Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood: waxaa qoray,Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood: waxaa qoray,Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. Wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

                               

WAASUGE IYO WARSAME

  (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 12-aad

   laakiin wiil yar ayaa xaajadii kharribay oo inta si lama filaan ah hadalkii u qaatay duqii ku yiri, “Adeer annagu inta yar ee aan adduunyada joogno waan tumaneynaa, aakhirada aad sheegeysidna yeelkeed.” Waasuge weertaas aad ayuu ula fajacay ilaa hadalba kasoo bixi waayo.

Markuu xoogaa aamusnaa ayuu inta yaab madaxa la ruxay, dhowr kal ku celceliyey hadalkii uu wiilku ku yiri  “Aakhirana yeelkeed, aakirana yeelkee!”.Hadal waano ah ayuu Waasuge ku dheeraaday, wuxuuna dhallinyaradii tusaaleeyay inuusan Ilaahey dadka u abuurin in qof waliba ku kaco wixii naftiisu jeclaato. Markuu in badan wayaalaha diintu na fartay u faaninayey, waxyaalaha ay naga reebtayna u caaynayay, ayuu ugu dambeystii dhallinyaradii u tiriyay beydad ka mid ah masafo kale oo Sheekh Axmed Gabyow uga faallooday waxyaalaha aakhiro qabsan doona qofkii aan camal wanaagsan falan intuu adduunyada joogo, wuxuuna yiri.

“Rugtii qiyaamo haddii la roogsado

Rifato naar ahna raab kasoo go’o

Kuwii rogaayayna reebi waayaan

Rasuulka suubanunow ku reed maro

Haddaad ka raaracsatiiska kaa rido

Risaalihiisi horaadan raacine

Rabbigay weynuna raalli kuu naqan

Ragow haddoo qalbi waa rafaadaa.”

Dhallinyaradii quus ayey markaan ka gaartay, sidaas ayeyna ku kala tageen. Maariya aad ayey uga xumaatay barnaamijki habeenkaas ka dhicisoobay, aqalkeeda ayeyna dhaxda ka xiratay caro daraaddeed. Habeenkaa reer Muuse islama hadlin, sidaas ayaana waagu ugu baryay. Waasuge qolkiisii ayuu iska seexday asagoo ciil bistiis la ah, asal ahaanna ka xun waxyaalaha ay dhallinyaradu ku kacday, sababna uga dhigaya edebdarro ayhorseed u yihiin reer Muuse.

Subaxdii dambe, wuxuu qof waliba soo toosay asagoo cabbursan oo si dhib ah hadalku uga soo baxayo. Ka dib markii la quraacday, ayuu Muuse sheeko sarbeeb ah kuna saabsan waxyaalihii xalay dhacay u billaabay aabbihiis. Maariya kama qayb qaadan sheekadaas, maxaa yeelay, waxay si weyn u dareensanayd inayan is fahmi karin iyada iyo duq Waasuge.

Muuse markuu sheekada billaabayay waxaa u barbar yiil bal inuu si aan rasmi ahayn ee iska maandhugad ah uu aabbihiis ugala tashado sheeko uu maalmahaas ku tallamayay, Maariyana la ogayd. Muuse markii is yiri duqa caradii way ka degtay ayuu si qabow u yiri, “Aabbe waxaan jecleystay inaan kula socodsiiyo, kaalana tashado ra’yi aan goosannay aniga iyo Maariya, kuna saabsan inaan shaqada Dowladda ka tago, dibeddana iska aadno, waxay ila tahay ayuu yiri Muuse “inaad adiguba garan kartid sababta nagu kallifaysa umuurtaas, maxaa yeelay, waxaan nahay dad doonaya nolo casri ah horana u bartay. Waxaa intaas dheer mar haddaan dibedda tagno wax welwel ah kama qabno xagga shaqada, maxaa yeelay, waxaan mar waliba warqado ka helnaa Maariya Aabaheed oo ah nin warshado leh, wuxuuna nagula taliyaa inaan asaga u shaqeyno”.

  

La soco Qeybta 13-aad, Berri haddii Alle idmo.

 

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super