Home » WARARKA MAANTA » WAR DEG-DEG AH :- Nabaddoon caan ah oo goor dhaw lagu dilay magaalada Beledweyne

WAR DEG-DEG AH :- Nabaddoon caan ah oo goor dhaw lagu dilay magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay Gudaha Xaafadda howl wadaag ay ku dileen Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisoow oo si weyn loogu yaqaanay magaaladaas.

Dilka nabadoonka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Magaalada Beledweyne , sida warbaahinta u sheegeen dadka ku nool Xaafada howl-wadaag gaar ahaan laanta suuqa xoolaha ee Magaalada Beledweyne.

Nabadoonka ayaa la sheegay in dhowr xabadood lagu dhuftay islamarkaana uu goobta ku dhintay.

Kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisoow ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray Ciidamada Amaanka Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaana socda Howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super