Dowladda Soomaaliya oo diyaarad Muqdisho ku keentay 131 ruux oo ku go’doonsanaa dagaalada ka socda South Sudan. +Sawiro

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay Caasimadda Muqdisho 131 ruux oo qaxooti Soomaali ah , kuwaasoo ku dhibaateysnaa Magaalada Juba , halka qaar kalana ay ku go’doonsanaayeen Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei ee wadanka South Sudan oo dagaalo dhiig badan ku daatay uu ka soconayo, kuwaasoo sababay geerida laba muwaadin oo Soomaali ah iyo dhaawaca mid kale .

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo ku soo dhoweysay qaxootigaasi Soomaaliyeed garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kireysay diyaarad gaar ah oo lagu soo daabulo qaxootiga Soomaaliyeed ee dhibaatada kula soo gudboonaatay wadanka South Sudan , waxa ayna tiri “ Arrinkani waxaa lagu fuliyay amar uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud oo ka damqaday dhibta iyo xaaladda murugada leh ee la soo gudboonaatay dadkeena ku nool South Sudan , Wasaaradda Arrimaha dibaduna waxa ay fulisay amarka Madaxweynaha “.

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay warfidiyeenada u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya marnaba aaney ka gaabin doonin kaalinteeda badbaadinta iyo sare u qaadida qiimaha muwaadinka .

Qaxootiga maanta dib loogu soo celiyay wadanka ayaa farxad iyo ereyo taageero ah muujiyay markii ay arkeen muuqaalka Wasiir Fawzia Yusuf oo ku soo dhoweyneysa garoonka diyaaradaha , iyadoo ay wehliyeen Xildhibaano , mas’uuliyiin sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda , Arrimaha gudaha , Booliska , maamulka garoonka iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

Qaxootigani ayaa looga soo daabulay garoonka diyaaradaha basas ay leeyihiin Booliska Soomaaliya , laguna kala gaarsiiyay xaafadaha ay Muqdisho ka kala degan yihiin , halka qaar kale oo qoysaskooda aaney deganeyn Muqdisho ay Wasaaraddu dejisay hoteelo si ay nasiino u helaan kahor safarkooda gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi ee dalka .

Talaabadani maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday ayaa noqoneysa geedi socod cusub oo ku wajahan daryeelka iyo badbaadada nafta muwaadinka Soomaaliyeed , waxaana lagu wadaa n dib loogu soo celiyo dalka dad kale oo qaxooti Soomaali ah oo iska diiwaan geliyay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Juba – South Sudan.

DSC02949 DSC02950 544150_189882924538888_1930438785_n DSC02942 DSC02944

DSC02952 DSC02955 DSC02965 DSC02955 DSC02960 DSC02964 DSC02963 DSC02962 DSC02956

DSC02970 DSC02966 DSC02967 DSC02968 DSC02969

DSC02997 DSC02984 DSC02987 DSC02989 DSC02990 DSC02993 DSC02995DSC03008 DSC02998 DSC03004 DSC03005 DSC03006 DSC03007

DSC03028 DSC03013 DSC03016 DSC03022 DSC03026DSC03038 DSC03020 DSC03029 DSC03035 DSC03036DSC03041 DSC03044 DSC03045 DSC03046 DSC03047 DSC03048

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>