Gabadhaydiiyay,Soomaalida caqligoodu waa indhahe,madaxa uun masar iska saaro…

Waa arrin lala yaabo in hooyo ay gabadheeda si khalad ah wax ugu sheegaysa kuna waaninaysa in ay wax khiyaamayso,Allah wuxuu yiri:waxay khiyaamaynayaan Allah iyo mu’miniinta,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama aaminay, mase khiyamaynayaan wax aan naftooda ahayn,mase dareemayaan (suuradda Al-Baqara, aayad lambar 9),dadka mu’miniinta ahna laguma khiyaamayn karo,madaxa keliya in masar la saarto,inta kalena laga qaawanaado ama in madaxa keliya masar la saarto,lana tukan, heesahana la dhegaysto,fuxshi iyo munkarna la daawado,noloshuna kuma dhisna in nafta la khiyaano dadkana la khiyaano, mana ahan in gabdhaha maskaxda laga geliyo oo la yiraahdo: Soomaalidu caqligoodu waa indhahee timaha uun astur,asturidda timaha ayay diinta u haystaane.

 Maxamadeyn

Khiyaanooyinka wey faro badan yihiin waxaana ka mid ah,kuwo jalaabiib wata haddana separate ah,macnaha marka ay Soomaalida la joogaana wey is qabaan,marka ay tagaan xafiisyada ay lacagta caydha ah ka qaataana isma qabaan,waxayna kuwaasi u badan yihiin,kuwa wadaaddada waca oo ku yiraahda sheekhow ii duceey shan boqol dollar iyo toban sajaayad baan masjidka siiyaye,sheekadiina waxay noqotay ha lagu maqlo in aad wax bixisay, hana lagu arko in aad xijaab wadato.

 

Haddii ay hooyadu ku tiraahdo hadalka aan cinwaanka uga dhignay mowduuceena maanta, waxaa cad in hooyadaasi ay tahay hooyo xaqa seegtay,Allaha soo hanuuniye,waxayna hooyadaasi xijaabka u haysataa in loo qaadanayo dadka daraadii ama dadka lagu khiyaamayn karo,waxay kaloo xijaabka u haystaa in madaxa uun masar la saarto oo timaha keliya la qariyo,wax kalena aan loo baahnayn,waxaana laysku raacay in ay waajib tahay in timaha iyo luqunta iyo jirka intiisa kaleba la qariyo,loomana hayo wax daliil ah in timaha la qaawiyo, weyna caddahay in haweenka aan xishoonayn oo aan is-asturayn oo timahoodu qaawiya ama jirkooda meelo badan ka qaawiya aysan ahayn haween mu’minaat ah,danna aysan ka lahayn amarka Allah,waxayna wehel ka dhigteen shaydaanka oo u qurxiya arrintaasi,quruxduna waxay ku jirtaa xishoodka iyo iimaanka,akhlaaqda iyo in loo hoggaansamo amarka Allah lana adeeco nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.

 

Islaamku ma oggola in haweenku ay is qaawiyaan ama ragga ku dhex darsama ama dhex yaaca,kuwa is qaawinaayana waa kuwo daciif ka ah islaamka,waa haween aan shaqo ku lahayn aakhiro,waa haween aan kala jeclayn xaaraan iyo xalaal,waa haween aan diinta wax ka garanayn,sow ma arag waddamada isku sheega islaamka haddana in TVyadooda lagu soo bandhigo gabdho qaawan oo qaarkood heesaya qaar kalena ay iidheh samaynayaan iyagoo madaxoodu qaawan yihiin,gabdhaha loo xulayo TVyada waddamadaasi islaam ku sheegga ah, waxaa shardi ah in gabadha Tvga ka soo muuqanaysa ay qurux leedahay,si ay ragga u soo jiidato,bal fiiriya fuxshi iyo munkar baa la faafinaya,guri kastana la geynaya,culumadiina wey aamuusan yihiin intii  Allah u naxariistay mooyaane.

 

Erayga xijaab waa waxa jirka oo dhan lagu qariyo,waa waxa ay naagta ninka aan maxramkeeda ahayn isaga qarinayso, xijaabkaasina wuxuu noqon kara derbi ama irid ama dharba,taasina waxay ku tusinaysa in xijaabku uu yahay waxa ay haweenayda ay jirkeeda oo dhan isaga qarinayso,niqaabkuna ama waxa loo yaqaano indho shareerka:waa shay wejiga dhammaan lagu dadayo, labada indhood mooyaane,erayga khimaar waa shay madaxa laga soo laallaadiyo,macnaha wax madaxa lagu dado iyadoo lagu soo daynayo luqunta iyo meesha ka furan ee laabta,af carbeedkana waxaa khimaar lagu macneeyay waxa ay naagta timaheeda ku dadayso.

