Home » WARARKA MAANTA » Suudaan: Dhibaato heysata dad Soomaali ah oo la soo ogaaday

Suudaan: Dhibaato heysata dad Soomaali ah oo la soo ogaaday

Iyada oo maalmihii la soo dhaafay la hadal-haayay qaxooti Soomaaliyeed oo ay diyaarado ku duqeeyeen dalka Yemen, ayaa waxaa haddana soo baxaya warar ku saabsan qaxooti kale oo dhibaato ay heysato.

Qaxootigan warkooda la helay ayaa waxa ay ku jiraan xabsi ku yaalla Suudaan, waxaana ay ka mid ahaayeen qaxootigii Soomaalida ee kal hore isaga cararay colaadaha Yemen.

Nin ka tirsan dadkan ayaa warbaahinta u sheegay in ay muddo badan ku jiraan xabsi, halkaas oo ay ugaga dhinteen qaar iyaga ka mid ah oo isugu jiray carruur iyo dad waaweyn.

Waxa uu intaas ku daray in hadda ay jiraan qaar iyaga ka mid ah oo u badan carruur iyo hooyooyin uur leh, kuwaas oo xaaladdooda nololeed ay aad u liidato.

Qaxootiga ayaa waxa ay ka cabanayaan isugu jira daryeelxumo, iyo shaqooyin culus oo ciqaab ahaan loogu qasbo, taas oo sii murjinaysa noloshooda.

Ninka la soo hadlay warbaahinta ayaa waxa uu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay si degdeg ah ugu soo gurmato dadka uu isagu ku jiro ee Suudaan ku xiran.

Dhankiisana, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan ayaa mar uu arrintan ka hadlay waxa uu caddeeyay in ay safaaraddiisu ka warqabto dadkan, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay gacan-ka-geystaan sidii loogu fududeyn lahaa dib-ugu-noqoshada dalka.

Laakiin dajiraha ayaa waxa uu shegay in dadkan qaxootiga ah, oo markii hore la qabtay iyaga oo socdaal sharci-darro ah ugaga sii gudbay Suudaan, aanay diyaar u ahayn in ay dib ugu noqdaan dalka, arrintaas oo uu ku sheegay in ay sababayso in ay xaaladdoodu sii adkaato.

 

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super