R/W Saacid : ninki tiis daryeelaa lagu diirsada‏

Maalmahaan waxaa socda qoraallo u badan kuwa ka careysan xilka laga qaaday R/Wasaare
Saacid, kuwaasoo badankooda ahaa kuwi ka soo horjeeday dowladda oo qaarkood soo qoray
sannad khasaaray inti uu joogay Saacid…qaarna waxay yiraahdeen waa dhibane siyaasadeed
(political victim), qaar kalena waxay soo jeediyeen in wasiirada la shaqeynaayay Saacid aan
dib dambe loo magacaabin.

Waxaa nasiib darro ah in dadka sidaas u dhaqmaayaya lagu tilmaami karo sheeko beri dhacday
oo ahayd ninbaa tolkiis meel la degganaa wuxuuna aha nin ladan oo aad loo xushmeeyo,
gurigiisana la isu yimaado oo dadka laga sooro..Markaa waxaa dhegihiisa ka batay xan lagu
eedeynayo xaskiisa oo la leeyahay war waxaani naag maaha ninkaani naag taas ka fiican ayuu
mudnaa…markaasuu naagta hal dalqad ku furay, markey maqleen inuu furay xaaski ayey arrinti
si kale isu beddeshay markaasey yiraahdeen war ninkaani aad iyo aad ayuu u gefay, qofkaanina
waa oori aad u wanaagsan oon iyadoo kale la heli Karin,  Waana isla kuwi shalay caynaayay.
Markaasuu yiri : naagti mana qabi karo mana furi karo…halkaasuu uga guuray reerki tolkiis ahaa.

Kuwa manta siyaasadda Somaliya ka hadlaaya waa isla kuwa kor lagu sheegay.   Dhibaatada ku

dhacday Saacid waxaa sabab u ahaa isagoo garan waayay dantiisi oo xilkiisi ku waayay dano dad
kale u adeegaya..wuxuu garan waayay inay is-afgartaan Xasan Sheikh ay uga faa’iido badan tahay
inuu qaswadayaashi ka dhigto la taliyeyaal, kuwaasoo ku hogaamiyay burburkiisi iyo inuu gacantiisa
isku merjiyo (political suicide).  Saacid wuxuu la mid yahay kabtan koox kubbad cayaareysa. Markey
cayaarti bilaabatay ayuu garoonka dhex istaagay halki laga filaayay inuu cayaarta hogaamiyo, qayb
muuqatana ka qaato ee uusan noqon mutafarij fiirsanaya..Wasiiradi shaqadoodi waa fuliyeen laakin
Saacid wax dowr ah ow ku lahaa aad bey u yareed.
Kuwa dowladnimada diidani waxaysan ogeyn in waxa kalsoonida waayay waa R/W Saacid ee ma ahan
dowladda, wasiiraduna wax dembi ah ay ku leeyihiin wixi dhacay ma jirto shaqadoodana caadi ayey u
wada karaan, haddii la doonana dib ayaa loo soo cusbooneyn karaa ama loo magacaabi karaa oo wax
diidaya haba yaraatee ma jiraan.
Madaxtooyada waxay u baahan tahay inay adeegsato khubara ku-xeel-dheer cilmi nafsiga (human
behaviour specialists) si qof kasta oo loo dhiibayo xil ama loo magacaabayo xilka R/Wasaaraha loo qiyaaso
heerka caqligiisa (IQ) oo loo baahyan yahay inuu yahay mid ka sarreeya dhexdhexaad (above average) si
aan mar dambe aysan noogu soo noqon dad ay ka mid yihiin Cali Ghedi, Cumar C/Rasiid. Cabdi Faarax Saacid
iyo  qaar kale oo lagu khaldamay oo wax aysan ahayn la mooday ama iyaga wax is-mooday RAXIMALLAAHU
IMRA’AN CARAFA QADRA NAFSIHI (Allah ka u kaalmeeyo qofka garta awoodiisa)…Su’aasha cilmi nafsiga
ugu hyorreysa oon dadka wedii jiray : ma waxaad tahay waxa aad isu maleyso mase waxa dadku kuu maleeyo..waxaa jira Xadiith saxiix ah oo Nabigeesnu(Caleyhi Salaatu Wassalaam) yiri :Allahuma Ijcalnii
fii ceynii sagiiraa wa-fii acyuni naasi kabiiraa oo micanehhedu yahay  Ilaahow sidaan isu arko wax yar ka dhig
dadkuan ay ii arkaan qof weyn… waxa kale oo jirta xikmad dheheysa man yaraa nasfsihi qabla an yarahu-
naas lam yarahu naas oo u dhiganta qofka isaga is-arka inta aysan dadku arag dadku ma arkaan.
 Xikmadahaan horey ayaan ugu soo xusnay maqaallo hore, waxaana manta kallifay inaan soo celino xubnihii
qaswadayashi qaarkood oo meelaha ka qaylinaaya oo raba in la arko dadweynahana ay ka helaan aqoonsi
iyo tixgelin, iyagoo mar kasta ku mashquulsan shaqana ka dhigtay eedeynta dowladda iyo carqaladeynta
horumarka aanu higsaneyno, iftiinka yar oo bidhaamaya ay naga demiyaan.. inkastoo tiradiinu aysan yareyn,
haddana ummadda wanaaga rabta ayaa aad iyo aad idinkaga badan idinkana adkaan doonta Inshaa Allaah.
 Axmad Calasow
ahmedalasso@hotmail.com

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

2 Responses to R/W Saacid : ninki tiis daryeelaa lagu diirsada‏

  1. ceelhuur Reply

    15/12/2013 at 00:59

    WAXBA HA UGU GARBIN XASAN SHIIKH ,ILAA IYO HADDA QM WAXAY KA WALAACSAN YIHIIN HABKII XILKA LOOGA QAADAY SAACID ,ADIGU WAXAAD KA HADLEYSAA HAL SANO WAXAA FILAYNAA AFAR SANO OO QASAARTAY WAAYO FUDEYDKD XASAN IYO KOOXDA DAMU JADIID EE UU FAARAX SAKIIN HORMOODKA KA YAHAY IN IYAGA SHACABKA DAGAAL KA DHICI HADDII AYSAN HAB DHAQANKA BADELIN

  2. xaajiyo Reply

    09/12/2013 at 02:08

    waxan kuu sheegaya in laga qurax badan yahay in aad u gafto fikarada ku cabir meeshey wax ka qaloocan yahin lakin wa foolxumo inad adugana ad caaqil isku tilmamto shaqsi kalena ku tilmanto qof tiisaba an daryeeli karin caqilka wa mid wax fiican laga siyaadsado lakiin ma ahan in laga faa iido in la isku xadgudbo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>