Colaad Beeleedka Shabeelaha Hoose oo Gacanta laga taagay (Falanqeyn)

Waxaa sii socda Dagaalo u dhexeeya Kooxo hubeysan oo Qaab Beeleed u kala safan, kuwaas oo ku diriraya Shabeelaha Hoose.

Dagaaladan ayaa la xiriira kuwo horay u dhacay oo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobalku ay sheegeen in la xaliyay.

Deegaanno ku dhaw Magaalada Marka iyo Goobo kale oo Gobalka ka tirsan ayeey Dagaaladu Saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceyeen, waxayna Dadka Deegaanku ka deyriyeen Xalinta Colaadda.

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa isna Colaadan ka hadlay, wuxuuna Maamulku u muuqdaa mid Gacanta ka taagay oo ka quustay Xalinta dhibaatadan.

Cabduqadir Siidii oo ah Gudoomiyaha Gobalka ayaa Warfidiyeenka u sheegay in Dagaalkan socday uu yahay midkii 11-aad ee Maliishiyaadkan Beelaha kala taabacsan halkaas ku dhex mara, isagoo tibaaxay inay adkaatay dhamaynta Colaadan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamo Dowladda ka tirsan ay Dagaalka ka qayb qaadanayaan iyagoo la kala safan Maliishiyaadka Beelaha ee iskasoo horjeeda.

Mas’uuliyiin Maamulka Shabeelaha Hoose ka tirsan ayaa iyagana Farta lagu fiiqay oo lagu tuhmayaa inay wax ka ogyihiin Dagaaladaan.

Hase yeeshee Gudoomiyaha Marka Maxamed Yariisoow oo Xubnahaas Fartu ku godantahay ku jiray ayaa iska fogeeyay Eedeymaha iyo Tuhunka loosoo jeediyay ee ku saabsan inuu wax ka hurinayo Colaadda jirta, wuxuuse taas badalkeeda sheegay inuu ka qayb qaadanayo Xalinta Colaadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday inay Xaliso Colaadda, markii u dambeysayna waxay Wasiirro Dowladda ka tirsan iyo Xildhibaanada Labada Beelood ku matalaya Baarlamanku tageen Gobalka iyagoo Kulmiyay Odayaasha Beelaha diriray kuna qanciyay inay Heshiis qaataan.

Dad u hadlay Maliishiyaadka diriraya iyo Odayaal Beelaha ka tirsan ayaa is dhaafsaday Eedeymo la xiriira Mas’uuliyadda bilaabashada Dagaalka, waxayna Beel kasta tan kale ku eedeysaa inay iyadu Colaaddaas Sal u tahay.

Arrimaha ay isku hayaan Labada Beelood oo Biyamaal iyo Habar-Gidir lagu kala magacaabo ayaa waxaa ugu wayn Maamulka iyo Milkiyadda Dhulal ku yaala Gobalka, waxaysa markii dambe Doodaha ay Odayaashoodu is dhaafsanayaan u rogantay mid la xiriirta Lahaanshaha Gobalka iyo Deganaashihiisa oo ay ku murmayaan.

Waxaa laga dhur sugayaa Tallaabada xigta ee ay Dowladdu ka qaaddo Colaadahan soo noqnoqday oo wiiqay Xasiloonida iyo hormarkii Gobalka.

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

10 Responses to Colaad Beeleedka Shabeelaha Hoose oo Gacanta laga taagay (Falanqeyn)

  1. seeful cadil Reply

    15/12/2013 at 22:22

    Qofkii run qaba dagaalka imow A47 waa 200 dolar gado sefka so gal ee bootada daa dadka ku waashtay in ay afka ku so taagaan biimaal gooda dagaalka imow. imaan hg waa nin waaashtay gaajada ka so carar gal gaduud ku qabsatay

  2. seeful cadil Reply

    15/12/2013 at 22:18

    Dowlad meesha ma taalo qoriga qaata ee jihaafka ka socdo sh hoose waa barako aan ka qeeb qaadano walaalaha biimaal waa mujaahiiin dhulkooda difaacanaayo. Dowlad waa murtad mooryaanta indha cade waa kufaar baqti ah

  3. seeful cadil Reply

    15/12/2013 at 22:13

    Waxaan la yaabahay dadka qoraalka qoraaayo why aad u leediyin beelaha walaalha ah wax walaalo ma jiraan jihaadka waa jilow insha allah beesha biimaal jihaankaan ma joojinayso insha allah waa wadaaa ilaa gabdh ka so haryo ninkii dhoof ku yimid geerida dhibaysaa . Cidna ma rabno in ay na dhax dhaxaadiso indhaha naga fiiriyo olz dowlad waa mooryaan baqti ah

  4. Abdi Reply

    15/12/2013 at 20:41

    ASALAAMU CALAYKUM.
    WAR SOOMAALIYEEY ISKA DAAFA HADALADA BEENTA AH OO QOF KASTA KU CABIRAYO RA’YIGIISA HADDAAD FIIRISID XAALKA UU SOOMAALIYA HADDA MARAYO WAA WAX AY AYAGA ISKU KEENEEN MEEL KASTOO AAD KA AADID SOOMAALIYA GOBOLADEEDA MARKII HORAA XAQ DARO LUGU HESHIIYEY,– ILAAHAY S/WATACAALAA QOWM MA DULEEYO ILAA AYAGA IS DULEEYAAN SOOMAALI AYADAA IS DULEEYAAN OO WAX KASTA SUUBISAY MARKAAS BAA CARIDII ILAAHAY KU DHACAY ILAA AY KOOXO KOOXO ISKU DILAAN GAALANA LOO TUUGSI TAGAY OO ARIMAHOODOO DHAN GAALADA AY GACANTA U GASHAY MADAXWAYNE ILAA SHACAB MARKA SIDEE LADOONAA LAGA YEELAYAA SOOMAALI EE DULQAADKEEDA YEESHA AMA BOODBOODA .

