Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood. waxaa qoray:Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood. waxaa qoray:Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

                               

WAASUGE IYO WARSAME

   (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 15-aad

Haddiise aan Warsamow tix geliyo heshiiska iyo kala dambeynta iyada iyo ninkeeda, waxaanba is-iraahdaa kuwaanu waa reer jannaadkii la sheegayay. Markay halkaas mareyso ayuu Warsame maahmaah gaaban ku tuurtay hadalkii oo yiri, “Waasugow, waxaa sideedaba la yiri:

Isqaddaris qoys kuma dagaalo.”

“Warsamo, (waxaa hadalkii  halkiisii ka qaatay Waasuge), si kale kuma garatide, marmar waxaa cuntada kariya  Muuse, markaasaan ku xusuustaa maahmaahdii ahayd rag waxaa u wanaagsan:

Nin tolkiis u nacas ah, oo aan ragannimadiisa ku tijaabin,    shisheeyahana u nacab ah, oo ay ka baqaan, reerkiisana u naag ah, oo aan danihiisa ka weyneysan.”

Warsame waxaa uu la yaabay markii la yiri naagtii oo iska fadhida ayuu ninkii cuntada karinayaa. Warsame waxaa maskaxdiisa hantiyay sida ay soomaalidu Ragga iyo Dumarka ugu qaybiso HAWSHA, HADALKA IYO HILIBKA. Asagu wuxuuba eedda saarayaa Maariya oo ula muuqata inaysan ahayn naag gaari ah ama ay daacadnimo xumo ku jirto, wuxuuna soo qaatay maahmaahdii ahayd:

Ilaahow shan waad uuntay ee maxaad shan uga dhigin. 

Geesi waad uuntay,ee maxaad bir uga dhigin.

Fulay waad uuntay ee maxaad baalal ugu yeelin.

Deeqsi waad uuntay ee maxaad maalqab uga dhigin.

Bakhiil waad uuntay ee maxaad summad ugu yeelin.

Naag xunna waad uuntay ee maxaad koor ugu xirin,

ha laga cararee intaan cidba la moodin.

Iyadoo sheekadu isku dubbadhacday ayaa dallaalin iyo dad kaloo is daba yaacayaa Makhaayadii soo galeen, markaasay odayaashii is maqli waayeen, sheekadiina ka joogsatay. Markii buuqii yaraaday ayaa Waasuge oo hadalkii sii wata wuxuu yiri, “Warsamow, umuurta iigu daran ee gabadhu iiga yaabisay waxay tahay, markastoo aan ka sheekeysanno murtida soomaaliyeed, inta hadalka iska soo gasho ayay iyaduna soo daliishataa gabayo iyo heeso Afgaal ah oo uu leeyahay nin ay magaciisa ku sheegeysay ‘Shakisbiir”. Markuu Warsame intaas maqlay ayuu inta qosol la raftay yiri, “Waasugow, ninka ay gabadhu sheegtay ma waxay barbar dhigeysaa laashimiintii soomaliyeed oo ay ka mid ahaayeen: Raage Ugaas, Cali Dhuux Aadan, Sayid Maxamed, Sheekh Axmed Gabyow, Faarax Shuuriye, Salaan Carrabay, Timacadde, Cali Xuseen Xersi, Eybakar Rooble Indhayare, Geeddi Garabay, faarax Seefeey, Qamaan Bulxan iyo kumayaal kale oo ka wada daran”. Waasugow (ayuu Warsame yiri asagoo hadalka shigshigaya caro daraaddeed) sideedaba aan kuu warrammee, dadkoo dhammi wuxuu quuri la’yahay kartida iyo maskaxda Ilaahey siiyay soomaalida oo aan cid ku gaarta la helayn, laakiin, waxaa la yiri:

Libaax tuuryo la lama gaaro

Caayduna wax kama tarto.

  

La soco Qeybta 15-aad, Berri haddii Alle idmo. 

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

x

Check Also

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

FIIRSO SAWIRO” oo Wax badan ka Ogoow Kulan Caawa ka socda Villa Hargeysa

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya caawa kulan uu shir Guddoominayo ku ...

Watch Dragon ball super