Maxaad ka og tahay Amiin Caamir iyo falsafaddiisa laaluush qaadshada

Laba sano ku dhawaad ka hor ayay bahda shaaciye sheegtay in Amiin Caamir yahay shaqsi aan dowladnimo iyo nidaan in dalka uu helo aan dan ka laheyn, waxaanse ku faraxsanahay in ay maanta Shacabka Soomaaliyeed  iyo Dowladduba ogaadeen.

Aamin Caamir oo aan hada ka hor cadeynay falsafadda laaluush qaadashada ah ee uu ku dhaqmo uguna dhaqmo hab siyaasi ah oo uusan banaanka isa soo dhigeynin ayaa waxaad moodaa in ay maanta soo if baxeeyso iyadoo dhawaana la soo shaacin doono u adeegayaasha la shaqeysta ee dalaaliinta u ah lacagahana u qaado.

Amin Caamir ayaa waxaa uu sameeyaa marka uu arko ruux siyaasi ah oo uu wax ku tabaayo ama uu is leeyahay wax xoogaa sandareero ayaad ka heli  kartaa inuu Kartoomo been abuur ah ka sameeyo ilaa ruuxaasi uu qal qal ku abuuro,  ka dibna  rag  badan oo kala joogo Sweden iyo Uk oo ay magacyadooda soo shaacbixi doonaan dhawaan, oo isaga la shaqeysto oo dalaaliin u ah uu u adeegsado in ruuxaasi uu daba dhigtay ay la xiriiraan kana dhaadhciyaan in ay kala hadli karaan Amiin Caamir si looga joojiyo Kartoomada foosha xun ee kashifaadda ah oo ay sidaasi lacag kaga qaadaan,  iyadoo uu Aamin Camir arinkaasi aad ugu shaqeysan jiray xiligii hogaamiye kooxeedyada kuwaasoo baray lacag fara badan oo shacabka dhiigooda ku qubeysan jiray.

Aamin Caamir waxaa kaloo uu ku shaqeystaa dhiilal ama heshiisyo uu la galo siyaasiinta inta badan isa soo shaac bixiyo kuwaasoo uu lacago joogto ah ka qaado ilaa ay marinka siyaasadda soo galaan, waxaana jira rag fara badan oo maanta jagooyin sar sare dalka ka haayo oo uusan weligiis kartoon ka sameynin waana kuwa aaminsan in uu isagu soo shaac bixiya oo ilaa hada dhiibo lacaga laaluushka ah.

Amiin Caamir oo dowlad walba oo timaada mas’uuliyiinteeda ku leh rag iyaguna ugu dhex jira oo oo u soo xuuraansado siyaabaha wax u socdaan iyo siyaasiyiinta jilicsan ee wax laga heli karo ayaa beryahan dambe waxaad dareemeeysaa in Shacabku ay inta badan ogaadeen beenta iyo turudafa iyo ijaafeeynta uu la daba kacay mas’uuliyiinta dalka, iyadoo dad badan ay kuu sheegayaan in ay fahmeen Falsafaddiisa guracan  balse ay webkiisa u booqdaan in arkaan wax ay isaga qoslaan oo waxay ka dhigteen shabakad ay ka daalacdaan  majaajilada cusub ee Aminarts.com.

Hadaba dhawaan waxaad naga sugtaan, inaan idiin soo bandhigno dhamaan siyaasiyiinta iska diiday in ay laaluush bixiyaan oo uu Aamin mar walba wax ka sheego, iyo kuwa Laaluushka joogtada iska bixiyo ee uu mar walba kartoomadiisa ku amaano,  anagoo aan cidna qarin doonin si xaqiiq ah oo  runtana idiin soo bandhigi doono hadii Allaha awoodda leh naga ogolaado, waxaana diiradda saari doonaa laga soo bilaabo ilaa xiligii hogaamiye kooxeedyada ilaa waqtigan hada la joogo.

 

 

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>