Home » SHIRIB-YADA » Waa Shirib Su’aal ah oo aan weydiiyay walaallahay Soomalilaan, walina aanan Jawaab u helin! W/C/Shiribmaal

Waa Shirib Su’aal ah oo aan weydiiyay walaallahay Soomalilaan, walina aanan Jawaab u helin! W/C/Shiribmaal

“Garqaadee ninka guurayoow
Seddax walxaato ii garaaw!

Gibil cad weysla goobinnee (Ingiriis)
Gumeeysi kale maad gasheen?

Gu’gi Talyaani waan gardhee
Yaa idin goobshay ka gadaal?

Gennaan is kala soo go’nee
Inaad i goyso maan gayaa?

“AFMEER”

Geed meyro geel ma hoosiyee
Googgaa ninkaan gucleynayow!”

26-June 1960 kaddib yaa gumeestay toloow?
Yeeyse xornimada ka qaateen 18-May?
Waa su’aala aan weydiiyay walaallahay Soomaalilaan Sanad ka hor! Walina aan sidaasoo kale u weydiinayo, mase helin ilaa hadda jawaab aan ku qanco oo waafi ah, marka laga reebo dhowr sooyaal oo aan xaqiiqda dhabtaa ka turjumeyn! Bal adigu maxaad ku caddeyn laheyd? Ama ku jawaabi laheyd haddii Su’aalahaa lagu weydiin lahaa?

W/C/ Xasan Cabdulle Cuute(Shiribmaal)

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super