Meel kastoo dulmi ka dhaca,dadkii geestayna kuma aflaxaan, halkaa sina kuma horumarto

Dulmiga waxaa lagu sheegay,in uu leeyahay dhibaatooyin farabadan,imaad Al-Dahabi kitaabkiisa caanka ah ee Al-Kabaa’ir wuxuu ku soo ururiyay 70 nooc oo ka mid ah denbiyada waaweyn,dulmiga wuxuu geliyay lambarka 26,waxaana la wada ogsoon yahay,intaanan meel kaleba aadin,cid kalena aan xagxagan,wixii ka dhacay dalkeena iyo hooggii u danbeeyay dadkii geestay dulmiga.

 

Dulmiga wuxuu ka dhici kara,meel kasta iyo goob kasta,guriga dhexdiisa ayuu ka dhex dhici kara,dawladda dhexdeeda ayuu ka dhex dhici kara,xataa Baytka Allah ayuu ka dhex dhici kara,haddii aan dulmigaasi wax laga qabana,macnaha aan wax laga qaban, meeshii ay ka dhacdayna,wey burburtaa,dadkii geestayna kuma aflaxaan adduun iyo aakhiraba.

 

Dulmiga la geesanayo waxaa ka mid ah,dadka sida xaqdarrada ah loo dilayo ama loo dhibaataynayo ama loo xirayo ama hantidooda loo boobayo ama loo aflagaadeynayo iyagoo aan waxba galabsan,waxaana la ogsoon yahay in maalin walba dad la xasuuqayo ama la gowracayo ama xaqooda la duudsinayo,cid dan ka lehna aysan jirin oo arrintaasi ka hadasha, sheekadiina waxay noqotay,maxaa iga galay,ma isku reer baan nahay,ma isku qabiil baan nahay,yaaba diin eegaya,waliba kuwo badan oo ku soo ganbada qaalallaahu iyo qaalarrasuulu sallallaahu caleyhi wasallama ayaan dan ka lahayn.

 

Madax kastana meel buu xirtay oo qabiilkiisa deggan yahay,maamul gooni ahna wuu u samaystay,wareeg iyo dayuurad raacidna wuu ku mashquulay,danna kama laha dalka iyo dadka iyo diintaba,qabiilkiisa mooye,xataa qabiilkaasi marka uu ku danaysto ayuu haddana ka danaysanaya,aaway wadaaddadii dadka u wacdinaayay oo dacwadii la ordaayay,oo la rabay in ay dulmiga ka hadlaan, markastana ay u soo saaraan bayaan ay ku difaacayaan dadka la dulmay iyo dhibka uu leeyahay dulmiga.

 

Dulmiga waxaa ka hadli kara,qof aan xaqa ka ganban,waxaa ka hadli kara qof aan cidna ka baqayn,Allaha abuurtay mooye, dadka ahlu cilmiga ah iyo dhalabatul cilmiga,waxaa saaran mas’uuliyad aad u weyn kaasoo ah in ay dadka uga digaan khatarta ay leedahay dulmiga, kuwa dibedda joogana waxaa lagu boorinaya in aysan waqtiga isaga qaadin,sidii ay lacag u heli lahaayeen iyo hebel soo dhoweyntiisa iyo heblaayo soo dhoweynteeda iyo lacag lagu soo dhoweeyo u raadintooda iyo hotelkii ay seexan lahaayeen u raadintooda,sheekooyinka qaxwada lagu hayo waa isku wada mid,qof kasta waa amiir wuuna isla saxsan yahay, ra’yigiisa ayaana toosan,ra’yiga ka soo horjeedana waa khalad,haddii aad hal qaxwe fadhiisato waa hal sheeko,haddii aad bil ka maqnaato kaddibna aad ku soo laabato,waa isla sheekadi,dadkii waxaad moodaa in aakhiro la seejiyay oo shaydaankii faa’idaystay,cadowgii islaamkuna guul ku socdo.

