Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood. waxaa qoray Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka Maalmood. waxaa qoray Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

                               

WAASUGE IYO WARSAME

     (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 11-aad

   .Duqii waxaa u caddaatay inay casuumaaddu tahay caweys dhallinyaro, ka dib markuu arkay sida ay wiilasha iyo gabdhuhu isku qabqabsanayaan. Waasuge wuxuu goystay inuu dhalinayarada u jeediyo waano iyo wacdi si ay caweyska iskaga daayaan. Isla markiba Aadaan ayuu Waasuge ku dhuftay, “ Allaahu akbar….Allaahu akbar, Allaahu akbar”…

Muuse aad ayuu Aabbihii ugu carooday laakiin wuxuu sameeyo wuu garan waayey, cayaartii way joogsatay, dhalinyaradiina way wada aamuseen, markaasay Waasuge agtiisa kusoo wada urureen. Maariya dadkii dhaxdiisa ayey hadba dhan u ordeysaa. Gabdhihii kale oo caddaanka ahaa mid walba ninkeedii ayey su’aalo ku furtay ayadoo sababta weydiineysa. Markuu aadaankii dhameeyay, Waasuge wuxuu dhalinayaradii u jeediyey hadal waano ah, ka dib na asagoo ku luqaynaya ayuu u tirshay masafadii wacdiga ahayd ee Sheekh Axmed Gabyow, kuna saabsanayd inuu aadanuhu ku waano qaato waxyaalaha dabiiciga ah ee ilaahay abuuray naguna hareeraysan, asagoo yiri:

Wabiga kii warwareegsanaa iyo

Samada waaban marnaan wab soo dhihin

Baxarka waalan ilaahna waabiyay

Waaga baryaaya marnaan la wayhayn

Kuwa walleyiyo wadduur akhraayaa

Ayagu wayskula waano qaateen

Wejigay weeso la daa’imaayaan

waqtiga galaa wataray dukaayaan

watar dibkiis wardiyeey akhroodaan

Waalidka weerar samay dhahaayaan

Waaxidey weelal janaad ka tuugaan

Kuwaasoo waa weliyaala eebboo

wedki dibkii dar janaay waraabaan.

Markay intaasu dhacday ayay dhalinyaradii qaybsantay oo u kala baxday qaar wacdigii iyo waanadii ay saameeyeen iyo qaar ka carooday si weynna uga xumaadeen cayaarta laga carqaladeeyay. Kuwii ugu xariifsanaa wiilasha ayaaa markii dambe isku dayay inay duqa xasil wax u dhacsiiyaann ayagoo dantoodu tahay inay barnaamijkooda dhameystaan habeenkaas, laakiin wiil yar ayaa xaajadii kharribay oo inta si lama filaan ah hadalkii u qaatay duqii ku yiri, “Adeer annagu inta yar ee aan adduunyada joogno waan tumaneynaa, aakhirada aad sheegeysidna yeelkeed.”  Waasuge weertaas aad ayuu ula fajacay ilaa hadalba kasoo bixi waayo.

  

La soco Qeybta 12-aad, Berri haddii Alle idmo  

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super