 

Gabadha aan xijaabka qaadan oo haddana joogto dal muslim ah dadkuna ay islaam yihiin,kuwa hoggaaminaayana ay islaam yihiin,waxaa khasab ku ah in ay xijaabka qaadato, haddii ay dibedda u baxdana iyadoo aan xijaab wadan  waxay dhibaysa oo ay waxyeello gaarsiinaysa dareenka dhallinyarada muslimiinta ah,waxaana gabadha muslimadda ah laga doonaya in ay is-asturto, asturaadduna sida la ogsoon yahay waa astaanta lagu garto qofka muslimka ah,xijaabkuna yuusan noqon in cad yar madaxa la saarto qaarka kalena aan si wanaagsan u asturnayn,yuusan noqon dharka aad isku asturaysid mid aad ragga ku soo jiidanaysid,yuusan noqon mid aad indhaha iyo bushinta iyo daananka midabo ku qurxinaysid,si ay ragga kuu soo eegaan,yuusan noqon mid aad ku khiyaanaysid ragga mu’miniinta ah si ay guur kaaga soo dalbadaan,yuusan noqon mid aad u qaadatay istus ahaan oo aad dadka isaga dhigaysid in aad tahay qof mu’minad ah hoostana aad munaafaqad ka tahay.

 

Xijaabku yuusan noqon mid ku soo ganbasho ah,macnaha mid aad ugu soo ganbanaysid diinta islaamka,dhabna aysan kaa ahayn xijaabka,yuusan noqon mid aad ku fushanaysid dano gaar ahaaneed,yuusan noqon mid aad ka soo dhaxashay dadkii hore oo iyagu u badnaa in ay ka ahayd xijaabka mid dhaqan ah oo aan diin shaqo ku lahayn,yuusan noqon kuwa la sheegay in ay ku ceeb qarinayaan timahooda oo iyagu waqti u waayay in ay iska feeraan ama shanleeyaan timahooda,macnaha haddii ay madaxoodu masar saaran yahay lama garan karo in gabadha timaheeda ay ka soo shaqaysay iyo in kale,yuusan noqon u qaadasho cabsi bani’aadan daraadii, macnaha marka ay kula joogaan wadaaddadu in aad qaadato,marka ay kaa tagaana oo aysan kula joogin in aad iska tuurto,ama marka aad sheedda ka aragto wadaad oo xaggaaga u soo socda in aadan oran:waa wareey xijaabkaygii mey wadaadkii baa soo socde,yuusan noqon mid aad u qaadanayso oo keliya marka aad masjidka aadayso oo aad muxaadaro soo dhegaysanaysid ama aad ku aadaysid maalmaha ciidda.

 

Xijaabku yuusan noqon,mid aad ku ilaalinaysid amarka dawladda oo keliya oo haddii dawladda oggolaatana waad qaadan,haddii ay diidana qaadan maysid,yuusan noqon mid aad ugu shaqaynaysid meelaha khamriga lagu gado ama khansiirka lagu iibiyo,yuusan noqon in aad u qaadato sida moodada imminka soo baxday oo kale,kaasoo ah in madaxana masra la saaro luqunta iyo dheguhuna la banneeyo ama in la qariyo oo keliya timaha madaxa,surwaal kugu dheggana aad qaadato,xijaabkaagu ha dhigin marka aad guriga joogtid oo ay guriga kula joogaan kuwa aabbahaa qabiilka la ah oo ay caamadu iyo jaahiliintu u yaqaanaan adeero, kuwaasina adeero kuuma ahee ee is-astur,waagii hore ayaa dadkii la soo khalday oo lagu soo yiri:wixii aabbahaa qabiil la ah oo dhan waa adeeradaa,taasina waxay keentay in guryihii ay ku bataan fuxshi iyo fasaad.

