Digil iyo Mirifle laba gobol iyo lix gobol hakala doortaan oo ha iska iloobaan 3 gobol

 

Shir ay ku yeesheen qurbo joogta beesha Hawiye ee ku mideysan magaca Hawiye Diaspora Forum(HDF) qadka Skypeka ayay kaga doodeen waxyaabo badan oo kala duwan oo ku saabsan xaalada uu dalka Soomaaliya maraayo waqtigaan xaadirka ah gaar ahaan shirka ka socda magaalada Baydhabo ee caasimadda gobolka jubadda sare(Alto Jubba) waxayna kasoo saaareen baaq iyo bayaan ka kooban toban qodob una qoran sida soo socota :-
Qurbo joogta beesha Hawiye(HDF) waxay si xoog leh oo buuxda u taageereysaa shirka ka socda magaalada Baydhabo ee caasimadda u ah gobolka Jubadda Sare(Alto Jubba) ama BAY , waxayna u arkaan in danta ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto in la dhiso maamul goboleedka Koonfur Galbeed( South west State of Somalia) oo ka kooban Jubadda Sare(Alto Jubba), Jubadda Hoose(Basso Jubba) iyo qeyb ka mid ah Banadir Region ama sida hadda loo yaqaano Bay, Bakool, Jubadda Dhexe, Jubadda Hoose, Gedo iyo Shabeeladda Hoose.
Qurbo joogta Hawiye(HDF) wuxuu ka digayaa cawaaqib xumadda ka dhalan karta in la hor istaago hamigii qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee ahaa in ay dhistaan dowlad goboleed nidaam federaal ah oo ay ku midaysan yihiin dhamaan soomaalida oo dhan oo ka kooban dhulka kala ah Jubadda Sare iyo Jubadda Hoose, hamigaas oo soo jiray muddo ka badan 100 sano.

Qurbo Joogta Hawiye waxay beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan walaalahooda Digil iyo Mirifle u cadeynayaan inay marnaba yeeli doonin aysana aqoonsan doonin maamul goboleed ka kooban sadax gobol oo kala ah Bay iyo Bakool iyo Shabeeladda Hoose waayo maamul goboleedka noocaas ah wuxuu ku dhisan yahay dulmi iyo sadbursi mana socon doonto in Digil iyo Mirifle inta ay kala gooyaan deeganadooda sida goboladda Jubadda Sare ay ka taagaan qeyb ka mid ah deegaanadooda inay qaataan gobol ka mid ah Banadir Region.
Qurbo joogto Hawiye(HDF) waxa ay uga digayaan siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Hawiye iyo kuwa Digil iyo Mirifle ee ka shaqeynaayo inay lugooyaan shacabka Soomaaliyeed oo beenta sheegaayo oo leh sadax gobol oo kala ah Shabeeladda Hoose, Bay iyo Bakool ayaan maamul goboleed u sameyneynaa inay beenta iyo lugooyadda ka daayaan, haday Digil Mirifle waayaan Luuq Ganaane, BaarDheere iyo Saakow iyo deegaanada la midka ah lagama yaabo inay helaan Dhanaane iyo Lafoole waana wax caqliga saliimka ee nadiifka ah uu diidaayo.
Siyaasiyiinta iyo odayaasha Digil iyo Mirifle ee kasoo horjeeda shirka ka socda Baydhabo ee raba inay sameeyaan maamul ka kooban sadax gobol waxaan kula talinaynaa inay mar hadday diideen maamul goboleed ka kooban lix gobol in ay sameeyaan maamul ka kooban laba gobol oo kala ah Bay iyo Bakool waayo lagama yaabo beesha Hawiye inay ogolaato in la kala gooyo labada Shabeelle mar haddii Digil iyo Mirifle ay ku guuldareysteen in Soomaalida dagan lixda gobol inay maamul mideysan la sameystaan.
Qurbo joogta Hawiye waxa ay soo jeedinaysaa in haddii Shirka ka socda magaalada Baydhabo ee lagu sameynaayo lixda gobol uu fashilmo in beesha Hawiye ay iclaamiso shir lagu sameynaayo maamul goboleed ka kooban gobolada Shabeellada Dhexe iyo Shabeeladda hoose , shirkaas oo ka dhici doona magaalada Balcad ama Jowhar. Maamulkaas cusub oo lagu magacaabi doono Shabelle State of Somalia waxa ay caasimadiisu ay noqon doontaa magaalada Baraawe ama Marko waayo waligeed taariikh ahaan waxa ay ahaayeen goboladda Shabeeladda Hoose iyo Shabeeladda Dhexe kuwa is raacsan oo hal maamul ka wada tirsan.
Waxaan uga digeynaa siyaasiyiinta uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan in haddii uu fashilyo shirka Baydhabo ka socdo uu isk iloobo beenta iyo riyada uu ku jiro ee ah Lafoole iyo Dhanaane ayaa Baydhabo la hoose geynaa, Luuq Ghanaane, Baardheere iyo Saakowna kismaayo ayaa la hoos geynaa waayo sheekadaas sheeko caqli gal ma noqon doonto.
Waxaan uga digeynaa dowladda Soomaaliya iyo dowladdaha dariska ahba inay jalaafooyinka iyo dhibaatooyinka ka daayaan shirka dadka Soomaaliyeed ee iyagu iskood isku abaabulay uga socda magaalada Baydhabo si ay u sameystaan maamul ka kooban lix gobol oo aan ku dhisneen qaab qabiil iyo beeleed kaasoo tusaale u noqon karo federaalka runta ah ee Soomaaliya ka hirgali karo mustaqbalka.
Sidii aan marar badan kusoo celcelinay waxaan kasoo horjeednaa nidaam federaal ah oo ku dhisan qaab qabiil waayo wuxuu horseedi karaa dagaal sokeeye oo qaraar oo ka xun midkii hadda ay Soomaalidu soo martey.
Waxaan mar labaad uga digeynaa dowladda Soomaaliya iyo ragga madaxda u ah hadda inaysan ummada lugooynin oo mashruucyo been ah oo aan suurta galeynin aysan ku wareerin iyada oo la ilaashanaayo mansab siyaasadeed oo ku meel gaar ah oo dhamaanaayo dhowr sanadood gudahood isla markaana aan umadda loo horseedin nidaam halaag ah oo keeni kara dagaal sokeeye oo qaraar oo haddaba wajiyadiisa hore ay ka bilowdeen koonfurta Soomaaliya.

Wabilaahi Towfiiq
Ururka Qurba Joogta beelaha Hawiye(Hawiye Diaspora Forum)
Wixii warbixin iyo talo nagala soo xariir emailkaan: uschawiye@hotmail.com

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>