Home » Qormooyinka » “Suugaanta Cabdulle Raage Safxaddii Koobaad W:Q: Xasan Caddulle Calasoow Cuute (Shiribmaal)

“Suugaanta Cabdulle Raage Safxaddii Koobaad W:Q: Xasan Caddulle Calasoow Cuute (Shiribmaal)

“Waa Toddoba gabay oo dacwa rabbi la yiraa” iyo hal nikax ama afmeer u ahaa oo Abwaan Cabdulle Raage taraawiil(AUN) ka tiriyay Bedel hargeysa loo bedelay asoon raali ka aheyn inuu ka shaqeeyo guddoomiyana looga dhigo Golihii Murtida iyo madadaalada ee goballada waqooyi waayihii dowladii kacaanka asoo ka baqayay qoyskiisa oo aan markaa is bixi karin maamul ahaan wuxuuna ka welwelayay in reerkiiso ka cidloobo ammeey waayaan qof u khidmeeysa oo sii gaarsiisa Sidaa darteed Rabbi ayuu ka baryay in muqdisho lagu celiyo si uu reerkiisa xaaladdooda ula socdo.
Mudda sanad ah kadibna ducadii Alle waaka aqbalay oo beddel Muqdisho ah ayaa ku yimid; Dacwa dheer oo uu sameeyay kadib! Inkasta oo uu Xabsi ku sigtay inuu galo haddane eebbe waaka badbaadiyay, waayoo Kacaanka qofkii amarkiisa diida wuxuu ahaa dil toogasho ah ama xabsi dheer: Gabayga Toddobaad oo uu tiriyay markoow dacwadii ku raayay maahane inta kale wuxuu tiriyay intuu dacwada ku jiray! Gabayga 8aad ee nikaxa ahna wuxuu ahaa asiguna Dacwa Rabbi laakin waa ka u jeeddo duwanaa toddobada kale wuxuuna ku saabsanaa Xaaskiisa uu qabay oo waqtigaa laba wiil u laheyd. mudda dheerna aan wax uur ah yeelan sida gabaygaba laga dheehanayo wuxuu Rabbi weydiisanayaa inuu owlaad kale siiyo haddii ay uga qoranyihiin xagga Eebbe mana dhicin oo labadii wiil ee hore asoo leh ayuu geeriyooday Abwaanku
Waxaana lakala dhihi jiray Mahad Cabdulle Raage oo wali muqdisho ku nool gaar ahaan Kaaraan iyo Daa’uud Cabdulle Raage oo ingiriiska ku nool in mudda ah waxaa jiray wiil kale oo bah gooni ah lana dhihi jiray Maxamed Cabdulle Raage waa wiilki uu ku curtay abwaanku laakin ku geeriyooday intii abwaanku dunida ku noolaa! Abwaanku waxaa uu geeriyooday Biishii Maarso 2000 Ifkana labadaas wiil iyo hooyadood ayuu uga tegay Alle how raxmade! Haddaba gabayadii “Dacwa Rabbi” oo dhameestiran waa ku waan ee Aqris wacan!”

1- Allahayoow addoon tacaddiyee taa’ibaan ahaye
Tubtiyaan ka laxeedaya waddadi xaqa ku taagneyd
Inaan kula tartamo iyo inaan cid kale toogo maaheyn
Tawaanteeyda adigaan waxaan tebayo moogeyne
Tiiraanyo adigaa ba’shiyo taawin iyo ciile
Adigaa turraabtaya samada taagay kaligaa,e
Tabar iyo awood male cid kale talina maayaan
Naf kastaba ha taagtee adigeey taada noqotaaye
Tiiraan cuskanayoon majiro tawakal kaa heyne
Halka aan ka tegayiyo halkaa laygu tirinaayo
Tu’ ii roon adigaa garanayoon lagu tilmaameyne
Toowbee rabbigayoow adaan tali koo dhiibtay!