 

Daalumiintu miyaanu xusuusan,aaway kuwii lacagta haystay oo ku faanayay oo dadka ku dulminaayay,aaway kuwii jagooyinka haystay oo ku kibraayay dadkana ku dulminaayay, waxaa ku soo degtay musiibo iyo murugo adduuneed,maxaa yeelay maalkooda iyo mansabkooduba uguma shaqayn Allah dartii,si kastaba ha ahaate kuwii dulmiga geesanayay,waxay ahaayeen kuwo aayatiinkooda xumaada,Allah wuxuu yiri:ha u malaynin in Allah uu illowsan yahay waxa ay daalimiintu samaynayaan,hayeeshe wuxuu dib u dhigi maalin ay taagmi indhaha (suuradda Ibraahiim, aayad lambar 42),Allah wuxuu kaloo yiri: waana sidaa qabashada Rabbigaa,markuu doono in uu qabto magaalooyinka dadkeeda oo markaasi dulmi geestay,Allah qabashadiisuna waxay leedahay xanuun daran (suuradda Huud, aayad lambar 102).

 

Rabbi guul nama siinayo inta aynu shirki ku jirno,inta aynu ka fog nahay manhajka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,inta aynu guryaheena heeso iyo musik ku dhegaysanayno,inta aynu salaadda dayacayno,inta aynu is xasdayno inta aynu is dulminayno, horumarna gaari meyno inta aynu ku howlanahay dulmiga iyo qabiilka.

 

Qof ku takooray oo jiritaankaaga inkiray oo xaqaada duufsaday kuna dulmiyay,miyuu u daahaya in uu dilkaagana xalaalaysto, miyuu u daahaya in uu maalkaada dhaco,gabdhahaada bikrada ahna uu kufsado,Rabbina wuxuu ummadda ku badbaadin karaa marka towxiidka la qabsado,sunnaha rasuulkana sallallaahu caleyhi wasallamana lagu dhego,dal iyo dadna waxaa lagu horumarin karaa marka daacad laga noqdo diinta,dulmigana la iska daayo.

 

Allah wuu xarrimay dulmiga,wuxuuna Allah ku sheegay xadiis qudsi ah oo nebiga sallallaahu caleyhi wasallama ka soo weriyay Rabbigiisa,kaasoo sheegaya,in uu Allah yiri: addoomahaygiiyow,nafsaddayda waxaan ka xarrimay dulmiga,waxaana dhexdiina ka yeelay mid xaaraam ah ee ha is dulminina,xadiiskan qudsiga ah wuxuu Muslim ku soo saaray saxiixiisa,waxaana soo weriyay abu Dar Al-Ghafaari Allaha ka raalli noqdee.

 

Sababta uu Allah u xarrimay dulmiga waxay tahay si ay dadka u ilaalsadaan diintooda adduunkooduna ay u dhowrtaan iskuna gargaaraan sidii ay uga hari lahaayeen dulmiga, dulmigu wuxuu qofka ku ridaa wax kasta uu neceb yahay,qofkii dulmi geestana wuxuu adduun iyo aakhiraba ku mutaysanaya ciqaabta Rabbi,suuraaggalna ma’ahan in ay dawladi jirto inta la is dulminayo,dawladihii hore iyo qarniyaalkii la soo dhaafay waxay ku dumeen oo ay ku baaba’een dulmi ay geesteen dartii,Allah subxaanahu watacaala wuxuu yiri:waxaanu halaagnay quruumo idinka horreeyay,kaddib markii ay dulmi geesteen,rusushooduna waxay ula timid xujooyin,mana ayan rumayn,sidaas baana ku abaal marinayna qoonka mujrimiinta ah (suuradda Yuunis,aayad lambar 13),Allah wuxuu meel kale ku yiri:magaalooyinkaasi ama tuulooyinkaasi waanu halaagnay markii ay dulmi geesteen (suuradda Al-Kahf,aayad lambar 59),Allah meel kale wuxuu ku yiri:dhammaantood waxaanu u qabanay denbigooda,waxaa ka mid ah:qaar aan u dirnay dabayl dhagxaan wadata iyo qaar qabatay qaylo samada uga timid oo ay ku halaagmeen iyo qaar lala gooyay dhulka iyo qaar aan maanshaynay,Rabbina ma’ahan kii wax dulmiya,haseyeeshe dadka iyagaa is dulmiyay (suuradda Al-Cankabuut, aayad lambar 40)

