Xildhibaan xarig muteystay‏

Waa arrin lala yaabo in qof xildhibaan ka ah barlamaanka Somaliya uu aflagaadeeyo madaxda
dalka ugu sarreysa isagoo ku eedeynaya qarax uu ku dhintay xildhibaan kale kana dhacay meel
u dhow madaxtooyada…Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqafaar Oomaar wuxuu
galay dembi khiyaano qaran uu isagu naftiisa isku caddeeyay kaddib markuu qirtay inuu xariir la
sameeyay quwado ajnabi ah iyo bulshada caalamka isagoo weydiisanaya in ay sameeyaan
baaritaan la xariira qaraxa uu ku dhintay xildhibaanka.

Nasiib darro Oomaar oo manta haya xil aad xasaasi ah ayaa ku eedeynaya Madaxtooyada inay ka
dambeeyeen qaraxas..waxayna fikradaas ku tuurtay asaga oo dhan dhul dhiiqa ah oo ay ku adkaan
doonto siduu isaga dhaqi lahaa…Oomaar weligii ma aqrin buugaagta sheekooyinka qora hadduu
aqriayana ma garan waxa ay gudbinayaan..weligiina filim ma arkin hadduu arkana ma garan…ma
oga Oomaar in qofka wax dila uu iska fogeeyo meesha dembiga ka dhacay, mana jiro ruux qof uu
dilay illinka soo dhiganaya….Maskiinkaan wuxuusan ogeyn in Madaxtooyada ay deggan yihiin
Madaxda dowladda oo dhan… laakin Oomaar wuxuu xambaarsan yahay caqligi adeerkiis Faroole oo
ahaa INTI XUNBA XASAN XAGIISA U XAARA.

Edeynta noocaas oo kale ah waxay keeneysaa inuu Oomaar waayo XASANADA (Imuunity) uu leeyahay
xildhibaan kasta kaddib markuu qadaf ku kacay oo uu u gefay madaxda dalka ugu sarreysa isagoo ku
eedeynaya jariimaad dil ah…yaa sheegi kara sababta loo dilay marxuum Feysal muxuuse uga duwanaa
inta kale oo la safneyd Saacid? Jawaabta waxaa laga sugayaa Cabdiqafaar Oomaar iyo Faroole.
Nabadsugidda waxaan weydiisaneynaa inay u yeeran xildhibaankan oo ay wareysi fiican la yeeshaan, si
aysan u noqon caado ama albaab u furan inta nabaddu dhibeyso.

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

One Response to Xildhibaan xarig muteystay‏

  1. shiino Reply

    10/12/2013 at 05:20

    waxaan la yaabanahay qofka maqaalka qoray war ilaahey ka cabsada beenta iska daaya xildhibaanka waa la dilay wixii dilayna ama cidii ka danbeysayna waa cadahay shirqool in loo maleegayna way cadahay ee wax kale sheega

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>