khaliifa looga digay dagaal xilli kasta ka dhici kara gudaha suuqa, kaas oo looga jawaabayo dhibaato ay halkaas ka wadaan taliyayaal boolis iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Lama yaqaan cidda warqadahan digniinta ah ku soo daadisay goobta. Waxaase ay tan imaanaysaa iyada oo maalma ka hor gudaha suuqa Bakaaraha lagu arkay warqado loogu digayo shirkadaha bixiya lafaha talefoonnada ee Internetka laga isticmaalo.

HALKAAN KA AKHRI WARQADA:

x

Check Also

FIIRSO: Wariyeyaal Caan ah oo ka badbaaday qaraxii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacay

Sawirro: Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Saldhigga Degmada Waabari

Ugu yaraan 8 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxii lagu Weeraray Saldhigga ...

Watch Dragon ball super