Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka maalmood: waxaa Qoray Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka maalmood: waxaa Qoray Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

     Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misna Qoraa ah.

                               WAASUGE IYO WARSAME

                            (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 4-aad:

  Farxaddii odayaasha waxaa baddalay foolkaduud, markaasey il careysan kuwada fiirinayaan Dhaanraac, asaguna dan kama leh waxaas oo dhan. Wuxuu ka cayaarayaa fadhigiisa oo hadba gees isku tuurayaa, jilbahana isku tumayaa. Mar mar heesaaga ayuu kula luuqeynayaa beydadka iyo hoorisyada qaarkood. “Sida,  Jirobba……jirobba …..!.     

   Markii cabbaar la aamusnaa, wiilkiina uu xiisa dhacay ayaa  markale sheekadii lasoo nooleeyey. Ugu horreynti, Waasuge ayaa asagoo aad uga careysan waxyaalihii uu Dhaanraac ku kacay, wuxuu tasaale ahaan Dadkii ugu tirshay masafadii Sheekh Axmed Gabyoow oo ahayd:

Qasqas carmaa iyo Qaabis caanood

Midba markoo la qasmaansahaayee

      Quudka hadii la karshow qaboow yahay

Inta qurmaa mar lasoo qubaayee

   Geenya qurxoon iyo Qayl dameeraad

Ninba midkiisu la qaal badnaayee

Rati qawaariyo qaalin juuclaa

Midba markoo qalab saarahaynaa

Qash karisoy iyo naagta qaafaa

Maharka loo wada qaybihaayee

Qaran haddii marba qoon usoo kaco

Wixii qaddiim ah la quursahaayee

Quraanka toosane qaaddirkay yiri

Qolofqab gaal uhu qoonsahaayee

   Rag badan ayaa masafadaas ka faallooday, Waasugana gacan qaaday, ayagoo isla markaasna isha ku godaya Dhaanraac. Waasuge markuu ogaaday in tusaalihiisii lala dhacay ayuu inta  fadhiga u qaabsamaystey, oo maradiisii tarrashka lahayd deegaha ka ritay,sidii libaax haraarihiisa marba mid u jeestay. Markay intaasu dhacday ayuu Warsame oo ay la noqotay in laga dheereeryay markaliya sidii wabiga u biyo keenay. Wuxuu ka qiirooday sidii Waasuge loogu madax ruxay. Warsame asagoo guud ahaan uga hadlaya xaalkii Dhaanraac,gaar ahaanna dantiisu tahay inuu linta abwaannimo ka xigsado Waasuge ayuu dadkii u tirshay gabaygii Cilmi Raage oo ahaa:

Toogeysi buu galay furqaan, tahajudkiisiiye

Tawreed iyo injiil baa islaam, taabacood yahaye

Xaqiiyoo tamaamaa xafiis, loo tallaabsadaye

Meeshii tembigu oolli Jiri, buugag baa tubane

    Waxay culimo tawfiiq ku tahay, turubba naareede

Tawxiidka waxaa looga tagay, Liiro tacabkeede

Sida toorka iyo kaasha baa laysu tiimbadaye

L’a tallaanyeey see kufriga loogu tiirsaday?.

  

   Dadkii oo gabaygaa ka faalloonaya, murtidiisana  wadajir u dhuuxaya, ayaa dagaal lama filaaan ihi dhex maray Wiilkii Dhaanraac iyo haweeney duq ah oo baabuurka meel dhexe kasoo raacday, fadhidayna kursiga kiisa xiga. Dagaalku wuxuu ka dhashay Dhaanraac oo xabbad sigaar ah shitay, duqdiina ku tiri “ ha igu afuufin qurunka afkaaga ka socda”!. Dhaanraac asagoo intii tabartiisa ah dadaalaya ayuu af talyaani ku yiri “Scusi”-raalli ahow”.Duqdii waxay u qaadatay inuu wiilku caynayo, markaasay inta Dambiishay alaabta ku sidatay la kala baxday madaxa kala dhacday oo u celcelisay illaa gacmaha la qabto.

    

Carmo: khudrad ka mid ah doogga iskii u baxa oo la cuno
Qaabis: Caanaha dhigaalka ah lista ugu horreysa ee dhiisha lagu billaabo
Qasmaansi: Calfasho, gaar ahaan cuntada
Qayl: Dameer yar
Qash;cunto si xun loo karshay
Qaafo: naag gaari ah
Qolofqab:buurraqab, qof aan gudnayn.

     

La soco Qeybta 5-aad, Berri haddii Alle idmo.

                                                 

                                                 QORAHA:

                                  XUSEEN SH. AXMED (KADDARE).

x

Check Also

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Somaliland oo ka hadashay warar halis ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal iimaan, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xariirto, kuwaas oo sheegaya ...

Watch Dragon ball super