 

Labada sheekh saxiixooda ee Bukhaari iyo Muslim waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Muusa Al-Ashacari Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:Rabbi dulmiilaha waa u kaadiyaa oo wax tallaabo ah kama qaado,markuuse uu qabto si uu ugu qaado denbigiisa,ma sii daayo,Rabbi wuxuu yiri:waa sidaasoo kale qabashada Rabbigaa,markii uu degmo ama tuulo daalimad ah uu qabto, qabashadiisuna waa mid adag oo xanuun badan (suuradda Huud,aayad lambar 102).

 

Dulmiga waxaa loo qaybiyay saddex qaybood:midka kowaad:waa qofka nafsaddiisa iska galayo,kaasina Rabbi ma cafiyo ilaa uu la yimaado towbad mooye,waana in Allah shirki loo yeelo,macnaha in la caabudo Allah ka sokow,Allahna wuxuu yiri:Allah ma dhaafo in loo shariik yeelo,macnaha in lala waddjiyo cid kale cibaadada,wuuse dhaafa wixii arrinkaa ka soo haro ciddii uu doono, ruuxii Allah shariik u yeelana,wuxuu lumay lumid weyn (suuradda Annisa’,aayadd lambar 116),maxaa markaasi ka dulmi weyn,qof caabuda oo kaalmo weydiista Allah ka sokow,midda labaad:waa denbiga la galayo oo u dhexeeya addoonka iyo Rabbigiisa oo aan ahayn shirkiga,noocaanina hadduu Rabbi doono wuu cafiya,hadduu doonana wuu cadaaba oo wuxuu ku cadaabaya hadba inta ay la egtahay denbiga uu galay, midda saddexaad:waa midka ay iska galaan dadka,qofka daalumka ahna hadduusan raalli gelin qofkii uu dulmiyay,maalinta qiyaame dulmigii uu geestay ayaa la horkeenaya.

 

Labada sheekh saxiixooda ee Bukhaari iyo Muslim waxaa ku xusan,xadiis ay soo werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqde,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii xaqdarro ku qaata taako dhulka ka mid ah,wuxuu Alle ku cadaabaa maalinta qiyaamo in loo suro toddobo dhul qoortiisa,macnaha wixii uu xaqdarrada ku qaatay,labada sheekh saxiixooda ee Bukhaari iyo Muslim waxaa kaloo ku xusan xadiis uu soo weriyay Mucaad bin Jabal Allaha ka raalli noqdee,wuxuuna rasuulka kula dardaarmay Mucaad oo uu ku yiri:iskana jir habaarka,macnaha inkaarta qofka dulman,maxaa yeelay inkaartiisa lama soo celiyo, labada sheekh saxiixooda ee Bukhaari iyo Muslim waxaa kaloo ku xusan xadiis uu soo weriyay Cabdullaah bin Camar bin Al-Caas Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:muslim waxaa ah qofkii ay afkiisa iyo addinkiisa muslimiintu ka nabad galaan.

 

Qofka daalumka ah,si kasta uu dadka u dulminayo,waxaa la arki maalin,isagii oo meel cidle ah taagan oo argaggaxsan oo dhibaataysan,sidaas daraadeed bay u adag tahay in dadka daalumiinta ah ay u badbaadaan una liibaanaan,weyna adag tahay in ay farxad ku joogaan goor ay dulmi geesanayaan oo ay walaalahooda dulminayaan oo ay takoorayaan oo ay diintooda dayacayaan oo xalaashii iyo xaaraantiina isku qasayaan.

 

Sheekh Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

 

Imaamka iyo khadhiibka masjidka Bilaal

 

Den Haag

 

Nederland

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>