Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME (Socdaalkii 30ka Maalmood): waxaa qoray; Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME (Socdaalkii 30ka Maalmood): waxaa qoray; Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

     Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misna Qoraa ah.

                               WAASUGE IYO WARSAME

                         (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 3-aad:

     Markii beerihii laga baxay oo cabbaar la socday ayuu Shufeerkii qaboojiyey socodkii baabuurka, si isdabajoog ahna u yeershay Hoonka. Dadkii oo dhan ayey dhiillo ku abuurtay.

     Qof waliba wuxuu is yiri bal hubso waxa hakiyay baabuurka. Waxay arkeen jidkii oo lo’ iyo Geel fara badanu ku gudban yihiin. Waxaa lasoo galay meel bulsho xoola dhaqata ah ay naq ka degtay. Dhulku waa doog iyo biyo dhax yaal. Midabbada indhuhu jecel yihiin oo dhan waxay ku kulansan yihiin dhirta kala jaad ka ah ee Ilaahey dalsan kaas ku beeray. Laamo cargeeyay oo caleemu ku gaafan tahay, ubaxna guudka ku sita ayuu geed waliba la liicayaa.

        Ragga iyo Dumarka xoolaha la jooga oo caafimaad iyo farxad buuxda ka muuqdaan, waxay isku maaweelinayaan lagdan iyo cayaaro Hidde. Qaarkoodna meelo kala fogfog  ayey koox koox ugu sheekeysanayaan. Warsame ayaa markuu arkay geelii oo iskugu jira Irmaan iyo horweyn, Aaran iyo galoof is celin waayey, markaasuu ku dhuftay heesta Geela, isagoo ku luuqeynaya oo yiri:

                               

         “Geel nimaan dhaqan

      Goodir xalay dhalay

Gaawuhuu culan

Gaarka kala gelin

Naaso godol qaba

Gaagaxnoow helin

gurdankood maqal

Gaddoon kala dhihin

Gaatan ula socon

Geed qabow tegin

Waa gob yaa yiri?”.

       Markuu Warsame heestii dhameeyay, ayey dadkii baabuurka saarraa badidood ka codsadeen inuu ugu soo celiyo. Warsame way la xumaatay inuu isla heestii kusoo celiyo mar labaad. Maxaa yeelay, waa nin korka ka haya sugaan fara badan. Isla markiiba wuxuu dadkii u dooray gabaygii Cumar Isteeliya oo ahaa:

“Meeshiyo awaw iyo awaw, Xaawa iyo Aadan

Arligeenna xoolahani way, ku isirraayeene

Adduun se lama sinne ,geel horaa leysu aaminaye

Waa waxay abaartuu dhaqdeen, odayadeenniiye

Haddii oofaweynow ratiga, eyro lagu qooqsho

Aminkheyrka galabtii hadduu ,aaran soo didiyo

Usha kol iyo laba jeer haddaad, yara ogeysiiso

Umalkii uu qabay doob hadduu, owda kaga siiyo

Indhalaliska miciduu, sidii aar u raminaayo

Kolna waxaan adduun kale lahayn, aabi socodkaase”

    

    Si weyn ayuu dadkii gabaygaas ugu riyaaqay, qarkoodna waxayba wada jir ugu luuqeeyeen beyda ugu dambeeya oo ah:

                     “ Kolna waxaan adduun kale lahayn,aabi socodkaase”

Intaan uu Warsame gabayga tirinayay, dadkuna sida xiisa leh uga jiibinayey, waxaa caro bistiis la ahaa oo faruurta ruugayay wiilkii Dhaanraac ahaa. Wuxuu diiddan yahay sheekada aan asaga macnaha u lahayn ee Odayaashu la neef neefsanayaan. Si uu isaga aamusiyo ayuu Dhaanraac u shitay Makiinadda suxuunta wareejisa. Wuxuu saaray Saxan ay ku duuban yihiin heesihii Jeemis Brawn. Odayaashii sheekadu u socotay ayaa mar kaliya wada aamusay, oo yaab isla wada dhugtay.

   Farxaddii odayaasha waxaa baddalay foolkaduud, markaasey il careysan kuwada fiirinayaan Dhaanraac, asaguna dan kama leh waxaas oo dhan. Wuxuu ka cayaarayaa fadhigiisa oo hadba gees isku tuurayaa, jilbahana isku tumayaa. Mar mar heesaaga ayuu kula luuqeynayaa beydadka iyo hoorisyada qaarkood. “Sida,  Jirobba……jirobba …..!.”

Eyro:    waa magac loo bixiyo hasha la jecelyahay ama loo bixiyo geela oo dhan.
Aminkhayr: waa waqtiga casar gaabka ah oo xoolihii sooftaanka ku kala baahsanaa leysku soo duwayo
     

La soco Qeybta 4-aad, Berri haddii Alle idmo.

                                                 

                                                 QORAHA:

                                  XUSEEN SH. AXMED (KADDARE).

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super