R/wasaarihii hore Saacid iyo R/wasaaraha Cusub Cabdi weli oo kulan Albaabada u xiran yihiin qaatay

R/wasaarihii hore DR Saacid iyo R/wasaaraha Cusub C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa lagu soo waramayaa inuu dhex maray kulan Al-baabada u xiranyahay.

Warar hoose, ayaa sheegaya in Kulanka labada mas’uul ee xilka isku badali doona dhex maray, inuu ahaa mid xasaasi ah oo ay albaabadu u laabnaayen,inkasto la sheegay inay kawada hadlen shaqooyinka xilligaan hor-yaalla R/wasaaraha cusub ee dhawaan lamagacaabay C/weli Sheekh.

R/wasaarihii hore Saacid ayaa la sheegay inuu tusaaleeyey xaaladda xilligaan dalka ka jirta ee la doonnayo inuu ku shaqeeyo C/weli Sheekh Axmed,isgaoonna u rajeeyey sid la sheegay inuu ka soo baxao waajibadkiisa.

Ma jirto cid wali ka hadashey kulanka labada mas’uul oo dhawaan xilka iskala wareegi doonna,sidoo kale illaa xilligaan lama xaqiijin xilliga ay dhacayso munaasabada xilka ay kula kala wareegayaan R/wasaarihii horre iyo rasul wasaaraha cusub.

C/weli Sheekh Axmed oo isgau xilligaan ah rasulwasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa sugaya inay Baarlamaanka kalsoonida siiyan,haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxaa uu guddagali doonna shaqooyinkiisa isagoona soo dhisi doonna xukuumad cusub.

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

One Response to R/wasaarihii hore Saacid iyo R/wasaaraha Cusub Cabdi weli oo kulan Albaabada u xiran yihiin qaatay

  1. sahalbubu Reply

    15/12/2013 at 06:08

    waxay isu sheegeen labadan nin maxanay war baahintu xog ogaal ugunoqon Saacid waa nin cadhaysan oo shaqadiisii gudan waayay wuxuu u sheegayaa wax jira iyo wax aan jirin Saacid wuxuu ahaa Dameer dhoomo ka waa wayn la saaray midkan cusubna wax badan uu khalday ayaa jira waxaa la yidhi hadaad salaantid waxaa laga yaabaa in ay farahaagu qaar maqanyihiin waa la arki doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>