Home » WARARKA MAANTA » War Deg Deg ah:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Saakay Xukun Dil ah Fulisay

War Deg Deg ah:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Saakay Xukun Dil ah Fulisay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Saakay Xarunta Tababarka Ciidamada Booliska Ee Gen Kaahiye ku Fulisay Xukun Dil ah,waxaana Xukunkaan Dilka ah lagu fuliyay  C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa Ninkii waday Gaarigii ku Qarxay Suuqa Beerta Ee Degmada Waabari 27-kii November 2016.

C/qaadir Cabdi ayaa horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay Xukun Dil ah ugu Xukuntay,iyadoo Saakay lagu Fuliyay Xukunka Dilka ah.

Qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta Ee Degmada Waabari waxaa ku dhintay in kabadan 30 Ruux oo Shacab ah,waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 50 kale.

Ciidamada Ammaanka ayaa Gacanta ku dhigay C/qaadir Cabdi Xasan Maalinkaas xilli uu Gaariga soo dhigay Suuqa Beerta,waxaana Gaarigii uu halkaas soo dhigay Qarxiyay Nin kale oo la socday balse Xilligaas Gacanta Ciidamada ka baxsaday.

Dhowr Jeer ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Xukuno Dil ah ku fulisay Eedeysaneyaal ka tirsan Al-shabaab,

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super