2-Allahayoow adigaa mahad leh iyo megen bariinteede
Adigaan qasnadaahagu meran kuna masuugeyne
Adigaa muslim iyo gaal risaqa muu,min iyo tooge
Adigaa mariil furay xayina meyd kusoo rogaye
Miisaanka adigaa saxara maamulka u dhego
Markaan yaabo eebboow adigaa ii maqnaan jiraye
Haddeey miliqdo xaajadu adaa lagu majeertaaye
Adigaa ruuxa magacaaga qira murugto deysaahe
Macbuud iyo raxmaanaa tahaya moowlihii sare,e
Mafaatiixda naartaya jannada malagyadii haayay
Iyo kuwa maguuraha qabriga kugu mashquulsiiya
Laba midigya bidix taagannoo maqalka loo qeybshay
Maqaadiir illaah kuma kalsamo maay la xoogsadaye
Mugdiyeey gudaan gu,dcureey miri da’aysaaye
Muraadkeeygase weynoow adigaan koo masuul sadaye
Waana saad la maagtee ma ahan sideey i moodaane
Mawjadaha guuxoo baddaya hirarka maanshooda
Maanyaduba guulloow markaad dhaarti maqashiisay
Halki aad kasoo marin tireey dib uga maagtaahe
Mujrim iyo adaan jannan ka baqan madax wasaaraade
Muqdisho iyo hargeysaba sidaan maabka ka arkaayo
Middiyeey rag ii sahanayaan labada meeloode
Iyageyska keey maagayee maal kamaan dhicine
Martabadase qofkii ugu hanjaba maqasha hoos joogta
Mucjisaad ku taabsiin kartaa mirir gadaashiiye
Maareeya guud iyo ku xige kala maseyraaya
Mid walba siyoow midkaa kale meesha uga qaado
Iyo qaar muftaaraya been lagu mushaar siiyo
Marqaatiga siyeey ugu furaan xaalki mari waaya
Muskaagaan ka galay dabinnadeey ii maldahayaane
Addoonkaagu waa kuu martiye mari halkaad doonto!”

3-Allahayoow adigaa daa’ina oo dowlayaan dhicina
Daalicul quuluubaa tahaya deeqsi taajira,e
Adigaan wax kaa dedane jirin laba daaroode
Adaan daacad moogiye wixii duluna kaalmeyne
Soow doona yeeloow adigaan lagula doodeyn
Xaq ma doodsiyoow maalinkeey sare ka duubnaato
Daciifkaad abuurtaan ahayoo koo dacwoon jiraye
Derejaya adaa sharaf iska leh doorasha la,aan
Xarigaaga aan doogoobinaan dacal ka heestaaye
Marka doonta oow fuushan yahay daqalka loo gooyo
Dabaal kuma fakado eebbeheey ruuxoow dilayaahe
Cirku goortoow da,ayo iyo markoow meydku soo degayo
Iyo dumarka uurka leh ilmaha doorka oow dhalayo
Diintaada adigaa ku yiri waa sidi daakhiliye
Laba dirirsanaan kala dhex iil gu, iyo deyrtiiye
Mid haddoow isoo diro kan kale way dib celiyaahe
Deb munaafaq shiday muuminaa lagu dulleeyaahe
Arrintaa haddaan daba galee doonay xididkeede
Wali igama daadegine waa laygu dillayaaye
Waligoodsa qoomkii damcayo hees dibiriyaane
Dugsigaaga eebboow adigaan daalim soo geline
Dariiq nabada aan kaa baryaya degin nabaadiino!

4-Allahayoow adigaa baaqiya iyo boqoraan geeryoone
Badbaadaya adaa sharaf iska leh billa xijaabkeede
Adaanow ruuxa kugusoo baqdaa baahan waligiiye
Bedelkii hargeysaad markii Buugga laga yeershay
Umma bogine goortaan ka naxay buuqna ka xishooday
Boqolkaagi magacoon cuskaday waa i bixiyeene
Burjikadi midda kaliyahaan baxar ka joohaaye
Bukaan iyo dawana waa jiraan beled canshuurtiiye
Bishi raashinkii iyo kor socodkii ways barbariyeene
Haddii biil labaad laygu daray badayay kiilkiiye
Baryadaadase eebboow qofkii bila kusoo jeeda
Inoow baas ka gaashaamanyahay badaw yadaa mooge
Bisimmada qur’aankaa ka adag qalinka beenlowe
Babacana sidii abshira kaama boosaniye!

5-Rabbiyoow adigaa kaamila oon cidi ku kaalmeyne
Kali waaxidkeeyoow adaan kabid u baahneyne
Kurba tira quweeloow adaan qola la koodeyne
Adoow kibirku shaarkaagi yahay kiisna ka cabseyne
Waxaadan adigu iisoo ka tibin imma kacayaane
Adaa kadabka ii qoran risaqaan loo kal tiriheyne
Kareemoow adaan kugu shukraa kun iyo dowr jeere
Cadaawuhu markeey ii kolmaan karinka howsheyda
Karkaarrada adeey dhaafi jiray godadka keysoone
Kuwiyaa waraaqihi dacwada ila kor joogaane
Rabbiyoow shartoodiiga kore waan karaahsadaye!

