Tufaaxa iyo xanjadda oo la ogaaday in isku faa’iido meel ka wada yihiin waa intaay?!!

Cunista tufaaxa iyo ruugista xanjada ayaa la xaqiijiyay inay ilkaha bini’aadamka cadeeyaan haddii aad loo isticmaalo.
Koox qubaro ah oo fadhigoodu yahay magaalada New York ayaa war bixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in daraasad la sameeyay lagu ogaaday in cunista tufaaxa iyo ruugista xanjadda ay ilkaha ka dhigaan kuwa cad cad haddii la joogteeyo.

ilko
Kooxdaan waxay ku doodayaan in haddii dadku tufaax ama xanjo isticmaalaan mar walba walba oo ay raashin cunaan ay ka heli karaan
faa’ido ah in ilkuhu u cadaadaan.
Haweeney la yiraahdo Peta Leigh, o madax u ah qubarada warbixintaan diyaarshay ayaa tiri “Qofkii doonaya in ilkihiisu cadaadaan ha qaato ama ha cuno tufaax iyo xanjo cunnadda kadib si joogto ah taas waxaan hubaa inay run u noqonayso” waxaana ay intaa ku dartay in xanjada iyo tufaaxa ay awood u leeyihiin inay ilkaha sifeeyaan.
Sidoo kale Peta Leigh, waxay sheegtay in waxyaabaha qayira ilkaha bini’aadamka ay ka mid yihiin cabista sigaarka oo la badsado iyo caday la’aanta.
Tufaaxa ayaa la leh biyo dareere ah oo macaan kuwaasoo nadiifiya darbiyada cirridka waxaana ay awood u yeeshaan inay nadiifiyaan halka xanjaduna ay nadiifiso ilkaha.
Peta waxaa ay ugu dambeyn warbixinteeda ku tiri dadka waxaan kula talinayaa inay joogteeyaan cunista tufaaxa iyo xanjada.
Xigasho- Khaleej Times
W/Tarjumay Burhan Dini Farah

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

3 Responses to Tufaaxa iyo xanjadda oo la ogaaday in isku faa’iido meel ka wada yihiin waa intaay?!!

  1. badaawi Reply

    12/12/2013 at 01:15

    caadi iska dhiga aqyaarta nin marqaansan ayaa soo qorey warbixintaan yaan lagu qabanin lolz maskiinka waa is mashquuliyey lakin waxaa u goysey sida google looga raadiyo tufaax iska baro waxaad ku qortaa apple waxaad dhahdaa images waxaad arkeysaa sawiro tufaax marka sanadka danbe noosoo saar kkk caadi iska dhig marka aad wax qoreyso maraxyahoow

  2. Mohamed Reply

    09/12/2013 at 20:26

    Waxaaba dhici karta in qoraalku ka hadlayey orange iyo xanjo, sidaa darteedna uu tufaaxu afka ka dafey. Mise tufaaxa iyo xanjada ayaa sax ah??.

  3. Ali Reply

    09/12/2013 at 08:28

    SAAXIIBAYAAL HADANA WAXAAD ISKU QALDEYSAAN ORANGE IYO TUFAAX WAA YAABE MIYADAAN OGEYNIN INUU ADUUNKA HORU MAREY OO AAD HELI KARTID SAWIR WALBO OO AAD RABTO WAA MARKII LOO BAAHDO GEEDAHA XAYAWAANADKA IWM MARKA SAAXIIBAYAAL HALKEY WAX IDINKAGA QALDAN YHIIN ? MAWAXAA JIRTO INAADAN KALA GARANEYN GEED MIROODKA AMA WAXAAADAN AQAOON QAABKA LOO RAADIYO MISANA WAXIINA WAAA WAA SOCONKARTAA SOCODSII MARKA WAXAAN IDIN DHIHILAHAA INTA AADAN SOO BANDHIN QORAAALKIINA FADLAN ISKA SAXA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>