FIIRSO VIDEO: Shirkii Beesha Mudulood oo guul ku dhamaaday iyo duco iyo shirib lagu soo bandhigay.

Kulan qado Ahaa oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Imaamka, Ugaaska, Duubab dhaqameedyada, Nabadoonada, siyaasiyiinta iyo Haweenka Beesha Mudullood Ayaa laga soo saaray krig murtiyeed ku saabsan DIB u heshiisiin muddo labaatan cisho ka dhex socotay xubanaha beesha.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo mudooyinkan dalka dibadiisa safar ugu maqnaa ayaa sheegay in Beesha Mudullood ay kala maqnaayeen, balse isu imaatinkooda iyo kulamadii u socday uu dhaliyay is faham.

“Beryahan la kala maqnaa, isu imaatinkan wuxuu muujinayaa midnimada beesha mudullood, wixii jiray ee khilaafaad yar yar laga heshiiyo”ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ayaa sheegay in kulanka dib u heshiisiinta Beesha Mudullood uu soo socday tan iyo 20-kii November ilaa 8-da Bisha, kaasoo uu xusay in lagu xaliyay khilaafaadka xaga dhaqanka ahaa oo ay beesha kala tabaneysay.

Ugaaska ayaa kulanka ka aqriyay war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo laga soo saaray shirarkii u socday xubnaha beesha Mudullood, isagoo xusay in shirarka ay u socdeen ilaa 170 ergo oo ka kala socday beelaha Mudullood ka soo kala xulaan Beelaha Mudullood.

“Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdishu dib-u-heshiisiin mudo ka dhex socotay beesha mudulood dhexdeeda. Shirrkan gabagavada ah waxaa uu ka soo qaybgalay ergooyin ka kooban 170 ee ka kala socda beelaha mudullood oo dhan, kana koobnaa oday dhaqameedyo, culumo, haween, iyo aqoonyahanno , waxaa ka soo baxay qodobo badan”ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaaska ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay beesha ka tashanayso sidii deegaanada ay degto Maamul Goboleed looga hirgelinaa, waxaana uu tilmaamay in Gudi farsamo loo saarayo arrintaas sidii deegaanada beesha degto loo nabadeyn lahaa, maamulo looga hirgelin lahaa.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Duubabka dhaqanka beelaha Mudullood, kuwaasoo soo dhoweeyay dib u heshiisiinta iyo isku duubnida beesha, waxaana ay ku baaqeen in la ilaaliyo Midnimada Beesha Mudullood.

Xubnihii ka hadlay kulanka oo isugu jiray Ugaasyada, Waxgaradka iyo Haweenka ayaa waxay si kal iyo laab u soo dhoweeyeen war murtiyeedka shirka laga soo saaray.

Ugu dambeyn War murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa ka koobnaa ilaa sideed qodob.

War murtiyeedka ayaa sidan u qornaa:-

1- Mudada uu Shirka socday waxaa lagu heshiisiyay Beelaha Mudullood ee colaada ka dhaxeyso.

2- Beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beelaha kale oo ay dariska yihiin nabad iyo isfaham ku saleysan walaanimo, derisnimo iyo cadaalad.

3- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in khilaafkasta ey ku dhameeyso wada hadal iyo nabad.

4- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in ey gogol nabadeed u fidiso beel kasta ee wax ka tabaneysa.

5- Waxay beeshu sidaas si la mid ah diyaar u tahay gogol haddii loo dhigo in ey ka qeyb qaadato.

6- Waxay beeshu u soo xulaneysaa guddi u xilsaaran khilaaf bixinta beesha dhexdeeda iyo nabad iyo dib-u-heshiinsiin in ey la gaarto beelaha kale oo ay colaadi horay u dhex martay.

7- Beesha Mudulood waxay beelaha kale ee Soomaliyeed oo dhan ugu baaqeysaa in ey mowqifkaan mid la mid ah go’aansadaan.

8- Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in la adkeeyo nabada isla markaana la isku soo dhoweeyo shacabka Soomaaliyeed ee colaaduhu kala qaybiyeen.

mudullood_1 mudullood_2 mudullood_3 mudullood_4 mudullood_5 mudullood_6 mudullood_7 mudullood_8 (1) mudullood_8 mudullood_9 mudullood_10 mudullood_11 mudullood_12 mudullood_13 mudullood_14

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

5 Responses to FIIRSO VIDEO: Shirkii Beesha Mudulood oo guul ku dhamaaday iyo duco iyo shirib lagu soo bandhigay.

  1. alyaqiin Reply

    09/12/2013 at 12:22

    asc runtu waxey kugu hagtaa waddada toosan beentuna waddada halaaga ama cadaabta soomaalidu waa wada qabaa’il iyo beelo sidaasna ilaah baa u abuuray dhulkana ilaah baa ku wada abuuray,dowladduna waxey u sameysantahay isla dadka, beesha mudduloodna kuwaas ayey ka mid tahay waxa ay ku dhaqaadeyna waa howl dowladdaba laga rabey in ay goor hore ku dhaqaaqdo,ma aha hub wax lagu furto walaal sidaas u faham haddii aad dowlad jeceshay heshiika taageer

  2. abukar Reply

    09/12/2013 at 10:53

    asc sadax iyo labaatan sano ka dib oo la helay doowlad aan ku meel gaar aheeyn inaad weli daba taagnaataan mashruucii xiligiisa dhamaaday ee qabiilka ku saleeysnaa waa dhibaato hada wixii ka danbeeya ka daaya ummada waxaaba jira dadka qaar marka ay maqlaan mudulood ku xanuunsado. mudulood waxaa uu noqday nooc ka mid ah hubka wax la furto laguna dilo

  3. alyaqiin Reply

    09/12/2013 at 10:41

    asc waa wax ku dayasho mudan waana in laga dhabeeyo ilaaheyna ha lajiraan leenahay maxaa yeelay waa waddada saxda ah oo soomaali oo dhan ay u baahantahay

  4. Caasha Ahmed, USA Reply

    09/12/2013 at 09:16

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Calool wixii ayku jiratay laguma daaweeyo, waana nassib darro sida sawirada ka muuqata inay kuuwii shalayto isku diray mudullood-weyne iyagoo u adeegaaya shaqsiyaa dano siyaasadeed leh inay yiraahdaan mudullood ayaan heshiiisihaynaa, meel ay ku jiraan kuwa sawirka ka muuqda kheyr haka filana.

  5. Xiin Faniin Reply

    09/12/2013 at 07:12

    Rag Rag dhalay Dheh
    Mudulood United Dheh
    Dad Nasab ah Dheh
    Nabadoon Gob-ah Dheh
    Imaan Ahlu Kheyr Dheh
    Dadkii Nabada Dheh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>