Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray: Dr. Xuseen Sh.Axmed (Kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray: Dr. Xuseen Sh.Axmed (Kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

                               

WAASUGE IYO WARSAME

  (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 22-aad  

Waxaa kaloo aan maankeyga marna ka go’ay sida sahlan ee dagaal si macna la’aan ah uga dhashay, Beer, Daaq iyo Biyo, kuwaasoo ay qolaba qolo u sheeganeysay. Waxaa kaloo aan cidna ka qarsoonayn sahalkii mar kaliya aan dhibaatadaas uga baxnay  iyo sidii aan uga raysannay. Sideedana qiima darrada qabyaaladda horay ayaan uga maahmaahnay oo waxaanba niraa:

“Ninkii xigaalo kuu sheegta

Xawaalaha (Xabaalaha) ayaa la tusaa

Ninkii xoolo kuu sheegtana hooskiisa.”

Warsame wuxuu arkay in hadalkiisu  dadka saameeyey oo madaxa loo wada ruxayo, markaasey isku kalsooni hor lihi ku abuurantay. Wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata yiri “waxaad kaloo reer magaaloow aad si daacadnimo darro ah uga dhego daarsateen waanadii iyo ducadii qabyaaladda lidka ku ahaa oo uu mar walba soomaalida usoo jeedin jiray Abwaanka la yiraahdo Xaaji Maxamed Axmed Liibaan oo aan ka xasuusto ayuu yiri Warsame:

“Qadaskeeda Soomaali

Alluhuu qaweeyiyo

Reer qabiila fulaan

Rabbigey ha ka qaado

Wax dhan baan qulbaneyne

Qalbigeennu ha nuuro.”

“Waxaa kaloo ay ila tahay inayan su’aasha qaybteeda labaad jawaabba u baahnayn, maxaa yeelay, (ayuu Warsame yiri ) Iskaa wax u qabsada aad maanta na weydiinaysid waa shaqo aad annaga naga barateen.”

Markii uu Warsame intaa yiri ayuu Waasuge oo saaxibkii kaabaya  ku daba karay hees kale oo uu dhowr bayd ka xasuusanayey oo isla Xaaji Maxamed tiriyey markii gobanimada la qaatay ka dib. Xaaji Maxamed wuxuu aad u saluugay sida foosha xun oo wax loo maamulayey, wuxuuna fikraddiisa ku muujiyay hees qaabkeeda dhismo yahay ‘Ali-ka ya’, wuxuuna yiri:

Yaabayey Soomaaliyey

Dadku waa kan yaacayee

Hadalkii yaqiinahoo

Aan la yeelin baan arkaa.

Toltol waan kasoo tagnoo

Xorriyaan tabteed haynee,

Ninkii tiisa waayayoo

Ul la tooxan baan arkaa.

Jamhuur Dowlad noo ahoo

Baarlamaanka joojinnaay

Jil ekeysi baan rabnee

Jeclaysi baan arkaa.

Farxaddii soomaaliyey

Fahmadeedu daad ahayd

Raggii fool horaad naqdee.

Far ku taal leh baan arkaa.

Quruuntaan ka qeybgalnoo

Quwa diini baan rabnee,

In qabiil qabiiladii

Qumi diidday baan arkaa.

Mahad baa innoo egoo

Macdan dowlad baan helnee,

Rag muraayaddii jabtoo

Mad meadow leg baan arkaa.

Hantidii Rabbaa hayoo

Inta haybinnaan helnee,

Shalay gaal u hiiliyaal

Naga hooshayaan arkaa.

Yarya weynba dowladdii

Isla yeelashaan rabnee,

Yedda kii la gaarayoo

ku yaxoobsadaan arkaa.

Intaas ka dib wuxuu Waasuge Raggii usoo jeediyey su’aalo ka sameysan tusaalooyin ku saabsan dhibaatooyinka qabyaaladdu horumarinta nolosha umadda, laakiin, uu asaga dareenkiisu ku qotamay amaba u arkayay umuuro miyiga u gaar ah, wuxuuna yiri:

La soco Qeybta 23-aad, Berri haddii Alle idmo. 

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

                                       

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super