Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray.Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray.Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.

                               

WAASUGE IYO WARSAME

   (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 18-aad

  Waasuge iyo Warsame kama dawoobin waxyaalihii lagula kacay, inkastoo ay hadalkii si wanaagsan u garteen. Dirir iyo labadii Duq halkaas ayey iska raaceen ayagoo Tagsi ku sida riyihii, waxayna gurigii tageen ayagoo aad loo raagsaday.

   Waasuge iyo Warsame waxaa la geeyey qolkii marti sharafta oo aan meel cag la dhigo lahayn. Waxaa gogosha buuxiyey maqaawiir reer magaal u badan oo  nin walba leh. Markay odayaashu soo dhax marayeen  dumarkii ku hawlanaa cunto kariska, ayuu Waasuge inta isha la raacshay, niyadda iska yiri “Alley lehe waa dumar xalay oo dhan meseggo tumayey oo ku heesayey ayagoo leh:

“Makorwow dhagax waaye

Ma kacow dhulka waaye

Makaraan xirsi waaye

Muddulow aqal waaye

Mako naagaha waaye

Meerto waa hal la maalo

Mooy waxaa la yiraa

Isha meesha meesha madow

Mooye geed la jaroo muuno

Muuno loo qoray waaye

Maqaarkii la aslaa

Massallaa la yiraa

Naagti maamul taqaan

Maakhiidaa la yiraa

Muslinkii la wacoo

Minankaaga yimaad

Martiyaa la yiraa

Waa la meel mariyaa

Midigtaa la qabtaa

Wixii ay mar qabtaan

Marxabaa la yiraa.”

Intii cuntada la sugayey raggii waxaa dhex martay sheeko qaaya leh. Dooddu waxay ka furantay Warsame oo raggii uga faalooday wixii kala qabsaday ayaga iyo tagsiilihii. Odayaashii reer magaalka ahaa ayaa midkood su’aal dulun ah weydiiyey Waasuge iyo Warsame oo yiri “haddaad Ri’ xun darteed dhibaatadaas u marteen maxaad Warsame iyo Waasugow ka yeeli lahaydeen haddey ahaan lahayd Hal geel ah”. Warame inta si yastinu ku jirto u qoslay, oo asaga iyo Waasuge is dhugteen yiri:

“Ridu laba ragga ayey la wadaagtaa oo, waa Haar iyo Hareedka:

               Laba naagaha ayey la wadaagtaa oo, waa Laab-jileeca iyo labada Naas:

       Laba Geela ayey la wadaagtaa oo, waa Qatinka iyo Qarmaajeysiga:

  Laba Lo’da ayey la wadaagtaa oo, waa Geesaha iyo Guduudka:

Laba fardaha ayey la wadaagtaa oo, waa Gurdanka iyo Gooha:

   Midna way dheertahay oo, waa iyadoon laba jir gaarin ayey laba-

jir dad kaa shibbisaa”.

Odaygii reer magaalka oo nagtigiisu isku wada inuu wax weyn ka yaqaan dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hadalkii mar kale qaatay oo yiri “Warsamow haddaad ariga ku tilmaantay midka xoolaha ugu qiimaha badan, waxaa noo caddaatay inaadan Geel lahayn, sidaas daraaddeed way kuu furantahay inaad Riyaha amaantid, mar haddaadan aqoon u lahayn qiimaha Geela.”

La soco Qeybta 19-aad, Berri haddii Alle idmo.

 

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super