Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray.Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray.Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

     Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

WAASUGE IYO WARSAME

  (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 20-aad

     Waa rag ku caan baxay aftahannimo, waaya aragnimana u dheertahay. Iyadoo la bulaamayo oo reer magaalkii madaxa isu garaacayo qosol daraaddiis, ayuu Waasuge inta giddigood isha la raacay oo Warsame garabka jug ku siiyay, markaasaa inta lawada aamusay lasoo wada dhugtay. Waasuge waxaa sidaas ugu sugnaatay in hadal laga sugayo, markaasuu inta si la yaqaan fadhiga ugu negaaday, tusaalooyin hujuum ah hadalkiisii ku billaabay intuusan hirarkiisii furfurin. Isla markiiba wuxuu asagoo ku luuqaynaya reer magaalkii u tirshay gabaygii Faarax Xuseen oo ahaa:

“Haddaan doono waa dhihi karaa, digashiyo faane

Anoon diririn waa ridi karaa, daqarro waaweyne

Dadka Eebahay caabudkiis, baan isaga daayey

Diradiriyo waan gali karaa, dulun islaameede

 Duddo nabad ah waan gelin karaa, dab iyo qiiqiise

In namiim cadaab dalaq la siin, baan isaga daayey

Shimbir duulis badan oo dhulkii, degi aqoon waayey

Kol uun buu libaax labadi daan, dalaq yiraahdaaye

Inay edebtu shay doora tahay, baan isaga daayey

Daliil gabay ah diin iyo xigmad, daacad iyo waano

Dorraad iyo midaan shalay lahaa, duug haddey noqotay

Inaan dhegba hadal hadal deeqahayn, baan isaga daayey.”

     Warsame oo markii hore ku tallamayey halkuu tafyada ka saari lahaa reer magaalka, ayaa asaguna is yiri waa inaad tusaalooyin ay ku dhakafaaraan ku daba kartaa hadalkaa qaayaha leh ee Waasuge. Markaasuu iyadoo weli dadkii kusii jeedo Waasuge oo wax kale laga sugayo, inta si lama filaan ah hadalkii u qaatay raggii u tirshay Gabaygii Cabdullaahi Muuse, oo ahaa:

Durdurkuba hadduu dihan dhex maro, dihanka qoyn waaye

Meeshii daleeday biyuhu, doog ka bixiyaane

Dadkuna hadii wax loo sheego ways, daraja dhaamaaye

Alla doorriyeey hadalku waa,  kaaga darayaaye

Dawo malaha naag xumi haddeey, diiddo waanada e’

Darbo iyo dillaaliin iyo inaan, dirisba kaa yeelo

Saddexdaa mid baan kula damcee, adigu soo dooro.”

     Dhowr qof oo reer magaalka ka mid ahaa ayaa mar kaliya wada booday ayagoo Warsame ku eedaynaya inuu akhyaartii meel uga dhacay. Waxay ka xumaadeen sababta uu Warsame usoo daliishaday gabay loogu hanjabay naag la dhaliilay, asagoo la hadlaya raggaas maqaawiirta ah. Waxay kaloo rumeysanyihiin inuu Warsame murtida soomaalida nafteeda meel kaga dhacay oo dariiqeedii ka habaabiyey, maxaa yeelay, wuxuu gabaygan ugu isticmaalay meel aan ku habboonayn. Waxaa hadalkii qaatay nin reer magaalka ka mid ah, uguna erayo kululaa dadka Warsame ceebaynayey, wuxuuna yiri “Warsamow marka aad ku isticmaaleysid Maahmaah ama murti kale, waxaa la tixgeliyaa qof aad la hadlaysid, waxa aad ka hadlaysid iyomeesha aad ku hadlaysid intaba. Layskama dhawaaqo oo layskama yiraa wixii madaxaaga kusoo dhaca.

     Warsame markuu gabaygan soo daliishanayay wuxuu maanka ku hayay saddexda bayd oo gabayga ugu horreysa, kuwaasoo guud ahaan tilmaamaya inaan dadka qaar hadalku wax u tarin sida uusan durdurku doog uga soo saari karin hadduu dhax dul maro.

La soco Qeybta 21-aad, Berri haddii Alle idmo,

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super