Siyaasi aan Sarriigan Qorre : Idiris A. Dooxa-joog

Fahanka guud ee Siyaasadda iyo hab-dhaqanka Siyaasigu waxa aynnu ka arkaynaa in xil-gaaritaanka aan kor lagaga soo noqon ee hoos laga bilaabo , taas oo ka dhigan in kolka aad xil maqaam sarre leh aad gaarto eegga uu kaa dhamaado aaddan damcin mid ka hooseeya kii aad gaartay .  Haddii ay dhacdo in siyaasigu dib ugu soo noqdo xil-doonid ka hoosaysa tiisi hore waxaa immaanaysa sababta u leh sidaas ? Saamaynta ay ku yeelan karto qofnimaddiisa ? aragtidda shacabka waa kuwoodda maanka ka bad-qabee ay ku cabirayaan qofkaas .

unnamed

 

Tusmayn.   Qormaddeenaan ka Faalloodka ah ee aan iddeen ugu iftiiminayno bulshadda arrinta qormaddu qusayso ee ah Musharax Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isu soo taagiisa xilka Madaxtinimo ee MGPL ( Maamul Goboleedka Punt-land Inta aynnaan sababta Musharaxnimadda Gaas inno ka oran aan isa-tusaalayno .   Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu ka soo noqday Dawladdi Ku-meel-gaarka ahayd ee ku magacownayd dawladda dalka Soomaaliya Wasiir koowaad (Ra’iisul wasaare) .

 

Xilkaasu waa mid maqaam sarre oo xil-hayneed ah waa hoggaamiye Xukuumaddeed dal dhan , sida Dastuurka Villa-Somalia u dhigan qabona waxaa Madaxwaynaha ka Maamuus iyo awood sarreeya Wasiirka koowaad , ase Soomaalida oo dad Fahanka dawladnimadda iyo nolol qiimayntu ay mugdi kaga jirto  si ka duwan ayay u arkaan .

 

Cabdiwali Gaas oo gaaray xilkaas Wasiirnimo Koowaad xukuumaddeed ayaa haatan u taagan Xilka-Madaxwaynenimadda MGPL ee ah Maamul Soohdin qabyaaladdeed .  Siyaasi aan Sarriigan .  

 

Waa siyaasi aan sarriigan oo leh Qalbi sida  gacansadde ka fakara kali ah macayshkiisa , aanna marna u dabcid kula dhacmin macamiisha usoo dukaamaysi taga baddeecadda uu gaddo .

 

 

Hab dhaqanka Siyaasi Cabdiwali Gaas ee ah in aannu ka sarrigan ku soo noqoshadda xil hoose waxaa u leh siddaan sarreba ku sheegnay Maallaysi doon-nimo , Damaciisaas Maal-doone waxa uu gayaysiiyey in uu haatan ollole ugu jirro xilka Madaxwaynenimadda Puntland isaga oo u arka haddii uu MGPL Madaxwayne ka noqdo hellaaya dhaqaalle aad u fara badan .

 

Hab-dhaqankaan ah in qof Ra’iisul wasaare gaaray ku soo noqdo Xil-doone Maamul Goboleed waa mid u gaar ah Cabdiwali Gaas geyiga Soomaalida iyo taariikhda dhow ee dunnida inteedda kale intaan ogahay , kolka laga tago dalka Israa’iil oo madaxdiisu xillal kala duwan ka qabtaan dawladdaha kala dambeeyey.   Ka Faallood .

 

  Waa tu ceebow ku ah Cabdiwali Gaas in uu isu soo taago Xilka Madaxwaynenimadda MGPL , sababtuna tahay isagu waxa uu gaaray Maqaam sarreeya oo qofkiisa ay tahay in uu ka hufnaaddo ku soo hoos noqoshadda doone Maamule Soohdin Qabyaaladdeed .   Tannu waxay Cabdiwali Gaas ku tusmaynaysaa in uu yahay Siyaasi leh damac Maallaysi , sababta oo ah Madaxwyanenimadda Soohdin Qabyaaladdeedka PL , maamuus ma yaal oo isaga ay usii dheertahay Ra’iisul wasaarihi Maamulaha Maamul Koox odayeedka dib ugu noqday .   Waa sharaf dhac iyo sumcad xummo isku samayn in Cabdiwali Gaas isaga oo Ra’iisul wasaare soo noqday haddana uu doono Madaxwaynaha MGPL .   Gaba-gabo .