6-Lix iyo toban qofoodaan u ahay laambad kaligeeye
Lix iyo toban jiroo weyn dadkaan liifadda u shido,e
Ladaab celiskana ciddu anigay i laba qad dhaanshaane
Ninkii soo labeeyana xanuun  leeb ahaa helaye
Luxudkina ma hoos yaal ifkana nolosho waa liide
Lugaan faras ku raacdeynayaa leedda orod dheera
Lujnad kaamilahaa raashinkood leeygu laasimaye
lillaahida warqadahaan u qoro laabad ma aqaane
Waxaa lagu lifaaqaa kuwaan  laaqi u aheyne
Waxaa laab walaaciigu riday laaji taladiiye
Luqmaddeeydasa Eebbaa ku qoray loox maxfuudsane
Haba liicsanaadee ma dhaco laaman loodshuhuye
Miyaad calanka iga leedihiin waa i lureysaane
Libtiigama xigtiinaa intaan xaq iga kiin leexin
Maxaad iigusoo ligantihiin waaba lulataane
Kuwii shalay la laadaayayaad laxan wadaagtaane!

7-Qaadiru raxmaanow mar hore qola aan kuu sheegay
Oo aan kasoo qoray dacwada aniga ii qaasa
Oo kiilka anan qaadi karin igu qafalaayay
Qur’aanka iyo markii aan cuskaday qowlki Nabigeeyna(S.C.W)
Qurbaan awliyaadnaan baxshoo qulun wallu raacshay
Quluuxiyo iyo li’iilaaf markaan qaafka ka higaadshay
Qadi maayo ruuxii baryada qira illaaheeye
Qawaaniinta diintaa ka adag kana qaboow roone
Qodobadda dhibka leh ayaadaa lagu qataaraaye
Markoow qoonku diinkuu tashaday quuday hilibkiisi
Iyagoo qayaanihi dhismihi qeybki ku heshiiyay
Markuu qadarta Eebbeheey helay qabaarkoodi
Qoor dhiibadkoow yiri rabbiga qaniyahaa jooga
Qubki aad sameeysoow ku helay nolosha qaashaahe
Aniguna qisqaastii ka baxay qeyr masuul yadiye
Qaadiru raxmaanoow adaa quul furaad badane
Qabatadi hasii deyn werdige waan qatimayaahe!

8-“Allahayoow adigaa xaakina iyo boqor xaqsooraa
Adigaan addoon kugu xamdiyay xoorin waligaa
Xugunkaaga moogiye majiro xidid dhaqaa
Xariirkaaga ruux jaray jannada sooma xaadiro
Xasuustaada eebboow qofkeey xibin dhexoo toosto
Xantaniiska dhowraya dembiga xaasidna an suubbin
Xaarraanna cunin naarta waa laga xureeyaa
Anigoo xaqiiqada runta og xogaha diinteenna
Xagmar roob ku da’ayaan wax badan dhalin xabuubtiiye
Xilliyada abuurkana intaa xagasho laabneeday
Ku xaraarad gooy iyo dhibkiiska xiji mooyaane
Xammaal lacag la’a guriddiiso male xiisa loo bogo,e
Xormadoodu waa inay carruur koo xafidayaane
Xera kuma tilmaansana markeey xaafad meer tahaye
Toddobada xilka lehee shirkado xiratay hoowsheeda
Xigtaan dhuro habiinnada dambaan kula xanaaqaa
Xarbil mu’miniinaan ku jiray toban xagaayoode
Xambaar guudna dhoowr sano ma arag xaasna waan qabaye
Xaliimoow adaa garan waxay u xayirraayeene
Xeen joogta iyo qaar dhintaba xoog kummaan heline
Xaggaageey nimcado nooga timid xarunta tallaaye
Haddii xididka leey furo mar kale ka xirmay owlaadi
Xuski nabiga waa nidir inaan xoola bixiyaa
xamdinnaa naqaa iyo shukri aan cidi xisaabeynin
Xasbunaa allaahnaan aqriyo kun iyo xaaxaabe
Haddii anan xadkii lay qarriray qabin xisaabkeygi
Xaggaagaan Rabboow dhowrayaa xiiqay tacabkiiye!
“DHAMAAD: La soco qeybaha xiga oo aad u xiisa badan Haddii Eebbe idmo!

“Waa Diyaarintii:- Xasan Cabdulle Calasoow Cuute (Shirib-maal)
Cuute23@hotmail.com
Shiribmaal@gmail.com
x

Check Also

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray.Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

     Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii ...

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray. Dr.Xuseen Sh.Axmed (kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. ...

Watch Dragon ball super