Maxamuud Geedi: ” Ma qarin karo laba (2) ciladood oo fara ba’an ku haysa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ..”

Marka hore Ilaahaybaa mahad iska leh, marka xiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato Nabigeena Muxamed salalaahu calayhi wasalam. intaas ka dib.
gedi1
Inta aanan gudagelin maqaalkeygaan uu ciwaankiisu kor ku xusan yahay, waxaan la socodsiinayaa aqristayaasha sharafta leh, in da’da aan jiro iyo dowladnimo jeceylkeyga aadka iigu beeran awgood,  aysan ii saamaxeyn inaan soo wada bandhigo waxyaabo fara badan oo igu beeray niyad-jab weyn,  sagaalkii  (9)  billood  oo  aan soo joogay   Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Soomaaliya  ee Muqdishu, March 6, 2013-kii ilaa December 11, 2013-tiin,  maadaama horey loo yiri “Akhyaar iyo umulisaba sida ay wax u og-yihiin wax  uma sheegaan”, ha yeeshee waxa aanan qarin kareyn laba (2) ciladood oo fara ba’an ku haysa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, labadaas ciladood oo kala ah  musuq-maasuq baaxad-weyn  iyo qorsho fulin la’aan (  huge corruption and lack of execution plans).

Wal walka iigu weyn ee aan qabo wuxuu yahay, inaysan muuqan rajo dhowaanahaan looga baxaayo musuq-maasuqa dalka la degay alif ilaa ya, waayoo hay’ada la rabay inay ka hor tagto musuq-maasuaq waa baarlamaanka, laakiin nasiib xumo, xildhibaanada baarlamaanku badankood iyagaaba musuq-maasuq iyo laaluush ku soo galay baarlamaanka, marka sideebaa ruux  isuguba musuq maasuq iyo laaluush ku helay xildhibaanimo qaran iyo xilal ka sii sar sarreeya  uga hor-tegi karaayaa musuqmaasuq iyo laaluush?, aragtideyda xildhibaanada xilligaan waxaan ukala qeybinaayaa dhowr qeybood oo kala ah:-
*55% waxay baarlamaanka ku soo galeen laaluush ay siiyeen duubab-xumayaashii soo xuley xubnaha ka mid noqday  baarlamaanka, laaluushka la siiyay duubab-xumayaasha, ma aha lacag ay  si xalaal ah ku kasbadeen shaqsiyaadka bixiyay ee waa xoolo ay ka xadeen shacabka Soomaliyeed, sida qalin  ay wax ku  xadeen xilli  ay xil qaran  ka haayeen dowladihii KMG ahaay  iyo  qaar  NGO-yo lahay xilligaas   oo macaawinooyin  loogu talagalay masiikiinta in la siiyo  wada leexsaday xilligii ay,  guud ahaan Somaliya ayka jireen abaaro ba’an sanadkii 2011-kii.
*10% waa golihii Wasiirada ee  xukuumadii Dr. Abdiweli Mohamed  Ali Gaas, R/Wasiirihii hore ee dowladii KMG aheyd, iyadoo uu qorshahoodu ahaay inay  u codeeyaan Dr. Abdiweli oo xilligaas ka mid ahaay musharaxiintii u tartamaayay madaxtinimada dalka balse laga guuleystay.
* 5% waa dagaal oogayaalkii dalka mar soo hoggaamiyay.
*30% waa kuwa si sax ah ku soo galay baarlamaanka oo nasiib u helay duubab  ka dhowrsan laaluush qaadasho iyo musuq maasuqa dalku  uu caanka ku yahay.

Madaxtooyada marka aad timaado iridka laga galo, isla markiiba waxaad dereemaysaa inaan  meesha loowada sineyn oo ay u xiran tahay koox aqonsigeeda iyo hadafkood siyaasadeed uu u   qarsoon yahay ilaa hadda?.

Xafiiska Ray’iisul Wasaara marka aad timaado, waxaad ogaanaysaa inuu  Ray’iisul Wasaare kasta ee xilligaas xilka  haaya, uu markasta ku mashquulsan yahay goormaa madaxweynuhu xilka kaa qaadidoona iyo sidii uu taageerayaal ugu yeelan lahay baarlamaanka, meeshii uu  markasta ku fikiri lahay sidee baad dalka horumar ku gaarsiin kareysaa xilliga aad xilka hayso.

Wasiirada dalka si dhab ah loolama xisaabtamo ( no accountability), qaasatan marka ay isku dhacaan madaxweynaha iyo Ray’iisul Wasaaraha markaas xilka haaya, markaasay arrintu u eekaataa Waraabe Hilbo ku aamin, midda kale waxaa la sheegayaa inay aad u hooseyso kala amar qaadashada golaha wasiirada, iyadoo ay dhowr jeer dhacday wasiiru-dowle dhowr jeer ka madax adeygey  amar uu siiyay  Ray’iisul Wasaarihii asaga magacabey ( no chain of command).

Hay’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamadaha dalka marka ay arrimu kaa gasho ee aad aadeyso waa in aad lacag culus jeebka ku sii qaadataa, waana isku mid haddii aad tahay dhibane  raadsanaaya xaq ka maqan iyo haddii aad tahay eedeysane raba in loo xakumo wax uusan xaq u lahayn, labada (2)  dhinacba waa in marka hore lacag laga wada cuno. Aaway dib u habeyntii garsoorka oo la ballan-qaaday hal (1) sano ka hor (  where is the judiciary reforming ?).

