Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray: Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray: Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

    Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misna Qoraa ah.

                               WAASUGE IYO WARSAME

                             (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 1-aad:

  Waasuge Waranside, waa nin caan ah kuna nool Degmada Jowhar. Waa lixdan jir itaal u dhashay. Waxaa lixaadda u dheer, waa dadka ayan da’du dhabankooda ka muuqan. Waasuge waa culimo la jir aftahan ah, wuxuuna ku barbaaray lo’ iyo Beer kuwaasoo ay nolosha Qoyskiisuba ku tiirsantahay. wuxuu degganyahay meel gelin socod u jirta magaalada jowhar, aad ayaana looga yaqaan loogana tixgeliyaa gobolka Shabeelaha dhexe oo uu ku noolyahay.

     Waasuge wuxuu gooystay inuu socdaal gaaban ku gaaro Xamar si uu usoo fushado ummuuro yar yar oo la xiriira baahida qoyskiisa. Waa barqo la kala agaasimay ilmihii iyo xoolihii. Waayeelka reeruhu wuxuu isku diyaarinayaa hawl maalmeedkii Beeraha. Waasuge maanta ayuu baxayaa. Wuxuu la dardaarmayaa oo illinka la taagan afadiisii Muslimo. Halka uu hooskiisa subax ku dhammaado waxaa ku cayaaraya da’goyskii Muslimo oo shan jir ah. Wiilka dhankiisa bidixeed waxaa ku xiran Weylo ay Lo’i ka sooftay, yeertooda isdaba joogga ahna ay iska maqli la’yihiin Waasuge iyo afadiisu.Muslimo waxay taagantahay Qaarka gudihiisa iyadoo cuskan Yaambo ay beerta usoo qaadatay.

    Waxay si xiisa leh u dhageysaneysaa Waasuge oo kala ballamaya reerka. Muslimo waxay iyaduna markeeda ku adkeyneysaa Duqa farriimo u gaar ah baahideeda Dumar mar hadduu Odeygii magaalo tegayo. Duqii iyo afadiisii oo wali dardaarmaya ayaa waxay yimaadeen rag Jawhar u socda oo ay Waasuge ku ballansanaayeen inay isla sii jid maraan. halkaas ayayna iska sii raaceen. wixii ay socdaan oo socdaan, kush taraaraan, keliyana ka tallaabaanba, goor duhur dabayaaqadii ah ayey Raggii tageen Jawhar.

      Ka dib markuu odayaashii la shaah cabay,Waasuge wuxuu toos ah u aaday Suuqa baabuurta. wuxuu ku beegmay baabuurtii Xamar oo goor hore baxday. Nasiib wanaag, in door ah markuu taagnaa waxaa Gaalkacyo ka yimid Baabuur Xamar u socda. Dhawr qof ayaa halkaa uga degay, si fudud ayuuna Waasuge kursi bannaan uga  helay.

      isla baabuurkaa uu Waasuge soo raacay waxaa la socday nin caan ah oo la yiraahdo Warsame Hawl, kana mid ah Xoola dhaqatada Gobolka Mudug. Warsame wuxuu asaguna usoo daneystay isla magaalada Xamar.

      Waasuge iyo Warsame maqaaddiir Eebbe  ayaa ku kulmisay baabuur gudihii. Waa labo odey oo kala daran xagga aqoonta dhaqanka dadkooda iyo waaya aragnimada kale intaba. Wuxuu mid waliba rumeysanyahay inuusan koonbaha ku nooleyn ruux uga aqoon badan Suugaanta Soomaalida, wax kale yeelkoode.

1.Qaarka:sheedda rugta la degganyahay ku wareegsan.
2.Kush: waa Dhirta tirada badan ee Wabiga dhinacyadiisa la xiriirta.

                                                     QORAHA:

                                  XUSEEN SH. AXMED (KADDARE).

La soco Qeybta 2-aad, Berri haddii Alle idmo.

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super