Home » WARARKA MAANTA » War deg deg ah: Ciidan Gadoodsan oo goordhaw la wareegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga

War deg deg ah: Ciidan Gadoodsan oo goordhaw la wareegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga

Wararka aan ka helnay Xarunta wasaaradda Gaashaan-dhigga ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in goordhaw Ciidan gadoodsan oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay la wareegeyn Xaruntaasi.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamadan gadoodsan ayaa ah kuwa aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxa ayna xireen qeybo kamid ah laamiga Warshadaha gaar ahaan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ciidamadan ayaa diiday in laga so baxo ama la galo xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxa ayna ciidanka sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin mushaarkooda aysan helin dhoor bil ayna doonayaan in ay helaan xaquuqda ka maqan.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super