Madaxweyne Xassan oo Fariin adag u diray Hey’adaha Amniga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Hadal kulul kasoo saaray Dilkii loo geeystay Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Hey’adaha Amniga Dalka faray inay deg deg u baaraan Dilkan, isla markaana Warbixin Cad kasoo saaraan Kooxihii ka dambeeyay Falkaas.

Mudane Xassan Sheikh oo War-murtiyeed kasoo baxay ay Warbaahintu heshay ayaa Tacsi u diray Ehelada, Qaraabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo uu Xildhibaanku ka dhintay, wuxuuna Ilaahay ka baryay inuu Xildhibaanka ka waraabiyo Janatul Fardowza.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Shacbiga ku booriyay inay Ciidamada Amniga ka Gacan siiyaan sidii meel loogasoo wada jeesan lahaa Kooxaha Nabad Diidka ah oo Falalkan oo kale ku kaca.

Fariintan uu Madaxweynuhu u diray Hey’adaha Amniga waxaa kuwo la mid ah diray Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’isul wasaaraha oo iyaguna ku baaqay in War Cad lagasoo saaro Baaritaanada Ciidamadu ay ku samaynayaan Qaraxan.

Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed Feysal oo Baarlamanka ka tirsanaa ayaa ku dhintay Qarax Shalay Gaarigiisa lagula eegtay agagaarka Madaxtooyada Dalka.

Qaraxyo ceynkan ah ayaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Muqdisho, waxaana qaarkood lagu dilay Xildhibaanno halka qaar kalena Shacab iyo Mas’uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan lagu dilay, horayna looguma baran Baaritaanno wax-tar leh iyo Tallaabo cad oo ay Ciidamadu ka qaadaan Falalkaas oo kale.

 

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

One Response to Madaxweyne Xassan oo Fariin adag u diray Hey’adaha Amniga Dalka

  1. Digtal Reply

    07/12/2013 at 16:42

    Waa cadahay inuu saacid ka danbeeyo. alshabaab waa qandaraasle yaal,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>