Shirqoolka Number50: Maxay kaa qarineysaa Villa Somalia oo aadan ogeyn?

Arar:  Soo aruurinta warbixintan waxaa gacan weyn iga siiyey sarkaal ka tirsan hay’adda Nabadsugidda gobolka Banaadir oo ah nin aan saaxiibo nahay, aniga iyo saaxiibkeyga midkeena ma ka soo jeedo beelaha Biyamaal iyo Habargidir. Ujeedada aan u faafinayo warbixintan ayaa ah inaan badbaadino ummad la doonayo in lagu gumaado magaca qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan u hibeynayaa warbixintan shacabka Sh/hoose oo 22 sano dhulkooda xoog lagu haystay oo haddana la doonayo in lagu cusbooneysiisto xoog ku haysashada dhulkooda iyadoo la adeegsanayo magaca dowladda Somalia.
Duulaan Qaawan
Intiina la socotay colaadda Somalia ka jirto maalmahan, Ciidamo aad u hubeysan oo laga abaabulay Xamar ayaa weerar ku qaaday magaalada No.50. Magaalada waxaa ka jiray nidaam, gudoomiye ayey lahayd, ammaankeeda aad ayuu u hagaagsanaa. Magaalada duqeyn ba’an ayaa loo geystay, ciidamo adeegsanayo madaafiicda goobta ayaa weeraray, shacabkii deganaa intii naftooda Ilaahey ubadbaadiyey wey barakaceen.
Ciidamo daacad u ah gudoomiyaha Number50 C/laahi Axmed Waafaw iyo ciidamo kale oo daacad u kala ah taliyaha guutada 3aad Goobaale iyo  Xildhibaan Axmed Geelle Ducaal(Xaaf ) oo Muqdisho duulaan ka qaaday ayaa isku horfadhiyo magaalada Number50 iyo hareeraheeda. Beel ahaan haddii aan u dhigo Gudoomiye C/laahi Waafow wuxuu ka soo beesha Biyamaal halka Goobaale iyo Xaaf ay ka soo jeedaan Habargidir.
Waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa shirqool 4 qaybood ka kooban, 3 ka mid ah qaybaha shirqoola waa  la dhaqan geliyey, hal waji kaliya ayaa harsan oo isagana howshiisa socoto:
Wajiga 1 aad: Villa Somalia oo balanqaad Muhiim ah Habargidir u sameysay
Beesha Habargidir waxay ku guuleysatay inay barakiciso shacabkii deganaa magaalada. Habargidir waxa faa’ido ugu jirtaa in la arko ciidamo isku horfadhiyo Number50 waayo taasi waxay fududeyneysaa in la yiraahdo magaalada Number50 waa mandiqo lagu muransan yahay(Dispute area) oo ciidan isku horfadhiyo, si ay u suurta gasho in ciidamo kale halkaas la keeno(Bilowga Shirqoolka).
Villa Somalia ayaa beesha Habargidir u balan qaaday in xalka uu ku jiro gacanta Habargidir isla markaasna dowladda ay fulin doonto go’aanka iyo talooyinka ay soo jeediso beesha Habargidir. Saraakiil sarsare oo dowladda Xasan Sheekh ka tirsan oo ku lug lahaa dagaalka ayaa soo  jeediyey inay muhiim tahay in shakhsiyaadka Beesha Habargidir u qaabilsan Sh/hoose ay isugu yimaadaan shir deg deg ah si looga faa’ideysto fursad ay ka heysato beesha Habargidir Villa Somalia.
Wajiga 2 aad: Dagaal Oogeyaasha Habargidir oo kulan Deg Deg ah isugu yimid
Shir balaaran oo 17 bishan ka dhacay mid ka mid ah hotelada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid xubnaha beesha Habargidir ee ku lug leh dagaalada Sh/hoose, magacyada aan helnay waxaa ka mid ah: Xildhibaan Axmed Geelle Ducaale(Xaaf), Yuusuf Indhacade, Axmed Cumar Mudane, Jaamac Balow, Imaamka Habargidir C/laahi Khaliif iyo nin agaasime ka ahaa wasaaradda arimaha ee waqtigeeda dhamaaday gudaha  oo aan magaciisa heli kari waayey.
