Talooyin muhiim ah oo ku socdo Ra’isul wasaare Cabdi Weli Sheikh Axmed‏

Marka hore waan soo dhaweynayaa Ra’isul wasaare  magacaabistaada Waxaana Ilaah kuu weydiinayaa in uu kuu fududeeyo Masuuliyadda weyn ee laguu dhiibay, Waxaana kuu sheegayaa in taageeradeena ay ku xirnaan doonto hadba waxa aad qabato

Maadaama ay xili hore tahay in aan Ra’isul wasaaraha talo ka hor geeyo iyadoo  xitaa aysan ka soo wareegin dhowr Maalmood magacaabistiisa sidoo kalena aan Baarlamaanku ansaxin ayaa hadana waxa jira waxyaabo igu kalifay inaan talooyin badan siiyo inta uusan dhisin Golohiisa Wasiirada sidoo kalena uusan hortagin Baarlamaanka.

Ra’isul wasaare maadaama laguu magacaabay xil aad u culus Ilaahay hortiisana lagu weydiin doono wixii ka halaabo Wadankan inta aad Ra’isul wasaaraha tahay, lagaagana fadhiyo in aad wax ka qabato dalkan burbursan.Waxyaabaha  ku horyaallo waxa ka mid ah waxyaabo ay ku fashilmeen Raggii Adiga kaa horeeyey haday ahaan lahayd sugidda Amniga,baahinta dowlad wanaaga,hirgalinta Nidaamka Federaalka iyo dib u habeynta Dastuur baaska.

Waxaa sidoo kale waxyaabaha culus ee ku horyaalo ka mid ah sida laga yeelayo Maamul Goboleedyadan is garba yaacayo ee qaarkood isu haysto in ay yihiin dalal madax banaan sida Maamulka la magac baxay Soomaaliland oo kale,kuwaas oo tartan kula jira Dowladda Federaalka,waxaana tusaale kuugu filan sidii looga qeyb galay Shirkii Qowmiyadaha Ethiopia oo Soomaali ku fadeexowday.

Waxa Iyadana xal u baahan sidii loola hadli lahaa Xarakada Alshabab oo dagaal adag kula jirta Dowladda Federaalka si Wadanka looga saaro dhammaan Ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa ka socda Dowladaha Dariska oo qatar ku ah mutaqbalka Wadanka laakin la iska indho tirayo.

Maadaama aad tahay Nin dhaqaalo yahan ah waxaa loo baahan yahay qorsho Qaran oo dib loogu dhiso dalka,Iyada oo ay Soomaalidu isku tashaneyso si ay dalkeeda u dhisato, Waxaana kuu hayaa qorsho aan u bixiyey Real deal kaas oo haddii uu New dealku shaqeyn waayo  lagu badali doono si looga maarmo tuugsiga iyo dawarsiga Shisheeyaha.

Ra’isul wasaare Iyadoo laga faa’iideysanayo aqoontaada iyo khibraddaada,Waxaa loo baahan yahay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo dhammaan Hay’adaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Dowladda Federaalka gaar ahaan dhinacayada Siyaasadda iyo Ciidamada,Si loo helo Siyaasad cad oo ay ku socoto Dowladda iyo Ciidan Qaran oo la wareega talada dalka.

Inkasta oo aad tahay nin khibrad badan leh hadana waxa aad tahay hal shaqsi sidaa daraadeed waxa aad u baahan tahay Team Wadaniyiinta ah oo kula shaqeeyo kuwaas oo aqoon iyo kartiba u leh shaqada ay qabanayaan si loo helo Nidaam dowli ah iyo Jadwal cad oo ay ku baxaan Africankan soo shaqo tagay ee lagu sheegay Amisom inta aan lagaarin 2016.

Hadaba Anaga oo wax ka baraneyno khaladaadkii ay galeen Raggii Adiga kaa horeeyey waxa aan  kuu soo jeedinayaa talooyin aan is leeyahay waa kuwa muhiim ah.

1-Inaan marna shaki la gelin Madax banaanida Wadanka sidoo kalena aan wax loo dhimin Midnimadiisa xitta haddii lagu weynayo taageerda Beesha Caalamka.

2-In la helo dib uheshiisiin dhab ah sidoo kalena lala  fadhiisto cid kasta oo Dowladda ka soo horjeeddo sida Al-shabab oo kale.

3-In la joojiyo is garba yaaca ay caadada ka dhigteen Maamul Goboleedyada ka jira Wadanka,Sidoo kalena laga soo xiro albaabo badan oo u ekeysiiyey in ay yihiin dalal madax banana.

4-In loo dhiibo Rag (not dumar) aqoon iyo karti leh Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arimaha Dibadda si aysan mar danbe u dhicin Wasiir Gaashaandhigbaa Maleeshiyo meel ku celisay.

5-In ahmiyadda kowaad la siiyo dib udhiska  Ciidan Qaran Iyadoo lala kaashanayo Saraakiishii hore ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

6-In Dowladaha Dariska lagula dhaqmo Siyaasad ka duwan tii Ku-meelgaarka,Sidoo kalena aan gorgortan laga wixii wax u dhimayo Madax banaanida Wadanka iyo Midnimadiisa.

7-In lala dagaalamo musuqmaasuqa iyo eexda,Sidoo kalena  cadaalad loo qeybsado deeqaha dalka la siiyo Iyadoo lagu salaynayo 18-kii gobol.

8-In aad iska ilaaliso balan qaadyada faraha badan ee ay sameeyaan Siyaasiyiinta si aan Berri laguugu qabsan,Waxa aan ugu danbeyntii kuu dardaarmayaa runta.

Cabdulahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

One Response to Talooyin muhiim ah oo ku socdo Ra’isul wasaare Cabdi Weli Sheikh Axmed‏

  1. adam banaf Reply

    15/12/2013 at 23:45

    waxaan kula talin lahaa inuu xusho wasiiro ay ku dheehantahay wadaninimo in la sameeyo golaha shuurada iyo dib u eegista geedi socodka nabada oo aan ahayn baarlamaanka, waxaan ku darayaa ninka qoraalka sameeyey waa mahadsan yahay waxaa ka muuqata wadani nimo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>