Home » WARARKA MAANTA » WAR DEG DEG AH: Kooxo Hubeysan oo Goordhaweyd Dil Ka Geystay Muqdisho

WAR DEG DEG AH: Kooxo Hubeysan oo Goordhaweyd Dil Ka Geystay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd gudaha Xaafada Xaawo Taako Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir  waxa ay ku dileen qof rayid ahaa.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in rag hubeysan oo gaarayay  ilaa 3-nin ay fuliyeen dilka loo geystay qofka rayidka ahaa , islamarkaana kooxda hubeysan laga dilay mid ka mid ah kadib markii Ciidamo halkaas ka dhawaa ay rasaas ku fureen.

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya oo goobta gaaray ayaa wada howlgal lagu baad-goobayo labo kale oo dilka fuliyay oo la sheegay in ay baxsadeen,waxaa goobta laga qaaday meydka ruuxa rayidka aha.

Ilaa haatan si dhab ah looma ogo waxa uu ahaa qofka la dilay iyo halka uu ka Tirsanaa.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super