Jawaab ku socota M.Ghedi & Kolombo‏

Bal marka hore aan ka bilawno erayga lagu wareeray ee DAM JADIID, waa eray aanan weligey
maqal, wax loola jeedana cid taqaan inay jirto u maleyn maayo..bal eraygan waa cay miyaa iyo
qadaf dad loola jeedo, mase waa urur siyasaded oo ku cusub siyasadda dalka.  Haddaba, ma
jirtaa cid taqaanna oo si cilmiyeysan u qeexi karta ururkaan iyo hadafkiisa siyaasadeed (political
objectives)..maxaa markasta loogu eedeeyaa Madaxweyne Xasan Sheikh inuu yahay Dam Jadiid.
Kuwa eedaha jedinaya ma yaqaaniin ceebaha ow leeyahay ururkaan waa hadduu jiraba.

M.Ghedi wuxuu ku sheegay cebaha ay leedaha dowladda Xasan Sheikh inay ugu weyn tahay
musuq-maasuqa baahsan ee ka jira dalka,waa siduu hadalka u dhigaye.  Madaxweyne Xasan
Sheikh iyo kooxdiisa waxay dalka ugu yimideen dowlad uu Ghedi oo xildhibaan ahaa..Xasan

 iyo kooxdiisa waxay la mid yihiin rag Talyaani ahaa oo beri dalxiis u tegay dal ka mida galbeedka
afrika kaasoo lagu sheegay inay jiran niman hilibka dadka cuna(cannibals) markaasey weydiiyeen
maamulki Hotelki ay ku degeen, waxayna jawaabti noqotay ( I cannibali erano solo otto persone :
Quattro uccisi e I rimanenti Quattro li abbiamo mangiati noi) taasoo micnaheedu yahay
( nimankan dadka cuna waxay ahaayeen sideed: afar waa dilnay afarti kalena annagaa cunnay).

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo dowladdiisu waxay yimaadeen meel dadka noocaasa ay joogaan.
Ma ahan inay hilibka dadka toos u cunaan, balse si dadban ayey dadka u halaagaan, markaasaa
dowladda lagu eedeeyay wixii kuwi meesha joogay sameeyeen…Ghedi waxaan xasuusineynaa
inuu jiray barlamaan isagu ximin ka ahaa oo u qaybsanaa laba: qayb uu watay Shariif Xasan oo furihi
Golaha Shacabka jeebka ku ritay gurigiisana ka dhigay meesha lagu shiro..iyo guruub labad oo marki
dambe ay khasab ku noqotay inay xarunti xoog ku furtaan guddoon kalena doortaan Shariif Xasanna
ay jagada ka qaadaan. Ghedi barlamaankaas ayuu ka mid ahaa haddaanan khaldaneyn.  Maanta
wuxuu eedeyn u soo jeediyay xildhibaanada hadda jooga oo uu ku cadeeyay inay laaluush qaataan..
haddey doonaan waa dacweyn karaan oo maxkamad ayey soo taagi karaan, meeshuu doono ha joogo,
si uu u caddeeyo qadafka uu kula kacay dad xasaanad leh (immunity), hadduu caddeyn keeni waayo uu
ciqaab ku muteysanayo iyadoo ceeb kalena u dheer tahay.  Mudane Ghedi waxaan weydineynaa
eedeymaha uu soo gudbiyay ma dowladda ayaa u sababa mase waa kuwo horey u jiray ?
Cabdullahi Kolombo wuxuu ka codsaday ummadda inay bannan-bax dhigaan lagu diidan yahay kana soo
horjeeda R/Wasaare Cabdsiweli Sheikh oo ku eedeeysan inuu yahay nin qabyaaladu ku weyn tahay..waa
yaabe maxaa adiga kaa qeylisiiyay sow isla qabyaalidi ma ahan oo aad cod u beddeshay markii websiteyadi
jufada oo dhan ay ku fashilmeen mucaarad-nimadi…ma waxaad dib ugu laabateen meeshi aad jogteen 1992?  Qabyaalad Soomaaliya ceeb kama ahan, ninki loo nisbeeyana waa halyey reerku ku faanaan.
(OGAAW DAD WUXUU KU FAANO DADAA KA FAANA) ninki reerka wax u qaban waayana wa doqon nacas
ah..ceeb kale u radiya CabdiWeli tani socon weysaye.
Dhinaca kale, waxa lagaa rabaa Kolombo inaad ka jawaabto su’aalaha soo socda : waa maxay DAM JADIID?
Urur diineed miya mase xisbi siyaasadeed?  Yaa aasaasay? Waa maxay falsafada ay aaminsan yihiin? Xagey ku
taallaa xaruntooda weyn? Yaa hogaamiye u ah? Xagey dhaqaalaha iyo maal-gelinta ka helaan? Waa maxay
dembiyada ay galeen iyo meesha ay ku galeen? Imise ayaa lagu qiyaasay dadka ximnaha ka ah?
 Su’aalahan qof alla qofki jawaab ka bixin kara ha soo gudbiyo si ummadda oo dhan u wada ogaato.
Axmad Calasow
ahmedalasso@hotmail.com

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

3 Responses to Jawaab ku socota M.Ghedi & Kolombo‏

  1. Daud Reply

    17/12/2013 at 09:48

    Ahmed calasow Aad iyo aad ayuu noogu faahfaahiyay, waxaana leenahay dadka waxey noqdeen Kuwa is ka hadla Kuwa maxaan cunaa ah, Kuwa danta wadanka ka doorbiday . Maxaan cunaa , uguma jeedo jufadeyda hoose, Alow dadka Iimaan geli

  2. Calasow Jr. Reply

    17/12/2013 at 09:28

    Masha Allaha Dr. Caafimaad iyo cimri dheer Allaha ku siiyo.

  3. Dahir Reply

    17/12/2013 at 00:41

    Asc aad Iyo aad u Mahadsantahay sida ad runta u sheegtay Faarax gollley waxow yir ilahow iiman ka naga bixi marka dad an xishood laheyn hadii wax kala dhaxeyaan dantu waxey kugu qasbee adne in ad marada dhigato qolada kali damiir laawayaasha waxey musuq maasuq u yaqaniin wixi aysan cunin. Xunbo gafuurkooda kutaal e dad kali kucayhayaan!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>