Ka soo qayb galeyaasha shirkan ayaa meesha isku dhaafsaday shirqoolo kala duwan oo midba midka kale ka daran yahay. Xildhibaan Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) oo xoog ku haysan jiray Airport-ka No.50 ayaa soo jeediyey in dowladda ay geyso magaalada Number50 ciidamo  isaga  daacad u ah  oo ku howlgalayo Magaca Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Somalia, waxaa la is tusiyey in Airport-ka Number50  ay saldhig ka sameystaan ciidamada la geyn doono.
XAAF ayaa beeshiisa Habargidir ka dhaadhiciyey ahamiyadda Airport-ka Number50 u leeyahay danaha beesha Habargidir isagoo meesha ka caddeeyey in magaalada Number50 ay isku xirto magaalooyinka waaweyn ee gobolka sh/hoose kuwaasi oo beesha Habargidir si weyn u daneyneyso.
Wajiga 3 aad: Go’aanka Habargidir soo saartay oo la gaarsiiyey Villa Somalia
Villa Somalia waxay si diirran u soo dhaweysay qorshahii Habargidir isku soo afgaratay ee uu soo jeediyey xildhibaan Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) ee ahaa in ciidamo magaca dowladda wato la dhex dhigo ciidamada gudoomiyaha Number50 C/laahi Waafaw iyo Ciidamada Habargidir ee isku horfadhiyo goobo ka tirsan magaalada No.50.
Si loo meel mariyo Ajendaha Beesha Habargidir isku soo raacday ayaa waxaa saxaafadda shir jaraa’id u qabtay taariikhda markay ahayd(khamiis) 19/12/2012 Wasiirka Arimaha Gudaha C/kariim Xuseen Guuleed, C/kariim wuxuu ku  dhawaaqay qorshihii lagu heshiiyey isaga oo qaab farsameysan u yiri “ Beelaha ku dagaalamay Sh/hoose dowladda waxay u direyso wafdi , sidoo kale waxaa la kala dhex dhigi doono ciidamada Nabadsugidda”, taasi waa dhaqangalkii ugu horeeyey ee shirqoolka loo maleegay shacabka magaalada Number50.
Wajiga 4 aad: Wafdi iyo Ciidamada Xildhibaan XAAF oo ku wajahan No.50
Ciidamada Xildhibaan XAAF waxay ku howlgali doonaan magaca “CIIDAMADA NABADSUGIDA”, dress-ka ciidamada Alfa-Group ayay xiran doonaan, waxay saldhig ka dhigan doonaan Airport-ka magaalada Number50 sida ay isku afgarteen Villa Somalia iyo Habargidir.
Beesha Biyamaal oo shirqoolkan qarsoon iyaga loo soo maleegay ayaan wax badan kala soconin dabinta loo dhigaayo, dowladda Xasan Sheekh waxay u muujineysaa Beesha Biyamaal dhexdhexaadnimo si shirqoolka loo meel mariyo.
Beesha Biyamaal haddii ay ogolaato in ciidamo la dhigo Airport-ka magaalada Number50 waxay ku dhici doontaa dabin adag oo aysan ka bixi kari doonin, waxaan uga digayaa beesha Biyamaal inay ku dhacdo siriqda Habargidir oo kaashaneyso Villa Somalia ay u dhigayso.
 Wajiga 4aad ee shirqoolkan waa mid gunaanad u ah , waa midka ugu muhiimsan, wuxuuna ku xiran yahay ogolaashaha beesha Biyamaal, haddii beesha Biyamaal diido waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ujeedooyinka gurracan ee beesha Habargidir iyo Villa Somalia oo.
W/Q: Cumar Caruus
Email: caruusyare@yahoo.com

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>