 

Sidoo kale waxaa gabadha muslimadda ah laga doonaya in ay xijaabkeeda qaadato marka ay joog to arloda gaallada ah,mana ahan in xijaabka la qaato oo keliya marka la joogo waddamada islaamka,waxaa gabadha muslimadda ah laga doonaya in gabdhaha gaallada ah ay tusaale fiican u noqoto,laakiinse haddii xaalku noqdo xijaabkiina waan sitaa fuxshi oo dhan waan isku dhex wadaa, waxaad noqonaysa tusaale xun.

 

Gabadha muslimadda ah,ee xijaabka wadata waa in ay ogaato sababta ay xijaabka u qaadanayso,goorta ay qaadanayso,cidda ay ka qaadanayso,meelaha ay iska asturayso iyo sababta uu Allah u waajibiyay in haweenka ay qaataan xijaabka,haddii aysan arrintaasi dhicina waxay markaasi noqonaysa in xijaabka loo qaato ku dayasho oo aad ku dayanaysid heblaayaba wey qaadataye adiguna qaado,ama madaxaaga wasakhda leh isaga qari,ama ayeeyadaa ayaa qaadan jirtaye,adiguna iska qaado.

 

Xijaabka waxaa loo qaata,in uu yahay arrin diini ah ee uusan ahayn arrin dhaqan ah,waana amar Allah xaggiisa ka yimid,haddii uu xijaabkaagu dhab yahay oo aad Allah dartii u qaadanaysid,cid aad uga baqaysid ma jiro,waxaana markaasi xaqiiqo ah in aad ka haraysid wax kasta oo aan sharciga islaamka oggolayn,waxaad ka haraysa xanta,beenta,khiyaanada, dhagarta iyo wixii la mid ah, waxaad ka haraysa separateka,waxaad ka haraysa ribada, waxaana kuu kala soocmaya xalaasha iyo xaaraanta,waxaad albaabka ka xiraysa oo aadan u oggolaan in uu soo galo haddii aad keligaa tahay kuwa ku soo ganbada oo ku qaraabta magaca adeernimo oo  qabiilka ku soo ganbada,mana ahan kuwaasi adeeradaa,haseyee waxaad albaabka ka furaysa haddii aan cid maxram ah kula joogin, qof maxran kuu noqon kara,kuwa kuugu yiraahdana wixii aabbahaa qabiil la ah waa adeerkaa been bay kuu sheegeen,diina kama hadline dhaqan fuxshi ah iyo is dhexgal  aan sharci ahayn bay ka hadleen,kuna dheh dib u laabta adeero iima tihiine.

 

Gabadha muslimadda ah waxaa u wanaagsan in ay noqoto qof si fiican u asturan oo korka ka asturan,carrabka ka asturan qalbigana ka asturan,hadalkeeduna u bato Allah wuxuu yiri iyo nebi Muxammad sallalaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri.

 

Maxamedeyn

 

Den Haag/Holland

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

3 Responses to Gabadhaydiiyay,Soomaalida caqligoodu waa indhahe,madaxa uun masar iska saaro…

  1. A. Abanur Reply

    13/12/2013 at 22:31

    ASCWW,

    Jasaaka Allaahu Kheyra, waa in ay ku dhaqmaan Darsiga uu sheekha ka waramay, ninkan MUMIN la yiraahda waxaan leeyahay ilaahay ka baq (Itaqi Allaah), allena dembi dhaaf weydiiso.

    Wabillaahi Towfiiq

    • Mumin Reply

      15/12/2013 at 03:47

      Waxaa hubaal ah sida aan Alle uga baqo in aadan ugu baqin, Anigu madhihin Alle yaan laga cabsan. Sida ii muuqatase waxaad ka mid tahay kuwa na soo qaxiyay. Waxaa qofka Alle ka cabsado lagu yaqaan in uu xaqa taageero. Xaq miyaysan ahayn kuwa dadka qixinaya oo islaamka baday in ay tuugsadaan in laga qabto marka hore, mise kuwaasi waa kugu qabiil oo in wax laga sheego ma oggolid. Gabdhuhu iskama iman dibadda dandarro ayaa keentay wixii keenay dhibka xal haloo helo ma ceebaa.

  2. Mumin Reply

    13/12/2013 at 17:25

    Waxaan wadankeenna uga soo tagnay caddaaladarro, madaxdeennu waa tuugo waa qaa-imiin. xaqa gabdha aad hadlayso kuwa duudsiyay oo u diiday in dalkooda ku noolaadan kama hadashid. Miskiin iyo miskiin soo qaxay ayaad haysataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>