 

Dhawaaqa Cabdiwali Gaas ee Ollole ee uu dadka MGPL ugu yeeraayo waxaan xilka u doonayaa in aan isbadal sameeyo waa tu ku eg afka , Ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya xil-doon-nimaddiisa sumcad xummadda durugsan usoo jiiday ayay tahay in ka Maallaaysasho .

 

Ugu dambayn Cabdiwali Gaas waxa uu noqday Tusaalaha leh Ra’wasaarihi noqday Maamulle Maamul Gobolleed , Waxaynna inna baraysaa tan Cabdiwali Gaas in Siyaasiga Soomaaliyeed isaga oo dantiisa Maallaysi eeggaaya uu halka uu ka soo gaaro ama isleeyahay way gashay markaan uu ku dhaqaaqo , isaga oo aan waxba xeerinaynayn . idiDooxajoog5@gmail.com

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

5 Responses to Siyaasi aan Sarriigan Qorre : Idiris A. Dooxa-joog

  1. Juxaa Reply

    17/12/2013 at 02:33

    Waxa ay Caisha kugu sheegtay waa sax,ee haddaad anshax leedahay shaarka guluusyada ma aadan soo furateen.
    Midda labaad inaad wax ka sheegto nin aqoonyahan ah, masuul sarena ah waxaa kuugu wacan waa jahliga iyo waaya aragnimada oo kugu yar.
    Waxaase adiga kaa liita cidda kaa ogolaatay in aad bulshada u soo bandhigto waxan cantarabaqashka ah.
    Waxaa aad qortayna waxaa sabab u ah isbarbar yaaca sababay dhibaatada faraha badan.

  2. Juxaa Reply

    17/12/2013 at 02:29

    Waxa ay Caisha kugu sheegtay waa sax,ee haddaad anshax leedahay shaarka guluusyada ma aadan soo furateen.
    Midda labaad inaad wax ka sheegto nin aqoonyahan ah, masuul sarena ah waxaa kuugu wacan waa jahliga iyo waaya aragnimada oo kugu yar.
    Waxaase adiga kaa liita cidda kaa ogolaatay in aad bulshada u soo bandhigto waxan cantarabaqashka ah.

  3. Juxaa Reply

    17/12/2013 at 02:25

    Waa ay Caisha kuu sheegtay,ee haddaad anshax leedahay shaarka guluusxada ma aadan soo furateen.
    Midda labaad inaad wax ka sheegto nin aqoonyahan ah, masuul sarena ah waxaa kuugu wacan waa jahliga iyo waaya aragnimada oo kugu yar.
    Waxaase adiga kaa liita cidda kaa ogolaatay in aad bulshada u soo bandhigto waxan cantarabaqashka ah.

  4. caaisha axmad Reply

    10/12/2013 at 16:35

    akhlaaqda qofka waxaa ka mid ah markuu wax sheeegayo inuu naftiisa ka bilaabo ilaa xabadkaa ku qaawan cabdiwalina waxbaad ka sheegin waa wadankiisii haduu xukunkiisa kusoo laabto xamarna maleh puntlan buu leeyahay

  5. Sharmarke Reply

    08/12/2013 at 21:09

    Ma sharci baa jira diidaaya in qofka hadii uu raisul wasaare mar soo noqdo in uu madaxweyne maamul goboleed noqdo? waa maya.

    Marke hore waxaad ogaataa Cabdiweli wuxuu soo noqday raisul wasaare ma uusan noqon madaxweyne.
    Tan labaad hada ka hor taarikhda wadamada qaar aduunka way ka dhacday in qofka uu asagoo xil qaran oo sare soo qabtay hadana qabta xil heer gobol ah.
    Tan seddexaad Cabdiweli wuxuu u dartamay xilka madaxweynaha somaliya wuu heli waayay, wuu sugay xamar kama uusan tagin oo wuxuu raajicinaayay in loo magacaabo raisul wasaare mar labaad, taasna meesan dhicin.

    Marka maxaa diidaayaa qofka hadii uu rabo in uu siyaasada ku sii jiro oo uu xil sare ka waayay dowlada dhexe ee Soomaliya, in uu xil sare ka raadsado dowlad goboleed?
    wax diidaaya ma jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>