  5. fooz Reply

    15/12/2013 at 15:47

    Askar_dooxoow qabiil cuqdadeysan ee waliba dir ka cuqdadeysan kamaba dhalan kkkkkk balse hawiyaha aad sheeg tay ee alshabaabkaa ma difacaayo ee waxa laga hadlayaa hada waa dagaalka sh/ hoose balse adiga aqoon fiican uma lihid sh/hoose iyo beelaha dega balse biyaamaal ayagey dani ugu jir taa in ay joojiyaan fowdada daris koodana nabad kula noladaan nin walbo oo magaca direed sheeg ta hadaad ku casuntaan sh/hoose ogaada H/gidirba waa hawiye waana hiraab sh/hoosena nomberka ay kadagaan waad taqaanaan ee meel fariista ( lo’eey nin aan ku shubi doonin yoow ku ceel geyn )

  6. fooz Reply

    15/12/2013 at 12:13

    Gar darada waxaa wada beesha biyamaal waxaana u leeyahay taas beesha miyamaal waa kuwa ku haaya Alshabaab iyo axmed godane gobolka sh/ hoose axmed godane ayey na ka amar qataan si u dowlada u fashiliyo si looga dhamaan waayo dagaalo beeledyo asagoo leh waxaa tihiin dir si u gumaadka shacabka uga sii wado gobolada koofureed gobalkkii u ka yimidna ku nabad galaan gaalada iyo yahuuda walibana gabdhahooda wada qaawan yahiin haduu xaq wado kuwaas diinta ha ugu waco tan labaad beesha biyamaal gobolka inta ay ka dagaan waala yaqaan dusha shalaan bood kama sokeen awdheeglana malahaan waligood balse h/gidir ayagana hore waa u daganayeen haba ku soo bataano waqtigii dagaaladee wayna jirtaa h/gidir in ay qaladaad badan galeen balse tan hada ka socoto sh/ hoose waxaa wada waa biyamaal sideese ku dhici kartaa biyamaaloow in aad tiraahdaan dir oo dhan ku soo dhawaada gobolkaan ay xatee ku jiraan dirta waqooyi kana cunsiriyey saan h/gidir bal is waydiiya gobolka meeqa qabiil ayaa dega yaa idinka kaliya idin laheysiiyey hadaad ka hari waysaan axmed godane idinkaa faraha uga gubanaayo qaska aad wadaan ee laga soo maleego hargeysa

    • Askar_doox Reply

      15/12/2013 at 14:58

      @Fooz
      Marka hore waxaan ku leeyahay cuqdada aad u qabto beelaha DIREED iyo Biimaal waa inaad kala saartaa. Axmed Godane ayaa maskaxdaada ka guuxaayo, Axmed Godane beelaha uu ku amaanay ka qayb qaadashada dagaalada Alshabaab waxaa ugu badan waa Hawiye sida Murusade, Duduble, Gaaljecel. Ma ii sheegi kartaa Axmed Godane oo amaanaayo Biimaal. Biimaal ma ku biirin Shabaab ee umadda ha marin habaabinin.
      Biimaal wuxuu diidan yahay Habargidir inay soo dhexgasho deegaankiisa, wuuna ka dagaalamayaa wuuna ka dagaalami doonaa waligeed.

      Waxaa hubaal ah in Habargidir ay adkaan doonto inay ku dhex noolaato beelaha Shabeelaha hoose ee Biimaal iyo Digil ka kooban.

      Aniga Biimaal ma ahi laakiin hadalkaaga ayaa iga keenay inaan xaqiiqada kuu muujiyo.

  7. HIBO Reply

    15/12/2013 at 10:30

    Ilaahow iljeex naga qabo wey a waashey tuugada

  8. Geedi Reply

    15/12/2013 at 10:17

    The Truth:Dagaalada ka socodo SH. HOOSE is a war between the natives and the moryaan settlers.
    Waxan leenahay isku xishooda, Somaaliyo dhan wa idiin jeeda. Waxaad boob, dhac ..billiqo u geeysateen umado maxaad ka heeysaan. Ti AAKHIRINA wa idiin sugeeysa. Maalin waliba, mar kasta waxa la idiinka cel/celiya wax aadan la heen: xoolo aadan la heen, guri aadan la heen, naago iyo niman aadan la heen, maqaalo aadan la heen, gobal aadan la heen ….hada waxaad keenteen in aad sheegtaan Number aadan laheen… bal Number 50 IYO AWDHEEGLE maxa Cadaado IYO HOBIYO ka galay?????? , darajo aadan la heen …, SHEEKH shan beri ma lugu noqda!! GENARAL ma leeska noqda???? in aad sheegtan qof aan idiinka dhalan tiraahadane “wan nin TOOL ah”. Sheekadi Daahir Aweyes wili wa taagantahay.
    Waxa la yiraahda:
    ” Mukulaal meeshey macaan ku barato eey macluul ogo dhimata”
    “Moryaane meeshey moos,cambe iyo babaay ku barato eey macluul ogo dhimata”
    GUSHA WAXEY U DAMBEEYSA DADKA GOBOLKA KA DHASHAY – EE TA HALA OGAADO.

  9. moha Reply

    15/12/2013 at 09:43

    waa xaqdaro weyn meesha la leeyahay dagaalada ka socda waa la xalin la,yahay waxay caasimada u jirtaa 50km, dowlada wax qabadkeedu maxuu yahay hadaysan dadka kala celinayn waana la arkaa inay xaqdaro tahay waa reer soo duulay iyo reer lagu soo duulay halagu kala dareero meesha dawlad ma taalee.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>