Home » SHIRIB-YADA » VIDEO: Shirib jugta iyo jaanta la isla helay oo loo tiri mid ka mid ah xildhibaanada Jowhar lagu doortay

VIDEO: Shirib jugta iyo jaanta la isla helay oo loo tiri mid ka mid ah xildhibaanada Jowhar lagu doortay

Magaalada Jowhar oo dhowaan ay ku soo baxeen Xildhibaanada aqalka Hoose ayaa waxaa ka dhacday munaasabad ay ka soo qeyb galeen shiribley isugu jira waxgarad, odayaal iyo maansooley caan ah, kuwaasi oo iyagu ka shanqariyay tixo shirib ah oo qaarkood dadkii daawanayay ay si weyn ula dhaceen.

Abwaanada shiribka waxaa ugu caansanaa Maxamed Cusmaan Cali Dhagax Tuur oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladihii dalka soo maray iyo suugaanley kale, waxaana ereyada shirkibka ka mid ahaa:

Mas’uul herti ma meel marsheen?

Minow miskiin ahaa lahaay…miyow midaan mudnaan lahaay? iyo ereyo kale oo dhammaantood ay la dhaceen dadkii daawanayay.

Daryanka tixaha shiribkan oo saddexley ahaa ayaa mar kaliya la isla helayjugta iyo jaanta, waxaana xubnaha hoorinayay shiribka ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow oo isaga loo qabtay munaasabadda lagu taageerayo.

Xildhibaan Islow oo ka soo jeeda beesha Harti Abgaal/Agoonyar/Owbakar ee beel weynta Muddulood isla markaana waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii sida weyn isha loogu hayay kana soo jeeda hoggaamiye dhaqameedyada ugu weyn beelaha Abgaal Cusmaan.

Waxaa kale oo uu hormuud ka ahaa Xildhibaanadii u ololeynayay maqaamka magaalada Muqdisho oo Dowladda  Federaalka madaxdeeda sare ay cagta mariyeen.

Halkaan ka fiirso Muuqaalka

Waxaa Diyaariyay:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Email: jabriil37@hotmail.com

x

Check Also

SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE W/C/ XASAN KAAMILL SHIRIB-MAAL

“Toban walxaato HA ku taal Hergelintoodo waa haddaan. Halyeey hamiinisoow qabee Habiin socaaya waa haddaan. ...

SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE. W/C/ Cabdinuur Xasan Cali Waddani

Toban walxaato waa tagtee Toban kaleeto xow talaa? Tuugii qabiilku waa tagyee Tegree u taahe ...

Watch Dragon ball super