Home » Qormooyinka » WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka maalmood, waxaa qoray: Dr. Xuseen Sh. Axmed (kaddare)

WAASUGE IYO WARSAME: Socdaalkii 30ka maalmood, waxaa qoray: Dr. Xuseen Sh. Axmed (kaddare)

     Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. wuxuu ahaa Laashin dhaqan-ruug ah oo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala geddisan curiya misna Qoraa ah.

                                                              WAASUGE IYO WARSAME

                                                           (Socdaalkii 30ka Maalmood)

Qeybta 2-aad:

  Waasuge iyo Warsame maqaaddiir Eebbe  ayaa ku kulmisay baabuur gudihii. Waa labo odey oo kala daran xagga aqoonta dhaqanka dadkooda iyo waaya aragnimada kale intaba. Wuxuu mid waliba rumeysanyahay inuusan koonbaha ku nooleyn ruux uga aqoon badan Suugaanta Soomaalida, wax kale yeelkoode.

       Dadka kale ee Baabuurka saaranu waxay u badanyihiin Rag da’ dhexaad ah. guud ahaan waxay isugu dhafan yihiin Rag iyo Dumar,  dhallin yaro  iyo Waayeel . Reer magaalka baabuurka la socdaa waa yar yihiin. Dhawr kursi ayaa ka bannaan baabuurka, waxaase la maleynayaa in jidka Dad laga sii helayo.

    Reer magaalka baabuurka la socda waxaa ka mid ah Wiil labaatan jir ah, muuqaalkiisuna ka duwan yahay inta kale. wuxuu ku labbisan yahay Surwaal iyo Shaar tolmadooda looga dayday habka cusub ee dhallinyarada reer Galbeedka, waxaana ku yaal timo aan wali maqasta la barin. Wiilka waxaa magaciisa la yiraahdaa Dhaanraac, waana inan meel weyn ka gaaray ku dayashada xarragada reer galbeedka.

     Waqtigu waa is gurayaa. Goor casar foodda lala galay ayuu baabuurku ka soo dhaqaaqay magaalada Jawhar. Waa maalin ay hawadu aad u wanaagsantahay. Shufeerka baabuurka wadaahu waa nin waayeel ah. Waxaa caado u ah in markasta oo uu baabuurku dhaqaaqayo uu dadka saaran ku yiraahdo “ Faataxada akhriya”. Dadkoo Odayaal u badnaa darteed, waxaa maalintaas faataxada la akhristay intuusan Shufeerku hadlin. Faataxada wadajirka loo akhristay kama uusan qayb qaadan Dhaanraac. Wuxuu ku hawlanaa oo uu ku shanleysanayey muraayadda baabuurka.

        in yar ka dib, markii sabada Jawhar laga baxay ayaa la galay beero aad u baxaal wanaagsan oo jidka labada dhinac kala xiriira. Waxaa lagu jiraa sannad barwaaqo ah oo ay bar iyo beerba mahadiyeen. Galley, Meseggo, Sisin iyo khayraad kale ayaa  beeraha ka dhisaalan.

        Dadkii baabuurka saarraa badidood dariishadaha ayey madaxa ka wada riteen iyagoo il iyo laab kulansan ku daawanaya beeraha. Waasuge oo ay fasalkaas beertiisu xumayd ayaa aad ugu dheygagay beerihii, wuxuuna intuu isha la raacayey Galleyda iyo Meseggada, isagoo qalbiga uga heesayey:

                                                                          “Beer nimaan falin

  Bawd u dhigin weyn

Baahal celin kara

Biyo ugu di’in

Daw barwaaqaa

Badar uga bixin

Bakaar lagu shubo

Baahi waligii

    waa u bilanyahay”.

     Markii beerihii laga baxay oo cabbaar la socday ayuu Shufeerkii qaboojiyey socodkii baabuurka, si isdabajoog ahna u yeershay Hoonka. Dadkii oo dhan ayey dhiillo ku abuurtay.

     

La soco Qeybta 3-aad, Berri haddii Alle idmo

                                                 QORAHA:

                                  XUSEEN SH. AXMED (KADDARE).

x

Check Also

War Naxdin leh oo laga soo sheegayo Deegaan Hoostaga Degmada Cadalle

Wararka Warbaahinta Shaaciye.com ay ka heleyso Deegaanka Nuur Dugle oo hoostaga Degmada Cadalle ee Gobolka ...

Hawlgal dad lagu qabtay oo Magaalada Muqdisho ka socda

Ciidamada qaabilsan xasilinta ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa saaka hawlgalo waxa ay ka wadaan xaafaddo ka ...

Watch Dragon ball super