Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray: Dr.Xuseen Sh. Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray: Dr.Xuseen Sh. Axmed (kaddare)

     Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misana Qoraa ahaa.                               

WAASUGE IYO WARSAME

   (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 17-aad

     Intii aan goobtii laga dhaqaaqin ayuu Dirir odayaashii ku yiri “Aqalkii sii taga oo sii geeya rida aan dhaawaca ahayn”. Odayaashii hadalkaas ma aqbalin, sababta ay ku diideenna waxaa ka maahmaahay Waasuge oo yiri “Dirirow, wixii layska sheegtaa ama laysku sheegtaa waxay u baahanyihiin shan waxyaalood:

Nin sheegta,

Nin lagu sheegto,

Shahaado marag fura,

Skeeh xugmiya iyo

Sharkamatiire fuliya.

     Warsame ayaa asaguna markiisii hadalka qaatay oo yiri, “Dirirow, sow meesha la tagayo rag kuma doodayo?. sow xis iyo sharci mid uun xaajadu ku dhammaan mayso? sow madax ama mooro mid uun qaadan mayno?. Mase kula tahay meel intaasoo waxyaalood ka dhacayaan in looga maarmi karo Waasuge iyo Warsame? sowse horey uma maqal gabaygii Sayid Maxamed, oo ahaa:

“Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaayowday

Idro jiq ah albaabiisku xiran, ee la bixin waayey

Xaajada afraha duubatee, loo almami waayay

Nin aqoon leh Aw iyo haddii, odaya loo geeyo

Inkastoo ayaan iyo ayaan, amarka loo guulo

Ninkii maalintaa ka arrinshaa, Aaqil sow maaha.”

     Dirir odayaashii waa u taag waayey, halkaas ayeyna iska wada raaceen. Nasiib darro, markii xafiiskii la tegay, Waasuge iyo Warsame albaabka ayaa lagu celiyey, si weyn ayeyna Odayaashu umuurtaas uga xumaadeen, ayagoo u qaatay sharaf darro loola qasday oo aan mudankooda ahayn. Dirir iyo tagsiilihii dood dheer ayaa dhexmartay, laakiin, dirir ayaa markii dambe si odaytinimo ah arrintii uga taliyay, asagoo yiri, “markii horeba waxaan ridaan usoo iibsaday inaan ku duceysto ee uguma tala gelin dhaqaal, sidaas awgeed waan ku qunsan karaa dantii aan ka lahaa marba haddii ay nooshahay.”  Dirir wuxuu intaa raaciyey inuusan waxba u haysan tagsiilaha, markaas ayeyna xaajadii fududaatay. Booliskii ayaa ayaguna dhankooda xaajadii ka fuliyay oo wiilkii yaraa takhtar u diray, si dhibkiisa loo soo qiimeeyo ama loo qiyaaso, tagsiilihina ka qaaday xaashiyihii baabuur wadidda inta wax la kala hubsanayo. Sidaas ayeyna xaajadii shilku ku dhammaatay.

     Odayaashii waxay iska fadhiyaan dibedda ayagoo caro bistood la ah, laakiin, waxay haddana  ayaga la tahay in maslax ama marag mid uun loogu yeeri doono. warsame wuxuu niyadda iska leeyahay “ Dirir ayaa raalli ka ah in dibedda laydinku celiyo ee hadduu booliska amar siin lahaa taniba idin ma qabsateen. Waasuge waxay la tahay in meel looga dhacay asaga iyo Warsame, xoogna loogu diiday xaajo ay wax ka qabashadeeda leeyihiin, taasoo ah xaqiraad aan loo dul-qaadan karin. Mas’aladaaswuxuumaalintaasWaasuge ku xusuustay, gabaygii Saahid Qamaan oo ahaa:

Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama ku maamuusi

Mase inaanu nahay oo tolnimo, meerto noo tahaye

Aan weliba kaga miil caddahay, miirse diiddaniye

Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo

Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho.

     Dirir ayaa xafiiskii kasoo baxay, ka dibna odayaashii uga warramay sidii ay xaajadii ku dhammaatay, waxna uga sheegay nidaamka xafiisyada iyo xeerka Booliska waddooyinka. Waasuge iyo Warsame kama dawoobin waxyaalihii lagula kacay, inkastoo ay hadalkii si wanaagsan u garteen. Dirir iyo labadii Duq halkaas ayey iska raaceen ayagoo Tagsi ku sida riyihii, waxayna gurigii tageen ayagoo aad loo raagsaday.

La soco Qeybta 18-aad, Berri haddii Alle idmo.

WAXAA QORAY:

DR. XUSEEN SHEEKH AXMED (KADDARE)

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super