Home » WARARKA MAANTA » Magaca Soomaaliya oo meel wanaagsan lagu soo qoray (akhriso liis caalami ah)

Magaca Soomaaliya oo meel wanaagsan lagu soo qoray (akhriso liis caalami ah)

Warbixin ay Qaramada Midoobay maalgelisay ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay shanta waddan Afrika ee dadka ku nooli ay ugu farxad badan yihiin qaaradda.

Waxaa sidaas oo kale dalalka liiska ku soo baxay ku jira Algeria, Mauritius, Libya iyo Morocco.

Baarayaasha diyaariyey warbixintan ayaa waxa ay darseen 155 dal, waxa ayna sheegeen in dadka ugu liita dhinnaca farxada qaaradda Afrika ay ku nool yihiin dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe, ayna ku xigaan Burundi, iyo Tanzania.

Waddamada kale ee liiska xagga hoose ka galay waxa ka mid ah Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo South Sudan.

Warbixinta ayaa waxa lagu salleeyay su’aalo dad ka badan 1000 qof la waydiiyey inta u dhaxeysay 2014- ilaa iyo 2016-kii.

Waxaa tusaale loo soo qaatay jaranjaro ka kooban 10 talaabo, oo ka dib dadka la waydiiyey halka ay la tahay in ay ka joogaan jaranjaradaas marka la eego dhinaca faraxa iyo nolosha ay kunool yihiin.

Qeybta warbixintaasi ee ka hadlaysa Afrika ayaa waxa lagu sheegay in laba waddan oo kaliya qaaradDa Afrika ay sameeyeen horumar dhinaca faraxa 10-kii sanno ee la soo dhaafay, wadamadaas oo kala ah, Serra Leon iyo Cameroon

Warbixinta ayaa waxa ka soo muuqanaya sawir ah in dadka Afrika ku nool badankood yihiin kuwa muujinaya rejo wanaagsan, in kastoo aanay ku faraxsanayn waxqabadka xukuumadahooda. Waxa ay sidoo kale muujinayaan bay tiri warbixintu dulqaad iyo adkaysi aad u xooggan

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super