Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood,waxaa qoray.Dr.Xuseen Sh.Axmed (Kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood,waxaa qoray.Dr.Xuseen Sh.Axmed (Kaddare)

     Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

                               

WAASUGE IYO WARSAME

    (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 14-aad

     Waasuge afar faataxo ayuu Muuse u maray, wuxuuna ugu duceeyey inuu dalkiisa ka shaqeysto, dadkiisana la noolaado, waalidkiisna ka duceysto. Sidaas ayaana hadalkoodii subaxaas ku dhammaaday.

     Shan maalmood ka dib, ayuu Waasuge goor subax ah wuxuu aaday suuqa xoolaha asagoo dantiisu tahay inuu kasoo fiiriyo dad baadiyo ka yimid oo uu reerihii ka wareysto. Maalintaas ayayna Waasuge iyo Warsame si lama filaan ah ugu kulmeen suuqa xoolaha (waa maalintii Dirir iyo Warsame ariga iibinayeen). Lagama sheekayn karo sida uu mid waliba ugu farxay markay is arkeen. Maalintaas waxay isku fureen murtidii ku gaatay intay kala maqnaayeen. Dirir iyo Waasuge ayuu Warsame is baray, kaddibna waxay wada jir uga Shaah doonteen makhaayad suuqa u dhaweyd. Intii ay sii socdeen waxay isu sii sheegayeen halka uu mid waliba magaalada ka joogay muddadii ay kala maqnaayeen.

     Labada duq waxay u hadlayaan si tannaago ah oo farxadi ku jirto markaasaa qofkay agmaraanba dib usii dhuganayey, dadka qaarna kuba qoslayay. Makhaayaddii ayay tageen. Shaah ayaa loo keenay. Warsame ayaa markaas hadlay oo yiri, “Waasugow, waxaad iiga warrantaa naagtii caddaanka ahayd oo wiilkaagu qabay. Mase leedahay shuruudihii odayaasha soomaaliyeed ku qiimeyn jireen naagta la guursanayo, kuwaasoo yiri naagta aad guursanaysid waa inay lahaataa shan waxyaalood oo kala ah:

Itaal nimeed;

aqbal naageed;

arrinkeen waayeel;

Af muslin iyo

Anshax culimo.

     Waasuge ayaa markaas asagoo Warsame u jawaabaya, si wanaagsanna hadalkiisi u dhuuxay inta shaahii kabaday oo koobkii dhigtay ku yiri, “Wallaahi Warsamow haddii aan dembi iska dhowro, gabadhu waa qof aad u qurux iyo caqli badan, cilmiga gaaladana aad u taqaan sida la sheegayay (Waasuge cilmi waa u diinta  Islaamka, wixii kasoo harana umaba danqado). Laakiinse Warsamow ayuu yiri,   “waxyaalo badan waa ka dhimmanyihiin oo waadna ogtahay oo waxay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa:

Dad ma ceeb la’yahay lama yiraa

ee ma ceyntaa ayaa la yiraa.

     Haddaba, Warsamow, haddaan si tifaftiran kuugu warramo waxyaalaha gabadha ka maqan waxaan kasoo qaadi karaa: bal mar, waayoo, ma dukato, mar kale waayoo, ma taqaan sida Bunsharuurka loo dubo. Waxaa intaas kasii daran, waxay neceb tahay daacada oo sidaan iskugu celinayay kuba wadna go’ay. Haddiise aan Warsamow tix geliyo heshiiska iyo kala dambeynta iyada iyo ninkeeda, waxaanba is-iraahdaa kuwaanu waa reer jannaadkii la sheegayay. Markay halkaas mareyso ayuu Warsame maahmaah gaaban ku tuurtay hadalkii oo yiri, “Waasugow, waxaa sideedaba la yiri:

Isqaddaris qoys kuma dagaalo.”

La soco Qeybta 15-aad, berri haddii Alle idmo.

WAXAA QORAY:

DR.XUSEEN SHEEKH AXMED (Kaddare)

x

Check Also

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

FIIRSO SAWIRO” oo Wax badan ka Ogoow Kulan Caawa ka socda Villa Hargeysa

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya caawa kulan uu shir Guddoominayo ku ...

Watch Dragon ball super