Aqristow qaar ka mid ah goballada dalka waxaa jirta mahmaah dhehaysa “Geelii  waa-weyn-kiisu dur-duriyo, waxaa kasii daran yar yarkiisa”,  haddaba haddii sedexdadii (3)  hay’adood ee dalka ugu sarreysay oo kala ah  hay’ada sharci-dejinta, hay’ada fulinta  iyo hay’ada garsoorku uu xalkoodu  sidaas yahay, maxaa laga filikaraayaa hay’adaha kasii hooseeya?.

Guud ahaan Soomaaliya,  gaar ahaan koofurta Soomaaliya, Puntland iyo Soomaliland waxaa ka taagan mowjado-siyaasado is-diidiidsan  iyo is-qab qabsi siyaasadeed ee Rabbi haloo sajuudo  in uu samata bixiyo Soomaaliya sanadkaan iyo sanooyin kalaba, dhowr asbuuc ka dib intii Alle gaarsiiyo sanad wanaagsan ( after few weeks happy new year),  intaas ayaanna ku soo gabagabeynayaa safarkeygii sagaalka (9)  billood iyo Soomaaliya.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Nadiga La Socodka Arrimaha Soomaliya
Rochester, MN.

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

13 Responses to Maxamuud Geedi: ” Ma qarin karo laba (2) ciladood oo fara ba’an ku haysa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ..”

  1. Sharma'arke xaaji nuur Reply

    14/12/2013 at 14:06

    Sida muuqata arrimaha soomaliya weli farikama qodna balse rabbi talo ku filan ee dalka haloo duceeyo

  2. Shaahuur Reply

    13/12/2013 at 12:19

    Ex. xildhibaan m.geedi run-sheege, run sheegana waa ceebsheege ee cimrigii ha jiro, hana joogo, kuwa necebna cagta ka hoos

  3. ahmed muse, Sweden Reply

    13/12/2013 at 00:37

    adeer geedi afkaaga caano lagu qabey

  4. hani hassan Reply

    13/12/2013 at 00:34

    asc, maasha allaahi waa warbixin aad u fiican, kheyr alaha siiyo qoraha maqaalkaan

  5. galcadmetropolitis Reply

    12/12/2013 at 20:53

    Kan waa waashtay. Reer samatar ayuu la dhaqan yahay. Diidmo kaliya. Anaa saxan waa dhamatay.

  6. towfiiq Reply

    12/12/2013 at 15:47

    somalidu waxe tiraa tala keen ahaw ama taloraac. dowlada madaxda ka yahay mudane xasan sheekh aad aye u dadaashy sifiican ayena wax kuwadaa haddii loo fiiriyo wadan intaaso sano dagaal kujiray iyo inta mucaarad ahba oo dowlad diidka sida ninkan wareersan cml maqaalkn soo qoray isla matkaana madaxda isku sawiray…..warhooy dowlada in la taageero aye mudan tahay maahine in la xogxogto ma mudna iyadoo qabiil ama jufo aad ka duuleso. nolaada madaxda qaranka…madaxweyne xasan sheekh maxamud.

    • Goob Reply

      12/12/2013 at 21:10

      Adeerkey geedi dheere, guubaabo ayuu u baahan yahay, waxaanse dhihi lahaa. 2016 ma dheeree. Aan is adkeyno,,

  7. guub Reply

    12/12/2013 at 11:54

    Umada qaarka hor boodayaan dowlada waa la yaqanaa inay dad dabada u dhaqaan bey yaqanaan lakin mudulood waa idin bartay iyo

  8. guub goog Reply

    12/12/2013 at 11:50

    Walee kaba qaadashaan yaa ka reebo mudulood inay dad dabada u dhaqaan mooyee wax kale kuma fiicna lakin umada soomaliyeed waa idin baratay

  9. Guub Reply

    12/12/2013 at 11:37

    Ninka hadlaayo waa nin aad loo yaqaano waa geedi dheere, geediyow soomaalidu waxey dhahdaa. Orgiga baroorta ka weyn,,, waxa ka guuxaaya waa. Xaasid nimo iyo la dagaalan jufo hoose,,, , shariif waa giisi xagee baad jirtay ? waa gii Cali geedi,, xagee baad jirtay?,,,, ogow nin walba ratigiisuu ku guuri,

  10. Farxiyo Cumar, Norway Reply

    12/12/2013 at 10:00

    asc, waad ku mahadsan tahay sida aad noogu soo bandhigtay xaalada Somaliya, qaasatan xamar, inaga oo ka mid ah dadka aadka u xiiseeya qoraaladada, aad ayaan ugu faraxsanahay in aad ka soo laabato soomaliya adiga oo nabad qaba.

  11. alyaqiin Reply

    12/12/2013 at 08:10

    asc aad iyo aad baan kuugu mahad celinayaa sida xil kasnimada leh aad safar kaagii waxaad ku soo aragtey noogu soo gudbisay haddii ay run kaa tahayna waxaa la heli doonaa daliilkeeda marka la soo magacaabo wasiirka kowaad bal inuu soo celiyo wasiiradaan laga wada sheegtey iyo in wax is bedelaan ee bal aan wada dhowrno .beenu raad ma leh —————–runtuna waa lagama reystaan.

  12. Cajiib cajiib cajiib Reply

    12/12/2013 at 07:53

    Waxaad hagarti ku darsateyn maseer iyo xasid nimo, Ader yaana laga garan qabyalada ee is Xaji , adiga iyo geedi waygi shariif waad amusnedeyn hadana, canaadkina baa laga jogi la yahay kkkkkk walahi in mudulood mardanbo horbodi donin kaba qadayasha majerteyn , taas meel ku qora

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>