Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray. Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray. Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

WAASUGE IYO WARSAME

   (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 18-aad  

Odaygii reer magaalka oo nagtigiisu isku wada inuu wax weyn ka yaqaan dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hadalkii mar kale qaatay oo yiri “Warsamow haddaad ariga ku tilmaantay midka xoolaha ugu qiimaha badan, waxaa noo caddaatay inaadan Geel lahayn, sidaas daraaddeed way kuu furantahay inaad Riyaha amaantid, mar haddaadan aqoon u lahayn qiimaha Geela.”

Asagoo sii wata ayuu hadalkiisii su’aal ugu dambeysiiyey, asagoo yiri “ waxaa sideedaba Warsamow iga su’aal ah markaa aad sidaa u hadleysid ma waxaadan maqal gabaygii ku saabsanaa ammaanta Geela ee Cumar Isteeliya, oo ahaa:

“Ajal dhimatay oo laba qabiil, eedi kala gaartay

Afyaraha haddey soo gurtaan, nimmanki aarsaayay

Akhyaar iyo Cuqaal loo guriyo, odaya soo sooco

Waxaqoonta xaajadadu haddey,aad isugu raagto

Boqol Awrku dheeryahay haddii, oodda laga qaado

Markaasaa ninkii iilka galay, lagu ilaawaaye

Adduunyada wax nooloo la simman, ku arki maysaane”.

Markii gabaygii la dhageystay ayey reer magaalkio oo dhan si hiillo ku jirto u qosleen, qaarkoodna inta soo joogsadeen ayeyba salaan hambalyo u dhiibeen ninkii asaga ahaa. Markaasuu asaguna inta joogsaday raggii oo dhan gacan qaaday, oo intaa kuma ekeysane dadkii dibadda fadhiyayna  yara qooraansaday bal in dumarku qoslayaan iyo in kale.

Waasuge iyo Warsame aad ayey u qiiroodeen markii ay arkeen sida reer magaalku isugu camirayo sheekada, waxaana ayagoo aan iska war hayn mid waliba ummuurtaa ku xusuustay maahmaahdii ahayd:

Nin geed u buuxu

  ayey garu u go’daa

Is garabsiga reer magaalku wuxuu odayaashii ku abuuray Qab iyo qiiro, midkoodna welwel kama qabin in suugaanta soomaaliyeed looga guul helo. Waa rag ku caan baxay aftahannimo, waaya aragnimana u dheertahay. Iyadoo la bulaamayo oo reer magaalkii madaxa isu garaacayo qosol daraaddiis, ayuu Waasuge inta giddigood isha la raacay oo Warsame garabka jug ku siiyay, markaasaa inta lawada aamusay lasoo wada dhugtay

La soco Qeybta 19-aad, Berri haddii Alle idmo.

 

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

                                       

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super